“Laas-Caanood waxaa ka dhacay waa xasuuq Shacab”Caqil Siciid Shalayste.

“Laas-Caanood waxaa ka dhacay waa xasuuq Shacab”Caqil Siciid Shalayste.
Rw Xamze la qaatay Agaasimayaasha degaanada ay dawladdu ka shaqayso
RW Xamze, ayaa kulan isla xisaabtan ah la qaatay Agaasimeyaasha Guud ee wasaarradaha iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah degaanada ay dawladdu ka shaqayso oo u badan degaanada Konfurta Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ciraaq
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Ciraaq, waxaana ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq Amb. Liiban Sheekh Maxamuud (Maalinguur), qunsulka iyo madaxda sare ee kala duwa oo ka howl gasha safaaradda.
Danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq ayaa Guddoomiyaha warbixin ka siiyay sida ay u shaqeeyso safaaradda, isagoona sheegay in marxalado adag oo kala gedisan ay soo martay safaaradda isla-markaana xaaladahaas adag loogu shaqeeynaayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed looguna adeego dowladnimada dalka.
Guddoomiyahaaya Golaha Shacabka BJFS ayaa mas’uuliyiinta safaarada ku ammaanay doorkooda muhiim ka ah ay ka qaateen ilaalinta sharafka ummadda Soomaaliyed, waxaana uu tilmaamay in Dowladda Federaalka ah dadaal dheer ku bixin doonto sidii wax loogu qaban lahaa, loona qurxin lahaa dhismaha Safaaradd
Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda magaalada Laascaanood
Xaalada magaalada Laascaanood ayaa degan maanta halkaas oo shalay ay ka dhaceen dagaallo culus, sida uu VOA u sheegay Af-hayeenka Guddida Bulshada Gobolka Sool Caail Abdirsaaq Maxamed Xasan Falaalug. Sidoo kalana waxa uu sheegay in guud ahaan Magaalada Laascaanood ay gacanta ku hayaan ciidamada deegaanka.
Hay’dda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday MadaxweynahaSoomaaliyainuu dib u dhigo saxiixa hindise sharciyeedkaHay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, kaasoo hay’addu sheegtay inuu ballaarin doona awoodaha NISA oo horey loogu bartay tacaddiyada.
Hindise sharciyeedka cusub oo uu ansixiyay Barlamaanka Soomaaliya ayaa NISA waxaa uu siinayaa awooddo ballaaran oo ay dadka ku qaban karto, xabsi ku hayn karto, isla markaana ay dabagal ku sameyn karto, iyadoo ay yartahay korjoogteynta madaxa bannaan sida ay leedahay Human Rights Watch.
“Waxaa ku jira qodobo aan si wanaagsan loo qeexin oo ka hadlaya dembiyada ay hay’addu la tacaali karto, gaar ahaan falalka ‘wax u dhimi kara amniga, sumcadda, madax bannaanida, danaha, iyo sharafta Qaranka Soomaaliya’.” Ayaa lagu yiri war bixinta
Sida ay sheegtay Hay’addu “Dembiyadaas ballaaran, oo qaarkood ay si aan la qeexin ugu jiraan Xeerka Ciqaabta dalka ee mar hore la sameeyay, ayaa loo adeegsan karaa in lagu dhibaateeyo xuquuqda hadalka, tan urur sameysashada iyo isu soo baxyada nabadeed, taasoo xakameyn karta waxyaabaha ay oggolyihiin shuruucda caalamiga ah ee u furan siyaasiyiinta mucaaradka ah, dadka u doodda xuquuqda iyo warbaahinta.” Ayaa ka mid ahaa waxyaabaha ku qornaa warbixinta
Sidoo kale Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ayaa marar badan diiwaangelisay tacadiyadda NISA, gaar ahaan xariga iyo xabsi ku haynta, waxaana kamid ah sida ay HRW sheegtay “in dadka ay muddo dheer xabsi ku hayso iyagoo aan maxkamad la geyn. Muddo xileedkii koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh (2012-2017), NISA ayaa xabsiga dhigtay carruur, kuwaas oo ay si adag ula dhaqantay, oo ay isugu dartay su’aallo weydiin, in ay arki waayaan qareenno iyo ehelkooda, cagajugleyn, garaac iyo jirdil” ayaa lagu yiri war bixinta.
