Fallanqeyn: Ciidamada Puntland ma soo afjari karaan Daacish?

Fallanqeyn: Ciidamada Puntland ma soo afjari karaan Daacish?

Illaa 70 maleeshiyo oo Daacish ah iyo ugu yaraan 27 ka mid ah ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, in ka badan 40 kalena way ku dhaawacmeen weerarro ismiidaamin ah oo kooxda Daacish ay xalay saqdii dhexe ku qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaalla gobolka Bari, iyo dagaal xigay.

Weerarradan ismiidaaminta ah ee lagu qaaday ciidamada Puntland iyo dagaalka fool-ka-foolka ah ee ka dambeeyay ayaa noqonaya kii ugu adkaa tan iyo markii ay Puntland ku dhawaaqday bilowga howlgalkeeda Hilaac bishii December ee sannadkii tegay.

Horaantii bishan, ciidamada Mareykanka ayaa duqeyn ka geystay buuraha Cal Miskaad, weerarkaas oo uu amray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

Tan iyo markii uu bilowday howlgalka Puntland ee ka dhanka ah ISIS, Puntland waxay sheegatay inay ku dishay maleeshiyo ka badan 200 oo isugu jira weerarro kala duwan.

Waxaa kale oo dagaalka Puntland uu kusoo beegmayaa iyadoo khilaaf siyaasadeed uu ka dhex jiro Dowladda Federaalka ee Muqdisho iyo maamulka Garowe.

Haddaba, suurtagal ma tahay in si degdeg ah looga adkaado maleeshiyaadka Daacish ee buuraleyda Puntland, haddii aysan Puntland iyo Dowladda Federaalka u midoobin, taageero caalami ahna aan la helin?

Su’aashaas iyo kuwo kale ayuu Maxamed Colaad Xasan weydiiyay Cabdiqafaar Cabdi Wardheer, oo ka faallooda arrimaha Mareykanka iyo Soomaaliya, kuna sugan gobolka Virginia ee duleedka Washington.

Bulshada Koonfur Galbeed oo Geel ugu deeqday ciidanka

Bulshada Koonfur Galbeed ee gobalka Nugaal ayaa ku wareejiyay Guddiga Taakuleynta Ciidamada ee gobalka Nugaal 20 neef oo geel ah, oo ay ugu talagaleen ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Puntland, kuwaas oo ku guda jira wajiga labaad ee Howlgalka ciribtirka argagixisada Daacish.

Siyaasi Maxamed Bishaar, oo kamid ah haldoorka bulshada Koonfur Galbeed ee degan Puntland ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray ciidamada Difaaca Dowladda Puntland, isagoo sheegay in ay garab taagan yihiin Ciidamada, si loo ciribtiro argagixisada duullaanka kusoo qaaday Amniga iyo horumarka Puntland.

Wasiir daanyeer ku eedeeyay koronto la’aan ka dhacday dalkiisa oo dad badani maad ka dhigteen

Mushkilad guud oo koronto la’aan ah oo ka dhacday dalka Sri Lanka, ayaa lagu eedeeyay daanyeer galay xarun koronto oo ku taalla koonfurta magaalada Colombo ee dalkaas.

Korontada ayaa si tartiib ah dib loogu soo celinayaa dalka jasiiradda ah oo ay ku nool yihiin dad tiradooda guudi gaarayso 22 milyan oo qof, iyadoo mudnaanta la siinayo xarumaha caafimaadka iyo warshadaha sifeeya biyaha.

“Daanyeer ayaa la taabtay qalabka shabakadda ah ee korontada ka qaada warshadda, taas oo sababtay in uu dheeliyo nidaamkii korontada,” ayuu yiri Wasiirka Tamarta dalkaas, Kumara Jayakody isagoo la hadlayay warbaahinta.

Korontada ayaa go’day saacaddu markii ay ahayd 11:00 kii subaxnimo wakhtiga dalkaas (05:30 GMT) maalinkii Axadda, taasoo ku qasabtay dad badan inay ku tiirsanaadaan matoorada yaryar ee dhaliya korontada. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen inay qaadan karto dhowr saacadood si korontada dib loogu soo celiyo si dhamaystiran.

