Sweden oo xukun ku riday nin u safray Daacish-ta Soomaaliya

Sweden oo xukun ku riday nin u safray Daacish-ta Soomaaliya

Maxkamad ku taalla Sweden ayaa Jimcaha maanta ah xukun saddex sano iyo saddex bil oo xabsi ah ku riday nin lagu helay inuu ku biiray kooxda Daacish (IS), taasoo ka dhigaysa kiiskii ugu horreeyay ee lagu xukumo ka mid noqoshada koox argagixiso tan iyo markii la meel mariyay sharci cusub.

Ninkan 22 jirka ah ayaa lagu helay dambi ah “ka qaybgalka urur argagixiso,” maalgelinta argagixisada, iyo saddex mar oo uu u safray dalal shisheeye ujeeddooyin argagixiso darteed, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay maxkamadda.

Maxkamaddu waxay caddeysay in dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay ay la xiriireen Daacish, safarraduna ay dhammaantood ahaayeen Soomaaliya.

Waxaa lagu riday saddex sano iyo saddex bil oo xabsi ah.

Kiiskan ayaa ah kiiskii ugu horreeyay ee lagu xukumo “ka qaybgalka urur argagixiso” tan iyo markii baarlamaanka Sweden uu ansixiyay sharcigan sannadkii 2023.

Sweden ayaa xoojineysay shuruucda la dagaallanka argagixisada tan iyo 2017, kadib markii qof u dhashay Uzbekistan oo daacad u ahaa Daacish uu gaari ku jiiray dad marayay waddo mashquul badan oo ku taalla Stockholm, halkaas oo ay ku dhinteen shan qof.

Si kastaba ha ahaatee, sharciga mamnuucaya ka mid noqoshada kooxaha argagixisada ayaa loo baahday in marka hore la beddelo dastuurka Sweden, maadaama uu ka hor imaanayay xorriyadda ururaysiga ee dalkaas.

Ansixinta sharcigan ayaa sidoo kale kusoo aaday xilli Turkiga uu hakad geliyay dadaalladii Sweden ay ku dooneysay inay ku biirto NATO, iyadoo Ankara ay ku adkeysanaysay in Sweden ay tallaabo adag ka qaaddo kooxaha xagjirka ah.

Kadib duullaankii Ruushka uu ku qaaday Ukraine, Sweden waxay soo afjartay laba qarni oo ay ka fogaaneysay isbahaysiyada ciidan, waxayna codsatay inay ku biirto NATO bishii May 2022 – ugu dambeyntiina waxay si rasmi ah xubin uga noqotay Maarso 2024.

Doorashada madaxtinimada midowga Afrika: Sidee u dhacaysaa, yaa codaynaya, yaase codayn doonin Sabtida iyo Axadda

Doorashada madaxtinimada midowga Afrika: Sidee u dhacaysaa, yaa codaynaya, yaase codayn doonin Sabtida iyo Axadda

Midowga Afrika ayaa la filayaa in Sabtida iyo Axadda ay qabtaan doorashada guddoomiyaha, iyo ku xigeenka guddoomiyaha, ayadoo guddiga fulinta uu doortay komishanerrada uu golaha soo magacaabay.

Komishanerrada oo Arbacadii iyo Khamiistii ay doorashadoodu dhacday, muddada xil hayntoodana waa afar sano taas oo mar kaliya dib loo cusboonaysiin karo.

Haddaba doorashadii dhacday labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Eswatini waxa ay ku guulaysatay xafiiska beeraha, horumarinta reer miyiga, dhaqaalaha buluugga, iyo deegaanka ayadoo ka guulaysatay Congo-Brazzaville.

Koofur Afrika waxay iyadana ku guulaysatay 41 cod, ayada oo qabanaysa xafiiska tamarta iyo kaabayaasha.

Bankole Adeoye oo u dhashay Nigeria ayaa isna dib u hantay jagadiisa saamaynta badan leh ee arrimaha siyaasadda, nabadda iyo amaanka, isagoo wareeggii ugu horreeyey helay aqlabiyad 3 meelood oo laba ah, kana guulaystay Jean Jacques Demafouth oo ka socday Jamhuuriyadda Afrikada dhexe.

Morocco waxay iyadana xannibtay Algeria oo doonaysay inay la wareegto koontaroolka golaha nabadda iyo amaanka ee Afrika. Algeria waxay heshay 30 cod, halka Morocco ay heshay 15 cod, waxaana sidaa lagu waayey tiradii loo baahnaa.

Madaxweynaha Angola Joao Lourenco ayaa isna la filayaa inuu xilka kala wareego madaxweynaha Mauritania Mohamed Ould Ghazouani, isagoo haynaya guddoomiyenimada wareegtada ah oo sannad-sannad ay u qabtaan madaxda qaaradda.

