Wafdigii uu hogaaminaayey Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Agaasima Guud ayaa ka qayb galay shir wacyi gelin ah oo ku saabsan Arrimaha Doorashooyinka Qof iyo Cod ee Golayaasha Degaanka Dawlada Puntland oo ay soo qabanqaabiyeen Maamulka Gobolka Sanaag iyo kan Degmada Badhan.
Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, oo khudbad kajeediyay madasha ayaa shacabka Gobolada Sanaag, ku dhiirigeliyey in la is diiwaangeliyo, si ay bari u doortaan dadkii uga shaqayn lahaa adeegyada aasaasiga ah iyo horumarinta Degmooyinka.
Ugu danbayn, Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa carabka ku adkeeyey in loo diyaar garoobo diiwangelinta iyo qabsoomida Doorashada Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Dowladda Puntland.
Mareykanka oo waqtiga u kordhiyay dadka Soomaaliyeed ee sharci la’aanta ku jooga dalkaas
Bayaan ay soo saartay Khamiistii, Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka, ayaa lagu sheegay in Xaaladda Ilaalinta Ku Meel Gaarka ah (TPS) ee dadka Soomaaliya lagu kordhin doono 18 bilood.
Tallaabadan ayaa la macno ah in ku dhawaad 430 muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo horey u haystay TPS ay sii haysan doonaan darajadaas ilaa Sebtember 17, 2024,waxaana waaxdu intaa ku dartay in dad gaaraya 2,200 oo degenaa Maraykanka ilaa Janaayo sanadkan sidoo kale ay xaq u yeelan doona inay codsadaan ilaalinta.
“Iyadoo loo marayo kordhinta iyo dib u habeynta Soomaaliya si loo helo xaalad ilaalin ku meel gaar ah, Mareykanka wuxuu awood u yeelan doonaa inuu bixiyo badbaado iyo ilaalinta dadka Soomaaliyeed ee laga yaabo inaysan awoodin inay ku laabtaan dalkooda, iyadoo la eegayo colaadaha socda iyo dhibaatooyinka bini’aadanimo ee sii socda,” sidaa waxaa yiri”Alejandro Mayorkas .
Washington waxay siisaa TPS muwaadiniinta dalalka ay xaaladuhu si adag uga jiraan, waxaana dalalkaasi kamid ah Afgaanistaan, Yemen, Haiti, Cameroon iyo Ukraine, iyo dalal kale.
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Maxamed Cabdulaahi Axmed (libaaxe) Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Axmed shire Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale ayaa safar shaqo ku tegey magaalada Galgala ee Gobolka Bari iyagoo u kuur gelaya xaaladda deegaanka iyo wacyigelinta diiwaan gelinta.
War kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Dawladda Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada Amniga ay dileen madaxii howgallada kooxda argagixisada ah ee Daacish, kaas oo kasoo jeeday dalka Itoobiya.
Sidoo kale ciidamada ayaa ka hortagay weerar ay maleeshiyaadka argagixisada Daacish doonayeen inay ka geystaan degmada Balli-dhidhin ee gobalka Bari.
WAR-SAXAAFADEED
Ciidanka Amniga Puntland ayaa ka hor tagay weerar maleeshiyadda Daacish ay ku qaadeen Degmadda Bali-dhidhin oo ka tirsan Gobolka Bari, abaare 01:00am 12.Jan.2023
Iska hor-imaadkaas ayey Ciidanka amniga Puntland ku dileen Madaxii hawl-galada Maleeshiyada Daacish Abu-Albara Al Amani kaas oo maleeshiyaadka Daacish u magacaabeen madaxa hawl-galada Daacish illa 11kii, July 2021 xilligiis oo ladilay madaxii hore ee hawl-galada Maleeshiyada Daacish Abuu Waliid Al-muhaajir kaas oo u dhintay dhaawac kasoo gaaray Dagaalkii Daacish lagu qaaday ee ay Ciidamada Amniga Puntland ka fuliyeen agagaarka Buuraleyda Calmiskaad.
Abu-Albara Al Amani ayaa ka soo jeeda Gobolka Amara ee dalka Itoobiya, kaas oo itoobiyaan badan ku khasbay inay ku biiraan Maleeshiyadda Daacish.