Dad badan ayaa dhaleeceeyay maamulka iyaga oo qosol ka dhigtay dhacdada.

“Daanyeer khaa’in ah ayaa gabi ahaanba gooyay nidaamkii koronto ee Sri Lanka ka dib markii uu sababay in uu shaqayn waayo shabakadii koronto gudbinta ee xarun koronto oo ku taalla Colombo,” ayuu qoraaga X Mario Nawfal daabacay isaga oo arrinkaan ka hadlayay.

“Hal daanyeer = qarribaad buuxda. Waqtigii dib looga fikiri lahaa dib u qaabaynta kaabayaasha miyaa la gaaray?” ayuu ku daray hadalkiisa.

Qof kale oo isna isticmaala barta X, oo magaciisu yahay Sreeni R, ayaa waxa uu soo qoray, “Sri Lanka waxay horay u tijaabisay arimaha daanyeerada,”.

“Kaliya Sri Lanka ayaa kooxo daanyeer ah oo gudaha saldhig koronto ka dhex dagaalamay sababi karaan koronto la’aan guud oo jasiiradda ka dhacda,” ayay tiri Jamila Husain, oo ah tifaftiraha guud ee wargeyska Daily Mirror eek u yaalla gudaha dalkaas.

Warbixin ay shaaciyeen Isniintii, ayaa sheegtay in injineeradu ay muddo sanado ah ku war-gelinayeen dowladda in ay casriyeeyaan shabakadda korontadooda, hadii sidaas la samayn waayana ay la kulmi doonaan go’itaan joogto ah oo ku dhaca qulqulka korontada ee dalka.

“Shabakadda korontada qaranka ayaa ku jirta xaalad daciif ah, taasoo keeni karta in go’itaanada joogtada ah ee ku dhaca korontada jasiiradda ay gaaraan heer mar walba la iska filan karo, haddii xitaa mid ka mid ah xargaha ay waxyeello soo gaarto,” ayaa lagu sheegay hadalka injineer sare oo aan magaciisa la shaacin balse ka hadlay arrinkaan.

Sri Lanka ayaa la kulantay go’itaan koronto oo baahsan intii lagu guda jiray qalalaasahii dhaqaale ee 2022 kii dhacay.

Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa gaaray deegaano horleh

Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa gaaray deegaano horleh oo katirsan Togga Jeceel ee buuraleyda Cal-miskaad.

Ciidamada ayaa isku fidiyay deegaanka Hararyo ilaa aaga Qurac, oo ay ugu tageen saldhigyo ay argagixisada Daacish ay ka carareen, sida uu xaqiijiyay Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

“Ciidanka oo hore ugu ruqaansaday deegaano hor leh, wuxuu hawlgalo amni ka sameeyay deegaanka Hararyo ee Toga-jeceel, isagoo isku fidiyey illaa aaga Qurac, oo ay ugu tageen saldhigyo Aragixisadu ka carartay.”

Howlgalka ciribtirka argagixisada Daacish ayaa ku guda jira wajiga labaad, waxaana ciidamadu burbur xooggan ay gaarsiiyeen argagixisada oo ay ka dileen inbadan 120 xubnood, kaddib dagaal ka dhacay Dharin oo dhacda Togga Jeceel, argagixisada ayaa hadda ah firxad.

Soomaaliya ayaa $125.5 milyan doollar ku weydey shaqo-joojinta uu Donald Trump ku sameeyey Hey’adda Gargaarka dalkiisa ee USAID.

Laga soo bilaabo bishii October ilaa Jenuary, USAID waxa ay Soomaalida u ballan-qaaday wadarta $125.5 milyan oo isugu jirta horumarin iyo gargaar, taasi oo hadda noqoneysa hal bacaad lagu lisey madaama Mareykanku joojiyey shaqadii hey’addaasi.

All reactions:

206206

72

1

Like

Comment

Share