Redesignation Allows Additional Eligible Somali Nationals to Apply for TPS and Employment Authorization Documents
WASHINGTON – The Department of Homeland Security today published a Federal Register notice extending and redesignating Somalia for Temporary Protected Status (TPS) for 18 months, from March 18, 2023, through September 17, 2024. The notice provides information about how to register for TPS under Somalia’s redesignation. On Jan. 12, Secretary of Homeland Security Alejandro N. Mayorkas announced the 18-month extension and redesignation of Somalia for TPS.
The registration process begins on March 13. All individuals who want to request TPS under Somalia’s designation must apply.
The extension of TPS for Somalia allows approximately 430 current beneficiaries to retain TPS through Sept. 17, 2024, if they re-register and continue to meet TPS eligibility requirements. The redesignation of Somalia for TPS allows an estimated 2,200 additional Somali nationals (or individuals having no nationality who last habitually resided in Somalia) who have been continuously residing in the United States since Jan. 11, 2023, and continuously physically present in the United States since March 18, 2023, to file initial applications to obtain TPS, if they are otherwise eligible.
Re-registration is limited to individuals who previously registered for and were granted TPS under Somalia’s prior designation. Current beneficiaries under TPS for Somalia must re-register in a timely manner during the 60-day re-registration period from March 13, 2023, through May 9, 2023, to ensure they keep their TPS and work authorization. DHS recognizes that not all re-registrants may receive a new Employment Authorization Document (EAD) before their current EAD expires and is automatically extending through March 17, 2024, the validity of certain EADs previously issued under Somalia’s TPS designation.
U.S. Citizenship and Immigration Services will continue to process pending applications filed under Somalia’s previous TPS designation. Individuals with a pending Form I-821, Application for Temporary Protected Status, or a related Form I-765, Application for Employment Authorization, as of March 13, 2023, do not need to file either application again. If USCIS approves a pending Form I-821 or Form I-765 filed under the previous designation of TPS for Somalia, USCIS will grant the individual TPS through Sept. 17, 2024, and issue an EAD valid through the same date.
Under the redesignation of Somalia, eligible individuals who do not have TPS may submit an initial Form I-821, Application for Temporary Protected Status, during the initial registration period that runs from March 13, 2023, through Sept. 17, 2024. Applicants may also apply for TPS-related EADs and for travel authorization. Applicants can request an EAD by submitting a completed Form I-765, Application for Employment Authorization, with their Form I-821, or separately later.
The Federal Register notice explains the eligibility criteria, timelines, and procedures necessary for current beneficiaries to re-register and renew EADs, and for new applicants to submit an initial application under the redesignation and apply for an EAD.
Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey in dib loo soo celiyo xiriirkii go’ay 2016-kii, islamarkaana dib loo furo safaaradaha labada dal, waxaa sidaas maanta shaaciyey warbaahinta labada dal.
Sacuudi Carabiya ayaa xiriirka u jartay Iran 2016-kii kadib markii safaaraddeeda Tehran ay ku xoommeen shacab intii uu socday muran u dhaxeeyey labada dal oo ka dhashay markii Riyadh ay xukun dil ku fulisay wadada shiico ah.
“Kadib wada-hadallo, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey in dib loo billaabo xiriirka diblomaasi, islamarkaana dib loo firo safaaradaha laba bil gudahood,” waxaa sidaas qortay wakalaadda wararka Iran ee IRNA, oo soo xiganeysa war-saxaafadeed wadajir ah.
Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA, oo sidoo kale daabacday bayaanka, ayaa sheegtay in labada dal ay isku raaceen in dib loo dhaqan-geliyo heshiiskii iskaashiga amni ee la saxiixay 2001, iyo heshiiskii dhaqaale, ganacsi iyo maal-gashi ee 1998-kii.
Labada dal ayaa dhowrkii sano ee tegay wada-hadallo dhowr ah ku yeeshay dalalka Iraq iyo Oman.
