DAGAAL CULUS AYAA KA BILAWDAY SAAKA JIIDAHA HORE LAASCAANOOD.

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya maleeshiyadka SNM ee beelaha Isaaq ku midaysan yihiin iyo dad deegaanka ayaa saaka mar kale ka qarxay jiidaha hore ee ay isku horfadhiyaan labada dhinac.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey weerarka saaka in ay soo qaadeen maleeshiyadka SNM , kuwaasi oo duullaan ku ah magaalada Laascaanood iyo qabsashadeeda.Dagaalkaan ayaa socda muddo bil ku dhaw, waxaana uu ka soo fufay caddaadis cabburin, dilal qorshaysan iyo adeegsi xoog ciidan oo maamulka Somaliland uu kula kacayey dadka gobolkaasi, taasoo keentay kacdoon dadweyne iyo diidmo Somaliland.

DALJIR

Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabilay Wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabilay Wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka oo uu hoggaaminayey Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda, Danjire Yousef Muhammad Aldobeay.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Yousef ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada dhinac, gaar ahaan kaalinta ururku ka qaadanayo u gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo xasillinta deegaannada dhowaan laga xoreeyay Khawaariijta, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu bogaadiyey garab istaagga ay OIC u muujinayso shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Yousef Muhammad Aldobea oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida degdegga ah ee ay u soo ajiibeen baaqii dowladda Soomaaliya ee ku aaddanaa arrimaha bini’aadanimada iyo gurmadka deegaannada laga xoreeyey argagixisada Alshabaab, kuwaas oo laga hirgelinayo mashaariic horumarineed oo soo kabaya nolasha dadka ay muddada dhibaateynayeen argagixisadu.

Muran ka dhashay aayad quraan ah oo laga aqriyey shirka Baarlamaanka Carabta

Muran ka dhashay aayad quraan ah oo laga aqriyey shirka Baarlamaanka Carabta

Todobaadkan dabayaaqadiisa ayay ahayd markii indhaha qaar badan oo ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ee dalalka Carabta ay u soo jeesteen kalfadhigii 34-aad ee Midowga Baarlamaannada Carabta oo lagu qabtay dalka Ciraaq, iyadoo muuqaal la xiriira tafsiirka aayad quraan ah uu qabsaday baraha bulshada kaas oo dad badan kedis ku noqday.

Dadka caanka ka ah baraha bulshadu ku wada xidhiidho ayaa Sabtidii faafiyay muuqaal muujinaya guddoomiyaha golaha shuurada ee Sucuudiga “oo saxaya” tafsiirkii afhayeenka baarlamaanka Urdun ee aayad qur’aan ah oo uu soo daliishaday mar uu khudbadii furitaanka ku amaanayay dalka martida loo yahay ee Ciraq.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Urdun Axmed Al-Safaadi, ayaa si gaar ah ugu tilmaamay Ciraaq duco uu u rajeeyay in Ciraaq ay noqoto mid ammaan ah oo xasilloon.

Safadi waxa uu akhriyey qayb ka mid ah aayadda qur’aanka kariimka ah: “Eebbow ka yeel dal ammaan ah, dadkiisana ka arzuqi midho”.XAYEYSIINhttps://a21bdce68e75c59659bb49d3aed01fba.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html

Al-Safaadi oo ka hadlayay aayadda uu soo qaatay ayaa tilmaamay in ducadan uu leeyahay Nebi Ibraahim, oo mar Ciraaq ku noolaa, sida ku cad tafsiirka.

Isla markii uu Al-Safaadi dhammeeyey khudbadiisii, madaxa golaha shuurada ee Sucuudiga, Sheekh Cabdallah Al-Sheikh, ayaa codsaday ka dhex gal si uu u caddeeyo ujeedada aayadda.

Al-Sheikh wuxuu fsoo dhex galkiisa ku sheegay in aayaddu ay ku soo degtay Maka iyo dadkeeda, ee aan loola jeedin Ciraaq.Ka bood Twitter boggan, 1Oggolow Twitter macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Twitter. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Twitter xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.Aqbal horayna u socoQoraalka Muuqaalka,Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Aayaddan waxay ku soo aroortay suuradda Al-Baqara (Aayadda 126), sidoo kale waxay ku soo aroortay suuradda Ibraahim, waxayna dhammaantood sheegeen in meesha loogu talo galay ay tahay Makka Al-Mukarrama.