Hawl-galka Ciidanka amniga Puntland ayaa ah mid guul weyn u ah guud ahaan Ummadda reer Puntland iyo kan Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka, Wasiirrada Maaliyadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirada Maaliyadda ee Dawlad Goboleedyada.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey natiijooyinka ka soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay uga socday Wasaarada Maaliyadda iyo Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada isagoo tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay sare u qaadidda nidaamyada maaliyeed ee dalka si wax looga bedelo nolosha dadka Soomaaliyeed, horumarna loo gaarsiiyo dalka.
Dhankooda, Wasiirada ayaa soo dhaweeyay howlgalada xoreynta deegannada dalka iyo horumarinta dadaalka loogu jiro horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.
Waxaa codkiisa la maqlayay laba ilaa saddex daqiiqo, laakin wixii intaasi ka dambeyay si lama filaan ah ayaa loo waayay codkiisa. Waynta shanqartiisa ayaa meesha ka saartay rajada laga qabo inuu badbaadayo Yaxye.
Wiilkan yar oo saddex jir ah ayaa ku dhintay ceel biyood laga qoday degmada Khyber ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee dalka Pakistan.
Ka dib howlgal saacado badan qaatay oo ay sameeyeen kooxaha badbaadada, kadib ayna ku guuldaraysteen in ay soo saaraan, ayaa waxaa lagu dhawaaqay in ceelkaas qabri looga dhigayo wiilkan yar, waxaana lagu dukaday salaada Janaasada.
Sidee shilkani u dhacay?
Musiibadan ayaa ka dhacday deegaanka Tehsil Bara ee Khyber. Mustafa, oo ah aabaha dhalay Yaxye, waa nin aragga naafo ka ah, waxaana lasoo deristay murugo aad u weyn oo isbeddel ku sameysay noloshiisa.
Waxa uu BBC-da u sheegay in isaga iyo wiilkiisa oo saddex jir ah ay tageen bakhaar sibirka lagu iibiyo oo ay qaraabadiisu leeyihiin una dhow guriga uu Yaxye kula ciyaarayay carruur kale, halkaas oo uu ku yaallo ceelka dhirirkiisu yahay 73 mitir oo ah kan uu ku dhacay Yaxye.
Kooxaha badbaada ayaa la harjadayay sidii ay u badbaadin lahayeen wiilkaan yar saacado badan, hase yeeshee waxay sheegeen in godka oo aad u dheeraa iyo balliciisa oo yaraa ay suurta gali wayday in lagu guulaysto badbaadinta, Yaxye. Sida laga soo xigtay kooxaha gurmadka sameyay ee degmada Khyber, wiilkan yar ayaa godka ku dhacay shalay abaaro saddexdii galabnimo .
Afhayeen u hadlay kooxaha gurmadka oo lagu magacaabo Bilaal Axmed ayaa sheegay in gurmadku uu sacday 24 saac.
Waxa uu sheegay in kamaradaha wax lagu baaro, qalabka wax lagu dhegeysto iyo aaladaha kale ay isla markiiba lagu eegay xaaladda ilmaha yar balse wax dhaq-dhaqaaq ah, iyo dhawaq aan la dareemin.
Bilaal ayaa sheegay in hal qorshe uu ahaa in meydka canugaasi la qodo oo dib loo soo saaro, balse maadaama ay maalmo qaadaneyso, qoyska iyo dadka deegaanka ay go’aansadeen in ay godka qudhiisa qabri looga dhigo.
Cod ayaa la maqlay wax yar kadibana waa la waayay
Aabaha dhalay Yaxye Mustafa, oo indho la’ isla markaan axanuusan, ayaa BBC u sheegay in shalay laba saac ilaa saddex saac, ay u socdaalayeen deegaanka ceelku ku yaallo, isaga iyo Yaxye iyo sidoo kale wiil kale . “Ka dib waxaan gaaray meeshaas, waxaan la fadhiistay asxaabteydii,” ayuu yiri Mustafa.