Waxaa hadda aad loo eegayaa doorashada guddoomiyaha midowga Afrika iyo ku xigeenkiisa.

“Golaha loo dhan yahay ee madaxda qaaradda ayaa dooranaya oo magacaabaya guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka marka ay fadhiga yeeshaan 15-16 Febraayo 2025” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray midowga Afrika.

Wuxuu intaa ku daray in nidaamku yahay in doorashooyinka guddoomiyaha, ku xigeenka, iyo komishanarrada ay soconayaan ilaa iyo inta murashaxiintu ay ka helayaan aqlabiyad 3 meelood oo 2 ah.

“Hanaanka cod bixinta ayaa ku bilaabanaya ayadoo murashaxiinta oo dhan ay aadayaan sanduuqa codaynta. Seddex goor ayaa la codaynayaa. Haddii codaynta 3aad ay noqon waydo mid lagu kala baxo, oo musharraxna uu heli waayo aqlabiyadda 3 meelood oo 2da ah, murashaxa ugu codadka yar ayaa ka baxaya, waxaana wareegga xiga u gudbaya murashaxiinta kale” ayuu sheegay midowga Afrika.

Bankole Adeoye wuxuu mar kale ku guulaystay jagadii uu hayey ee arrimaha siyaasadda nabadda iyo amniga
Qoraalka sawirka,Bankole Adeoye wuxuu mar kale ku guulaystay jagadii uu hayey ee arrimaha siyaasadda nabadda iyo amnig

Waxaa intaa lagu sii daray in haddii laba murashax oo kaliya ay tartamayaan, oo midkoodna uu heli waayo aqlabiyadda loo baahan yahay wixii ka dambeeya wareegga 3aad, in markaas uu murashaxa codadka yar hela uu ka bixi doono tartanka, ayadoo murashaxa soo hara uu u gudbi doono wareegga xiga.

“Haddii murashaxa soo hara uu ku guul darraysto inuu helo aqlabiyadda loo baahan yahay ee 3 meelood oo 2 ah, guddoonka waxaa looga baahan yahay inuu joojiyo doorashada” ayaa lagu yiri qoraalka midowha Afrika.

Maxaa dhacaya haddii hal qof oo kaliya uu u tartamayo jagada? Midowga Afrika wuxuu sheegay in haddii arrintaas naadirka ah ay dhacdo, taasoo ah in hal qof uu jagada u sharraxan yahay, uuna keeni waayo 3 meelood oo 2, guddoonka markaas xilka haya ayaa looga baahan yahay inuu sidoo kale joojiyo doorashada.

Xilka Guddoomiyenimada waxaa hadda u sharraxan Maxamuud Cali Yuusuf oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, Raila Amolo Odinga oo ah ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya, iyo Richard Randriamandrato oo ah wasiirkii arrimaha dibadda ee Madagascar.

Musharraxii doonaya inuu ku guulaysto xilka guddoomiyenimada waxaa laga doonayaa inuu helo taageerada 3 meelood oo 2 dalalka qaaradda, wuxuu baddalayaa Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad. Laakinse ma aha dalalka qaaradda oo dhan kuwo codaynaya ee waxaa jira dalal aan ka qayb gali doonin codaynta.

Dalalkaas oo ah lix dal waxay kala yihiin Niger, Mali, Guinea, Gabon, Burkina Faso iyo Sudan, waxaana dalalkaas looga joojiyey inay codeeyaan sababo la xiriira afgambi iyo dagaallo sokeeye.

Xilka guddoomiye ku xigeenka waxaa u taagan Saalax Francis – Algeria, Selma Malika – Algeria, Maxamed Axmed Fatxi – Masar, Hanan Morsy – Masar, Najam M Elhajjaji – Libya, Latifa Akharbach – Morocco.

Gudiga Taakulaynta Ciidamada Dowladda Puntland

Gudiga Taakulaynta Ciidamada Dowladda Puntland oo uu Hogaaminaayo Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Anna Gudoomiyaha Gudiga Saciid Jaamac Qorsheel oo ay Waheliyaan masuuliyiin ka tirsan Gudiga Gudoomiyaha Gobolka Bari Saraakiil ka tirsan Wasaarada Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa Gaaray Jiidaha Hore oo ay ku Sugan yahiin Ciidamada Geesiyaasha Dowladda Puntland oo ay kula dagaalamayaan Kooxda Argagixisada Daacish ee Gobolla Bari isla markaana Gaarsiiyey Gurmad Caafimaad Biyo Raashin diyaarsan iyo Agabyo Kala duwan

Hooyo Soomaaliyeed oo ka mid ahayd dadkii ku dhintay toogashadii ka dhacday Iskuul ku yaalla Sweden

Hooyo Soomaaliyeed oo ka mid ahayd dadkii ku dhintay toogashadii ka dhacday Iskuul ku yaalla Sweden

Dhammaan iskuulada waa in ay sameeyaan qorshe ay ku ilaalinayaan dadka aan loo ogolayn, sida ay dawladdu sheegtay Arbacadii, iyada oo waddanku uu isku dayayo in uu ka soo kabto toogashadii ugu xumayd todobaadkii hore.