Farogelintan ayaa noqotay mid aan ka qarsoomi karin aaladaha dhijitaalka ah, iyadoo dadka Carabta ah ee ka faalooda ay u kala qaybsameen mid dhaleeceeya “khalad-xun” ee Safadi iyo mid kale oo isaga difaacaya iyaga oo la yaabay faragelinta khudbada uu kasoo dhex galay diblumaasiga Sacuudiga ahi.

Dadka Twitter-ka kaga hadlayey qaarkood ayaa muujiyay sida ay ula dhacsan yihiin hadalka Guddoomiyaha Golaha Shuurada iyo sida uu u jecel yahay in la saxo “khaladka”, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale qaarkood waxay ku eedeeyeen mas’uulka reer Urdun inuu “qalloocinayo” aayaddaas, waxayna ka dalbadeen inuu raaligelin ka bixiyo, iyagoo tilmaamay “in khaladku aanu ku ekayn tafsiirka aayadda oo kali ah balse sidoo kale uu si qaldan u khriyey.”

Dhanka kale, qaar kale waxay u qaateen in Al-Sheikh uu buunbuuniyay hadalka oo uu ku eedeeyay Al-Safaadi wax uusan sheegin.

Difaacayaasha Safadi waxaa ka mid ah kuwa aaminsan in erayadiisu “ku yimaaddeen si guud oo duco ah iyo qaab maldahan, oo aanay xaqiijin xidhiidhka aayadda iyo waddan gaar ah”.

Waxaana jira kuwo isku dayay in ay qiil u raadiyaan mawqifka Safadi iyaga oo ku baaqaya ra’yiga culumo banneeyay “Qur’aanka oo la soo xigto ama la daliishado si wax loo wanaajiya loona qurxinayo”.

Si kastaba ha ahaatee, tani ma qancin koox kale oo ku nuuxnuuxsatay in xigashada aayadaha Qur’aanka aysan aqbalin xigasho sarbeeb ama tafsiirasho gooni ah.Ka bood Twitter boggan, 2Oggolow Twitter macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Twitter. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Twitter xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.Aqbal horayna u socoQoraalka Muuqaalka,Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka Twitter boggan, 2

Doodda ku saabsan saxnimada mawqifka Safadi iyo Al-Sheikh, waxay ka tarjumaysaa dood ballaadhan oo ay dad badani aaminsan yihiin inay la xidhiidhaan hababka kala duwan ee tafsiirka aayadaha Qur’aanka.

Doodda ayaa weji kale yeelatay, iyadoo qaar ka mid ah dadka u dhashay dalalka Urdun iyo Sucuudiga ay ku hawlanaayeen qiimaynta labada nin oo ku salaysan oggolaanshaha siyaasadeed.

Sheekadu ma ahayn mid ka madhan is burin iyo eedeymo, taas oo keentay in koox kale oo soo farageliyey “si ay u caddeeyaan macluumaadka qaar ama ay u diidaan hadalada gardarrada ah ee labada dal.”

Safadi oo ka jawaabayay su’aal uu Telefishanka Ciraaq ee “Al-Rasheed” ka weydiiyey buuqa ka dhashay faragelintiisa, waxa uu yidhi, “Samayntii ka dhacday baraha bulshadu ku xidhiidho ma saamayn karto xidhiidhkeenna, maadaama Urdun iyo Sucuudigu leeyihiin taariikh iyo xidid qoto-dheer..”

Ka dib, dad ayaa Twitter-ka ku faafiyay sawir muujinaya kulanka Al-Safadi iyo Al-Sheikh oo ay gacmaha isqabsanayaan, kaas oo ahaa markii uu fadhigu dhammaaday kadib.

Kuwo kale ayaa ku jees jeesay soo hadal qaadka arrinta oo dhan, waxayna ku tilmaameen faragelinta shirka mid wax lagu qoslo ah.

Qaar ka mid ah waxay sidoo kale ugu baaqeen mas’uuliyiinta Carabta inay fiiro gaar ah u yeeshaan arrimaha muhiimka ah ee u adeegaya muwaadiniinta Carabta.

Halka, qaarkood ay si kaftan ah ula dhaqmeen, iyagoo leh “hadaanay soo dhex galkani dhicin maba maqleen shirka Baarlamaan Carabta.”

Maxaa ka Cusub Dagaalka Laascaanood?

Magaalada Laascaanood bannankeeda waxaa ka socda dagaal aad u darán kaas oo billoowday saakay subaxnimadii hore, welina waa uu socdaa, meelaha ugu badan ee dagaalka uu ka socdo ayaa ah agagaarka goojacadde, buurta anteenada, iyo diyaaradda halka loo yaqaan. Waxaa aad u yar wararka ku aadan qasaaraha dagaalka inta uu gaarsiisan yahay. Hadaba wararkii ugu danbeeyay fadlan hoos ka dhageeyso.

