22nd October 2024  admin  Category :

Burburkii Soomaaliya waa laga dhaxlay in Gashaanbuur iyo Dubeys oo aan Jijircado galbeed u soo dhaafi jirin  inay maanta xero Isaaq xoolo ay soo dhaceen ku qaybsanayaan, oo qaarkood iska dhigayaan inay Isaaq yihiin,  iyaga oo ilowsan dhashadoodii iyo taariikhdii awoowayaashood

Mooryaanka  jidbaysan ee  qaylinya  kuna  hadlaya magaca Beelaha Isaaq magaciisu waa Cabdirasaaq Macalin Bashiir, waxaana lagu magcaabaa isha igala soo bax. Isha igala soo bax wuxuu ka soo jeedaa sida hadda naloo sheegay Beesha Warsangeli, Gaashaanbuur.

Magaca Isha igala soo bax, waxa uu  kula baxay saadka ayuu u hayn jiray jabhaddii SSDF. Xoolihii loo dhiibtay ayuu dhacay. Allah ha u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf  ayaa waydiiyey sida wax u dhaceen iyo halka ay wax mareen. Wuxuu ugu jawaabay “Wax ma hayee Isha igala soo bax”. Ninkan sida la sheegay qoyskoodu waxay degaan gobolka Mudug

Ninka gaariga xaday oo ula galay Isaaq ayaa isagana  lagu magcaabaa Janbeel, wuxuuna ka soo jeedaa Besha Cismaan Ugaaryahan, Dubays. Hadyadda  uu beesha Isaaq u geeyey oo la jeclaystay inuu siiyo  ayaa ahayd Gaari Tikniko ah oo ay saaran tahay 4 PKM

Gaariga la xaday weli warkiisu ma cada,  dad ayaa leh gaariga la xaday waxa lahaa Muxuyidiin Gacamey, oo ka soo jeeda Beesha Ciise  Maxamuud. Haddi taasi run tahay gaarigu waa hanti Puntland. Muxyadiin gawaaridii loogu talo galay la dagaalanka alshabaabka ku jira buuraha  Galgala ayuu soo bililiqaystay waagii uu puntland madaxweynaha ka ahaa Faroole oo isaguna ka soo jeeday beesha Ciise Maxamuud. Haddiise gaariga la xaday ay Beesa Dhulbahante leedahay waa in gaarigaa beeshii lahayd loo celiyaa ama mid loogu bedelaa. Ninka gaariga la soo xaday ka qabtay ama ka gudoomay  tuuga,  isaguna waa Tuug kal kaal oo denbiga qaybtiisa ayuu ku leeyahay.

Isha igala soo bax oo wax ka  dhigaya riwaayadda beelaha Isaaq

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*