Hase yeeshee, wada-hadalladii ugu dambeeyey ayaa ka dhacay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, ayada oo Shiinaha uu qeyb ka yahay war-saxaafadeedka wadajirka ah ee lagu shaaciiyey heshiiska maanta.
Ali Shamkhani, oo ah xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ayaa Isniintii ugu safray Beijing “wada-hadallo xooggan oo u Shiinaha kula yeeshay dhiggiisa Sacuudiga si ugu dambeyn loo xaliyo dhibaatooyiinka u dhaxeeya Tehran iyo Iran,” ayey tiri IRNA.
Sacuudiga Carabiya ayaa uga mahad-celisay Iraq iyo Oman inay marti-geliyeen wada-hadalladii labada dhinac ee 2021 iyo 2022.
Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale uga mahad-celisay hoggaamiyeyaasha Shiinaha inay mart-geliyeen oo ay taageereen wada-hadalladii lagu qabtay dalkaas.
Rag lugeeyay masaafo dheer si ay u helaan gabdho ay guursadaan
Bishii hore, koox rag ah oo ku nool gobolka Karnataka ee koonfurta waddanka Hindiya ayaa lugeeyay ilaa 120 km si ay u booqdaan macbad isla markaana ay halkaa ugu duceystaan si ay u helaan gabdho ay guursadaan.
Arrintan ayaa hadal heyn ka dhax dhalisay baraha bulshada, laakiin dadka u doodo xuquuqda dadka ayaa tilmaamay in xaaladdan ay tahay mid la xiriirta dhibaatooyin dhaqaale iyo midda bulsho oo ka taagan gobolka.
Muddo tobannaan sano ah, gobolka waxaa soo foodsaaray dhalmo aad uga badan marka loo eego dumarka, dadka ololeeya ayaa sheegay in tani ay tahay mid ka mid ah sababaha rag badan ay ugu adag tahay in ay guursadaan. Qodobbada kale waxaa ka mid ah dakhliga beeraha oo sii yaraanaya iyo haweenka oo haysta fursado kale oo aan ahayn jiilashii hore.
Markii hore ragga ku biiray socodka lagu raadinayay hablaha ayaa gaaray 30 iyadoo markii dambe gaaray ilaa 60, dhammaantood raggan waa beeraley kasoo jeeda degmada Mandya ee gobolka Karnataka ee dalka Hindiya, Muddo tobannaan sano ah, gobolka waxaa kusoo badanayay ragga marka la barbardhigo tirada gabadhaha kusoo biireyay qoysaska, dadka u ololeeya xuquuqda ragga waxay ku andacoodeen in sababtaas ay caqabad ku noqotay ragga guurdoonka ah, arrinta kale ayaa ah in uu hoos u dhac ku yimid dhakhligii soo geli jiray beeraleyda.
Malisha DB, wuxuu kamid yahay raggii sameeyay isu soo bixii ay ku raadinayeen gabdhaha, wuxuu tagay macbadka Mahadeshwara, halkaasoo ay ku qabteen munaasabad Alle bari ah oo ay rumeysnaayeen in Alle uu ka aqbali doono.
“Markii ay aheyd in aan wax jeclaado waxaan ku mashquulsanaa shaqada, waxaan sameey lacag, haatan oo aan heysto lacag iyo wax kasta, ma heli karo gabadh aan guursado” ayuu yiri Malisha.
Shivaprasad, oo ka mid ah qabanqaabiyaashii socodka raggaas, ayaa sheegay in in ka badan 200 oo rag ah ay isku diiwaan geliyeen inay qayb ka noqdaan isu soo baxaas markii ugu horreysay ay ku dhawaaqeen.
“Rag badan ayaa dib uga laabtay go’aankooda kadib markii warbaahinta gudaha ay arrinta si xun usoo bandhigeen”.