Kaligii Taliyaha Jabuuti oo lagu mudaharaaday

Kaligii Taliyahii Jabuuti ee xaaraanta ku haystay dalkaas ayaa looga mudaharaaday

Muxuu yahay baaqa ay Human Rights Watch u dirtay madaxweynaha Soomaaliya ee la xiriira NISA?

Muxuu yahay baaqa ay Human Rights Watch u dirtay madaxweynaha Soomaaliya ee la xiriira NISA?

Hay’dda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday Madaxweynaha Soomaaliya inuu dib u dhigo saxiixa hindise sharciyeedkaHay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, kaasoo hay’addu sheegtay inuu ballaarin doona awoodaha NISA oo horey loogu bartay tacaddiyada.

Hindise sharciyeedka cusub oo uu ansixiyay Barlamaanka Soomaaliya ayaa NISA waxaa uu siinayaa awooddo ballaaran oo ay dadka ku qaban karto, xabsi ku hayn karto, isla markaana ay dabagal ku sameyn karto, iyadoo ay yartahay korjoogteynta madaxa bannaan sida ay leedahay Human Rights Watch.

“Waxaa ku jira qodobo aan si wanaagsan loo qeexin oo ka hadlaya dembiyada ay hay’addu la tacaali karto, gaar ahaan falalka ‘wax u dhimi kara amniga, sumcadda, madax bannaanida, danaha, iyo sharafta Qaranka Soomaaliya’.” Ayaa lagu yiri war bixinta

Sida ay sheegtay Hay’addu “Dembiyadaas ballaaran, oo qaarkood ay si aan la qeexin ugu jiraan Xeerka Ciqaabta dalka ee mar hore la sameeyay, ayaa loo adeegsan karaa in lagu dhibaateeyo xuquuqda hadalka, tan urur sameysashada iyo isu soo baxyada nabadeed, taasoo xakameyn karta waxyaabaha ay oggolyihiin shuruucda caalamiga ah ee u furan siyaasiyiinta mucaaradka ah, dadka u doodda xuquuqda iyo warbaahinta.” Ayaa ka mid ahaa waxyaabaha ku qornaa warbixinta

Hay’dda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday MadaxweynahaSoomaaliyainuu dib u dhigo saxiixa hindise sharciyeedkaHay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, kaasoo hay’addu sheegtay inuu ballaarin doona awoodaha NISA oo horey loogu bartay tacaddiyada. Hindise sharciyeedka cusub oo uu ansixiyay Barlamaanka Soomaaliya ayaa NISA waxaa uu siinayaa awooddo ballaaran oo ay dadka ku qaban karto, xabsi ku hayn karto, isla markaana ay dabagal ku sameyn karto, iyadoo ay yartahay korjoogteynta madaxa bannaan sida ay leedahay Human Rights Watch. “Waxaa ku jira qodobo aan si wanaagsan loo qeexin oo ka hadlaya dembiyada ay hay’addu la tacaali karto, gaar ahaan falalka ‘wax u dhimi kara amniga, sumcadda, madax bannaanida, danaha, iyo sharafta Qaranka Soomaaliya’.” Ayaa lagu yiri war bixinta Sida ay sheegtay Hay’addu “Dembiyadaas ballaaran, oo qaarkood ay si aan la qeexin ugu jiraan Xeerka Ciqaabta dalka ee mar hore la sameeyay, ayaa loo adeegsan karaa in lagu dhibaateeyo xuquuqda hadalka, tan urur sameysashada iyo isu soo baxyada nabadeed, taasoo xakameyn karta waxyaabaha ay oggolyihiin shuruucda caalamiga ah ee u furan siyaasiyiinta mucaaradka ah, dadka u doodda xuquuqda iyo warbaahinta.” Ayaa ka mid ahaa waxyaabaha ku qornaa warbixinta Sidoo kale Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ayaa marar badan diiwaangelisay tacadiyadda NISA, gaar ahaan xariga iyo xabsi ku haynta, waxaana kamid ah sida ay HRW sheegtay “in dadka ay muddo dheer xabsi ku hayso iyagoo aan maxkamad la geyn. Muddo xileedkii koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh (2012-2017), NISA ayaa xabsiga dhigtay carruur, kuwaas oo ay si adag ula dhaqantay, oo ay isugu dartay su’aallo weydiin, in ay arki waayaan qareenno iyo ehelkooda, cagajugleyn, garaac iyo jirdil” ayaa lagu yiri war bixinta.