Weerarka ayaa ka dhacay galbeedka magaalada caasimadda ah ee Stockholm, waxaana ra’iisul Wasaare Ulf Kristersson uu ku tilmaamay “toogasho wadareedkii ugu xumaa taariikhda Sweden”.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la geeyay isbitaallada, iyadoo ugu yaraan afar qof lagu sameynayo qalliinno.

Booliisku waxay heleen warbixin ku saabsan toogashada ka dhacday iskuulka Risbergska oo ah xarun waxbarasho oo dadka waaweyn ah – saacaddu markii ay ku beegneed 12:33 waqtiga maxalliga. Xaruntan waxay ku taallaa jaamacad leh dugsiyo kale.

Xarumahani waxaa inta badan isticmaala dadka aan dhamaystirin waxbarashada aasaasiga ah ama dugsiga sare.

Horey ayaa ardayda wax ka baranaysay dhowr dugsi oo u dhow goobta weerarku ka dhacay loogu hayn jiray gudaha xaruntaas “arrimo ammaan awgood”.

Warbaahinta maxalliga ayaa tebineysa in dadka ku dhintay weerarka iskuulka ay ka mid ahayd gabar Soomaali ah oo la yirahdo Qamar Hilowle oo wax ka baraneysay iskuulka uu weerarka ka dhacay.

Waxay ahayd waqtiga qadada markii ay dhacdadu dhaceysay oo hooyo saddex Carruur dhashay – oo ku guda jirtay barashada luuqadda Iswidhishka ee jaamacadda Risbergska ee Örebro – waxay ku sii jeedday makhaayadda Jaamacadda si ay wax uga cun

Eedadeed ayaa warbaahinta Expressen u sheegtay: Markiiba waan dareemay inay wax khaldan yihiin. Jirkeyga waa uu gariirayay.
Qoraalka sawirka,Eedadeed ayaa warbaahinta Expressen u sheegtay: Markiiba waan dareemay inay wax khaldan yihiin. Jirkeyga waa uu gariirayay.

“Waxaa noo sheegay macalinkeeda inay halkaas u tageen inay cunto soo iibsadaan, ka dib waxay maqleen dhawaqa rasaasta iyo dadka oo ku qaylinaya orda, orod,” ayuu yiri ina adeerkeed Ibraahim oo ay soo xigatay warbaahinta Expressen ee dalka Sweden.

Warbaahinta Expressen ayaa qortay in markii ina adeerkeed, walaasheed iyo eedadeed ay maqleen inay iskuulka ay wax ka dhaceen waxa ay dhawr jeer isku dayeen inay Qamar la xiriiraan oo ay wacaan teleefoonkeeda.

Waxay sheegeen in teleefoonka uu dhacayay balse aanan laga jawaabeyn iyagoo intaa ku daray in Qamar mar walba qaban jirtay teleefoonka waxayna is weeydiiyeen maxay tahay sababta aysan uga jawaanbeyn?

Eedadeed ayaa warbaahinta Expressen u sheegtay: Markiiba waan dareemay inay wax khaldan yihiin. Jirkeyga waa uu gariirayay.

Inkastoo ay jirtay rajo hadana qoyska ayaa dareemayay inay yartahay fursadda ah in Qamar ay bad-qabto.

“Waxaanu lahayn rajo ah in laga yaabo inay dhaawacantay ayna soo laabaneyso, balse maalintii aanu maqalnay warka ah in Qamar ay geeriyootay waxay noo ahayd maalin aad u madow. Waxay sida inaan aragga beelay ayay Asli u sheegatay Expressen.

Ina adeerkeed Ibrahim ayaa sheegay in Qamar ay Sweden timid in ka badan 10 sano ka hor ayna ahayd muwaadin reer Sweden ah. Waxay lahayd himilooyin waaweyn.

Waxaa la sheegay in Qamar ay lahayd qorshe ah in iyada iyo carruuteeda ay u wareegaan guri weyn oo ku yaalla Örebro.

Jimcihii, qoyska Qamar ayaa waxay heleen shaacinta booliska ee la xiriita in gabadhooda Qamar ay ka mid ahayd dadka ku dhintay weerarka iskuulka.

Geerideeda ka dib, qoysku waxa ay raadiyeen caruurtii Qamar oo tiradoodu 3 ahayd. Canuga ugu da’da weyn carruurta waa 15 jir halka kan ku xigana uu 11 jir yahay. Tan ugu yar waxa ay laba jirsan doontaa dhawr maalmood gudahood.