Mandya waa magaalo wax soo saar leh sidoo kalena leh biyo badan , waxaa laga beertaa quwaaxa oo kamid ah dalagyada ugu muhiimsan deegaannadaas, laakiin dakhliga yar ee soo gala beeraleyda ayaa saameeyay xirfadooda.
“Dadka waxay u maleynayaan in dhalinyarada ka soo jeeda qoysaska beeralayda ah aysan haysan dhaqaale badan,” ayuu yiri Krishna, oo ah 31 jir, oo ka mid ahaa raggii socodka ku marayay halkaas.
Malisha ayaa sheegay in dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay ku gacan seyreen ilaa 30 haween ah, wuxuu sheegay in sababta loo diiday ay tahay xirfaddiisa iyo ku noolaanshaha miyiga.
“Hasayeeshee, waxaana kasoo jeednaa deegaanno miyi ah oo iska yar, dhaqaalaha nasoo galaba waa mid iska yar” ayuu yiri Shivaprasad, isaga oo intaa ku daray in dadka haysta ilo kale oo dhaqaale ay si fiican u maareyn karaan noloshooda.
Markii ay raggu u sii socdeen macbadka, koox kale oo beeraley ah ayaa aggaas mudaaharaad ka dhigay, iyaga oo codsanayay in sare loo qaado qiimaha ay ku iibsadaan qasabka.
Marka la eego tirakoobka laga sameeyay degmada Mandya ragga raadinayaan gabdho ay la aqalgalaan, 960 dumar ah waxaa kusoo hagaageysaa 1,000 rag ah -sida ku xusan tirakoobkii la sameeyay 2011-kii halka 2001-dii ay aheyd in 971 kii dumar ay kusoo hagaageyso 1000 rag ah-waxay taa ka dhigan tahay in degmadan ay ku badan yihiin ragga marka loo barbardhigo tirada dumarka ee ku nool halkaas.
Qoraalka sawirka,Raggii lugeynayay ee gabadha raadinayay
Jayashila Prakash, oo asal ahaan ka soo jeeda Mandya, laakiin hadda qoyskeeda kula nool duleedka Bengaluru, ayaa sheegtay in iyadu ay doorbidayso in ay ku noolaato tuulo sababtoo ah waxay jeceshahay deegaanka bilicdiisa iyo u dhawaansahaha dadka deegaanka.
Laakiin haweenka waxay door bideen inay u guuraan magaalooyinka waaweyn sababtoo ah waxay helaan fursado badan oo dhanka xoriyadooda ah.
“Haddii dumarka ay guursadaan nin beeraley ah, waxay ku qasban yihiin inay ka helaan ogolaansho seygooda si ay dibadda ugu baxaan,” ayay tiri Jayashila Prakash.
Waxay hadalkeeda sii raacisay “Qarnigan la joogo ma jiro qof doonaya inuu qof ku tiirsanaado”.
Laakin Malisha wuxuu sheegay in haatan fikaradda iyo dhaqanka ku saabsan dumarka degmada Mandya uu isbaddalay.
“Haweenka guryaheenna jooga ma aha inay xooluha raacaan ama qoyska daryeelaan oo kaliya ah” ayuu yiri. Waxa uu intaa ku daray in gabadha uu guursan doono ay cunto u karin doonto qoys aan ka badnayn afar qof.
Shivaprasad ayaa sidoo kale sheegay in saddexdii maalmood ay socodka ku marayeen deegaanka ay soo gaareen cabashooyin lamid ah oo ka imaanaya rag ku nool gobollada Andhra Pradesh iyo Kerala.
Raggii lugeeyay masaafo dhan 120 kiiloomiiitar waxay haatan rajeynayaan inay helaan gabdho ay la aqal galaan, wuxuu ahaa safar dheer oo adag, “Waxaan ku duceysanaynaa in aan helno dumar aan la aqal galno” ayuu yiri Malisha.
Ugaaska beesha Sure, Ugaas Cabdulaahi, oo ah dagaal ooge aan tamar lahayn oo soo daahay ayaa sheegay inuu qaati ka taagan yahay nabadda .