Cabdirashiid Bashhiir Faranuug, oo ka soo jeeda Beesha Gaashaanbuureed ee Warsangeli oo xitaa hal askari oo beeshiisa ayna la socon ayaa hadal aan munaasab ah ku yidhi Xaq u dirirka reer Maakhir ee gurmaday walaalahooda reer Sool. Waa ka raali gelinaynaa Xaq u dirirka dhamaantood, gaar ahaan jeneraal Indha yare oo ilaa kacaankii sarkaal ahaa oo uu sarkaalnimadiisa inkiray, isaga oo garabka ku wata hargad xabaasha Maydh laga keenay .
HOOS KA AKHRISO MAQAAL AAN HORAY UGA QORNAY MARABBIGAN
Dagaalka gumaadka ah ee uu maamulka Somaliland ka wado magaalada Laascaanood waxa uu u dhaxeeyaa: Dadka deegaanka oo ka gadooday Dilal qorshaysan, xarig iyo tacadiyo kale-gedisan iyo maamulka Somaliland oo doonaya in ay qori caaraddiis ugu khasbaan mashruucooda gooni-goosadka ah, una hor istaagaan rabitaanka shacabka oo ah in ay qayb ka noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Gumaadka ay ciidamada maamulka Somaliland ka wadaan magaalada Laascaano iyo deegaanada hoos yimaada waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac, qax iyo burbur hantiyeed intaba. Sida la xaqiijiyey waxaa ku dhintay Dad ka badan 200 oo qof, waxaa ku dhaawacmay in kabadann 500 oo qof, waxaa dalka guduhiisa ku barakacay in ka badan 185,000 oo qof iyo 80,000 oo qaxooti ku noqday Dalka Ethopia.Guddiga gurmadka arrimaha Bini’aadantinimo ee Gobolka Sool waxa uu ku baaqayaa:
1. In hay’adaha samafalka iyo kuwa caalamiga ahba ay gacan bini’aadantinimo ka gaystaan sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ka barakacay magaalad Laascaanood iyo Deegaanada hoos yimaada.
2. In aan la carqaladayn, lana siyaasadayn dadaalka bini’aadannimo ee socda oo aan wax shuruud iyo xannibaad ah midna lagu xirin dhaqdhaqaaqa gargaarka.
3. In dadka Reer Puntland ay labo-jibaaraan gurmadka iyo taakulaynta arrimaha bini’aadantinimada ee socda, loona fududeeyo adeegyada arrimaha bulshada, si gaara ardayda soo barakacay waa in iskuulada loo ogolaada bilaa shuruud.
4. In qiimayn dhab ah lagu sameeyo waxyeelada iyo baaxadda khasaaraha dagaalka ka dhashay, loona diro Hay’ado iyo guddiyo madax bannaan oo caalami ah (independent fact-finding mission) oo xaqiiqo raadin ah.
5. Waxaan maamulka Somaliland ugu baaqaynaa in ay joojiyaan weerarka yo gumaadka ay ku hayaan dadka shacabka ah, ciimadoodana kala baxaan guud ahaan Gobolka Sool, si gurmadka bini’aadantinimo loo gaarsiiyo dadka deegaanka.
6. Marnaba qori caaraddiis iyo jajuub laguma joojin karo kacdoon iyo rabitaan bulsho, dadka deegaankaasina waxay xaq u leeyihiin in iyaga oo xor ah oo nabad ah ay go’aan masiiri ah ka gaaraan aayahooda iyo rabitaankooda bulsho.
DHAMMAAD.XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.
Allah ha u naxariistee waxa dagaalka Isir nacaybka ah ee ka socda gobolka Sool oo ay maleeshiyaadka SNM ee beelaha Isaaq ku midaysan yihiin lagu toogtay Adna Adan Cali oo ka mid ah kalkaaliyayaasha Caafimaadka degmada Laascaanood ee gobolka Sool.
Allah ha u naxariistee Adna ayaa ka mid ahayd Kalkaaliyashii daweenayey dadkii ay horay dhaawaca ugu gaysteen maleeshiyaadka SNM.
Xerada ciidankii Mahad Cambaashe waa la qabsaday, Isagiina wuu ka cararay magaalada, hub kaladuwana waa laga furtay. Sida uu dagaalkaasi u dhacay iyo xaalada hadda taagganba Halkan ka daawo.