“Weligay murugada igama dhammaan doonto,” ayay tiri Asli oo ah eeddo u ah Qamar.

Dad isugu soo baxay Munich oo gaari la jiirsiiyey

Dad isugu soo baxay Munich oo gaari la jiirsiiyey

Ugu yaraan 20 qof ayaa dhaawacmay kadib markii gaari uu ku jiiray dad isugu soo baxay magaalada Munich Khamiista maanta ah sida ay boolisku sheegeen, xilli magaalada koonfureed ee Jarmalka ay isu diyaarineyso shir ammaan oo heer sare ah oo ay ka qeyb galayaan Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy.

Wargeyska Bild ayaa sheegay in boolisku baarayaan in darawalka gaari nooca Mini Cooper ah uu si kas ah ugu jiiray dadka ama uu isku khalday sheelaraha iyo bareega.

Booliska ayaa barta X ku sheegay inay xireen darawalka ayna rumeysan yihiin inuusan khatar dambe ku ahayn dadka, hase yeeshee ka gaabsaday inay shil ku tilmaamaan arrintan.

“Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhaawacmay, qaarkood si daran,” afhayeenka booliska Munich ayaa yiri.

Shirka Amniga Munich ayaa Jimcaha bilaabanaya, waxaana magaalada soo gaarayay saraakiil sare, oo ay ku jiraan Vance iyo Zelenskiy, Khamiista.

Hawlgal ballaaran oo boolis ah ayaa ka socday agagaarka saldhigga tareenka dhexe ee magaalada.

“Hal qof ayaa dhulka jiifa, nin dhalinyaro ahna booliska ayaa qaaday. Dad badan ayaa dhulka fadhiya, iyagoo ooyaya oo gariiraya,” wariye ka tirsan warbaahinta BR ee maxalliga ah ayaa ku qoray barta X.

Shilka ayaa saameeyay dad ka qeyb qaadanayay dibadbax la xiriiray shaqo-joojin uu abaabulay ururka shaqaalaha Verdi, sida uu sheegay telefishinka.

Ururka Verdi ayaa sheegay inaysan wax macluumaad ah ka haynin dhacdada.

Booliska ayaa goob markhaatiyaasha loogu talagalay ka sameeyay Loewenbraeukeller, oo ka mid ah goobaha khamriga ee ugu da’da weyn Munich.

Dhacdadu waxay ka dhacday qiyaastii meel 1.5 kiiloomitir (1 mayl) u jirta goobta shirka amniga.

Amniga Jarmalka ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo toddobaadka soo socda la filayo doorashada federaalka, islamarkaana ay jireen weerarro rabshado wata oo taxane ahaa.

Fallanqeyn: Ciidamada Puntland ma soo afjari karaan Daacish?

Fallanqeyn: Ciidamada Puntland ma soo afjari karaan Daacish?

Illaa 70 maleeshiyo oo Daacish ah iyo ugu yaraan 27 ka mid ah ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, in ka badan 40 kalena way ku dhaawacmeen weerarro ismiidaamin ah oo kooxda Daacish ay xalay saqdii dhexe ku qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaalla gobolka Bari, iyo dagaal xigay.

Weerarradan ismiidaaminta ah ee lagu qaaday ciidamada Puntland iyo dagaalka fool-ka-foolka ah ee ka dambeeyay ayaa noqonaya kii ugu adkaa tan iyo markii ay Puntland ku dhawaaqday bilowga howlgalkeeda Hilaac bishii December ee sannadkii tegay.

Horaantii bishan, ciidamada Mareykanka ayaa duqeyn ka geystay buuraha Cal Miskaad, weerarkaas oo uu amray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

Tan iyo markii uu bilowday howlgalka Puntland ee ka dhanka ah ISIS, Puntland waxay sheegatay inay ku dishay maleeshiyo ka badan 200 oo isugu jira weerarro kala duwan.

Waxaa kale oo dagaalka Puntland uu kusoo beegmayaa iyadoo khilaaf siyaasadeed uu ka dhex jiro Dowladda Federaalka ee Muqdisho iyo maamulka Garowe.

Haddaba, suurtagal ma tahay in si degdeg ah looga adkaado maleeshiyaadka Daacish ee buuraleyda Puntland, haddii aysan Puntland iyo Dowladda Federaalka u midoobin, taageero caalami ahna aan la helin?

Su’aashaas iyo kuwo kale ayuu Maxamed Colaad Xasan weydiiyay Cabdiqafaar Cabdi Wardheer, oo ka faallooda arrimaha Mareykanka iyo Soomaaliya, kuna sugan gobolka Virginia ee duleedka Washington.