Waxay sheegeen in muddadaas Yaxya iyo walaalkii ay bilaabeen inay aadaan agagaarka godka uu ku dhacay laakiin muddo ka dib ayaa wiilkooda oo shan jir ah u soo orday inuu u sheego in Yaxya uu ceelka ku dhacay.
Mustafa ayaa sheegay inuu maqlay codka wiilkiisa yar oo ka yeeraya godka dheer ee uu ku dhacay, balse markii uu wayay uu dareemay in aysan suurta gal ahayn in wiilkiisu uu badbaadayo.
Intaas ka dib, samatabbixiyeyaashii iyo dadkii kale ayaa bilaabay dadaallada ay ku badbaadinayaan Xayxye. Maamulka degmada shilku ka dhacay ayaa la sheegay in ay aabbaha siiyeen xoogaa lacag ah maadama ay isugu darsamene daruufo xanuun hay aiyo musiibadaan u uku waayay wiilkiisa yar.
Mareykanka oo $10 milyan dul dhigay madaxa Maxamuud Cabdi Aaden oo ka tirsan Al-shabaab
Mareykanka ayaa ku dhawaaqaya abaal-marin lacageed oo gaareysa 10-milyan oo doollar ciddii keenta xog ku saabsan Maxamuud Abdi Aden iyo dadkii kale ee mas’uulka ka ahaa weerarkii hotel DusitD2 ee 2019-kii, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 22 qof oo uu ku jiray muwaadin Mareykan ah.
Agaasimaha Waaxda Dembi-baarista ee DCI ee Kenya Amiin Maxamed Ibraahim iyo Safiirka Maraykanka ee dalka Kenya Meg Whitman oo shir jaraa’id oo wadajir ah ku qabtay xarunta Dembi-baarista Kenya ayaa ku dhiirrageliyay dadweynaha inay lasoo xiriiran hay’adaha ammaanka haddii ay hayaan ama ay helaan xogta iyo muuqaalka ‘eedeysane’ Maxamuud Cabdi Aden.
“Waxaan maanta ku dhawaaqayaa abaal-marin lacageed oo dhan 10 milyan oo dollar ciddii keenta xog lagu soo xiro Maxamuud Cabdi Aadan iyo kooxdii ka caawisay ama gacanta ka geysatay weerarkii hotel DusitD2” ayay tiri safiirka Mareykanka ee Kenya Meg Whitman.
Kooxda xiriirka la leh al-Qaacida ee Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii 15-kii Janaayo, 2019 ee dhismaha hoteelka DusitD2, oo socday ku dhawaad 20 saacadood, taas oo ay ku dhinteen ugu yaraaan 21 qof, oo uu ku jiro muwaadin Mareykan ah.
Kumuu ahaa ninkii lagu dilay dhacdada hadal heynta dhalisay ee Xamar Weyne?
Waxaa shalay magaalada Muqdisho ka dhacday arrin hadalheyn badan ka dhalisay baraha bulshada Soomaalida. Askari sida la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada dwoladda Soomaaliya ayaa degmada Xamarweyne ku dilay nin lagu magacaabo Abuubakar Sheekh Maxamed Nuureyn .
Ninkan oo ka mid ahaa dadka ganacsiyada yaryarka ah ku haysta Xamarweyne ayaa waxaa sida la sheegay toogtay askari canshuur qaade ah oo halkaasi ka howlgala.
Taliyaha saldhigga booliiska degmada Xamar weyne Najiib Cabdi Abiib oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dilka marxuumka uu yimid ka dib muran dhanka canshuurta ah.
“Dilka waxaa uu ku yimid canshur lacag is-fahan-waa saas ayuu dilka ku yimid,” ayuu yiri taliyaha.
Abiib ayaa sheegay in dilka markii uu dhacay ka dib ay ku baxeen islmarkaana ay gacanta ku soo dhigeen askarigii dilka geystay.
“Alle ayaa mahad iska leh markii uu dilka geystay ka dib waan ku baxnay gacanta ayaan ku soo dhignay anNaga iyo taliyihiisii hadana gacanta ayaan ku haynaa gacan ku dhiiglaha, muhiimadda ugu wayn waa in caddaaladda la marsiiyo.” Ayuu yiri Najiib.
Siduu u dhacay dilka marxuumka?
Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo ah guddoomiyihii hore ee degmada Xamar weyne kana mid ah ehellada marxuunka la dilay ayaa BBC u sheegay in dhacdadaasi ay ahayd mid si aad ah ay shacabka uga argagaxeen.
“Waxaa shalay degmada Xamarweyne ka dhacay arrin aad u foolxun waxaana lagu dilay marxuum lagu magacaabo Abuubakar sheekh Maxamed Nuureyn oo ku magacdheer Abo Rimo, oo muddo ku ganacsanayay degmada Xamarweyne waxaa uuna ku lahaa miis yar oo alaab yaryar uu ku gadi jiray oo xitaa qiimihisu uusan gaarayn 60 doolar,” ayuu yiri Cabdiqaadir.
Cabdiqaadir ayaa sheegay in dilkan uu dhacay ka dib muran ka dhashay canshuur uu maalin kasta bixin jiray marxuumka taasi oo uu ka qaadi jiray askariga lagu eedeeyay in uu toogtay.
“Askariga u qaabilsan canshuurta ayaa waxaa uu muwaadinkan ganacsadaha ah waydiiyay lacagtii canshuurta maalinlaha ah oo ah lacag 5000 oo shilin Soomaali ah, muwaadinka ganacsadaha 3000 ayuu hayay waxa uuna yiri 2000 wax yar ka dib igu soo laabo maadaama ay subax hore tahay,” ayuu intaa ku daray Cabdiqaadir.
Wuxuu intaa ku daray in askariga uu si bareer ah u dilay marxuum Abuubakar .
“Askariga waxaa uu yiri hadda ayaa laga rabaa marka nin kale oo meesha joogay ayaa yiri 2000 ee shilin aniga ayaa bixinaya ee iska daa, markaa ayuu yiri 2000 bixin meysid isaga ayaa bixinaya, haddii uu bixin waayo-na madaxa ayaan fujinaa kadibna xabbad ayuu si bareer ah madaxa uga dhuftay,” ayuu yiri Cabdiqaadir.
Abuubakar Sheekh Maxamed Nuureyn ayay ehelladiisa ay sheegeen in muddo 30 sano ah uu ka ganacsanayay goobta lagu dilay islamarkana uu ahaa nin si wayn looga yaqaanno degmada Xamarweyne.
Waxaa uu ifka kaga tagay hal gabadh isaga oo da’diisa lagu sheegay in ay ahayd dhowr iyo lixdan jir.
Kumuu ahaa Nuureyn?
Cabdiqaadir ayaa sheegay in Abuubakar uu ahaa shaqsi dabeecad wanaagsan oo aan waligii laga soo sheegan.
“Dadku waxay u yaqaanneen Abo Rimo, waxa uu ahaa nin yara dhega culus ma ahayn nin dagaal badan ma ahayn nin dhibaato badan laakiin wax uu ku maage askarigan dowladda hosse ilaa hadda waan garan la,nahay,” ayuu yiri Cabdiqaadir.
Cabdiqaadir wuxuu sheegay in ay dalbanayaan in loo qasaaso askariga dilka geystay.
“Annaga waxa ana hadda raadinayno waa in dilaaga la horkeeno sharciga, sharciga islamka waxa uu ka qabo-na noola mariyo taasi oo ah qasaas marxuunka uu dilay noola marsiiyo ayay reerka wada qabaan taasi ayaana ku rejo weenahay inay dhaceyso,” ayuu iyir Mr Cabdiqaadir
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay siyaasiyiin reer Koonfur Galbeed oo ka aragti duwan Maamulka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha ayaa warbixin ka dhageystay xaalada deegaanka uu ku sugan yahay, iyagoo soo dhaweeyay ka qeyb galka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo gogoshiisa taalo magalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa siyaasiyiinta Koonfur Galbeed lawadaagay in meesha laga saaro waxkastoo kala shaki keeni kara, isagoo xusay in ciidanka ay ku laabtaan xarumahooda si shirka uu ugu qabsoomo jawi nabdoon oo lagu wada qanacsanyahay, waxayna isla qaateen in laga wadashaqeeyo xasilloonida amniga iyo deegaanka.