Ugaaska oo dhowaan sheegay inuu dagaal ku qaadayo Gaalkacayo iyo Caabud waaq , qayb libaaxna ka qaatay xasuuqii gobolka Sool ayaa hadda doonayo inuu iska hor keeeno beelaha Soomaaliyeed ee wada dega Itoobiya. Soomaalida degaanka ayaa qayb ka ah dagaalka Sool ayaa ayaa arinta loogu gogol xaarayaa in beeluhu isku dhacaan
Haddii jabahdda SNM ay ku guulaysataan Gobolka Sool, Mooryaankan iyo kuwo kale oo cusub oo u haraadan inay dhiiga beesha Daarood ku daadiyaan guryahooda ayaa soo bixi doona
Xukuumadda Dawlada Deegaanka Soomaalida ayaa iska fogeysay eed la xiriirta in ciidamadoodu ay ku lug leeyihiin dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, kadib markii masuuliyiinta Somaliland ay ku eedeeyeen in ciidanka DDS ay qeyb ka yihiin dagaalka looga soo horjeedo maamulkooda.
Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hargeeysa ayaa laga sugayey ineey kala baxaan ciidankooda dhulka SSC, balse war ay maanta soo saareen madaxda maamulkaas ayeey ku sheegeen in ciidanka tolka ah ee soo gurmaday ay ka baxaan magaaladda Laascaanood.
Shacabka gobolka Sool ayaa aayahooda ka tashaday, waxaana ayaan darro ah in beesha Isaaq aysan weli quusan oo aysan weli iska illaawin dhulka SSC. Soomaalidu waxeey horay u tiri, “Ninkaan quusan, isaga ayaa quus ah” Laascaanood weey tashatay, mana aha in waqtiga uu kaga lumo maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hargeeysa.
Wakaaladda Wararka Qatar ee QNA ayaa sheegtay in Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani loo dhaariyey madaxda cusub ee dowladda, ayada oo aan bixin faah-faahin intaas dheer.
Amiirka xukuma Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa inta badan xilalka ugu sarreeya dowladda kasoo magacaaba qoyska dalka xukuma. Si la mid ah dalalka kale ee Khaliijka Carbeed, siyaasadda dalka ayaa ku kooban qoyska xukunka haya, waxaana yar isbeddelada lagu wargeliyo shacabka.
Sheikh Mohammed oo ahaa wasiirka arrimaha dibedda tan iyo 2016, ayaa ahaa wejiga Qatar xilli ay la tacaaleysay saddex sano iyo bar oo ay xayiraado dhaqaale iyo qaadacaad ku sameeyeen Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Masar, taasi oo dhammaatay Janaayo 2021.
Waxa uu beddelayaa Sheikh Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani, oo ahaa ra’iisul wasaare iyo wasiirka arrimaha gudaha ee ka mas’uulka ah amniga gudaha, tan iyo 2020.
Waxaa sidoo kale xilka wasiirka arrimaha ka beddelay Sheikh Khalifa bin Hamad bin Khalifa Al Thani oo isna la dhaariyey maanta.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka, Antony Blinken ayaa soo dhoweeyey magacaabista Sheikh Mohammed iyo isku shaandheynta golaha wasiirada ee dad cusub kusoo dartay dowladda Qatar.
“Waxaan ka mahad-celinayaa iskaashigeena soo jireenka ah,” ayuu Blinken kusoo qoray twitter.
Diblomaasiga ugu sarreeya Qatar ayaa maanta loo dhaariyey ra’iisul wasaaraha dalka, isaga oo beddelaya xubin kale oo ka tirsan qoyska dalka xukuma, kaasi oo xukunka hayey tan iyo 2020, waxaa sidaas werisay warbaahinta dowladda.
Wakaaladda Wararka Qatar ee QNA ayaa sheegtay in Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani loo dhaariyey madaxda cusub ee dowladda, ayada oo aan bixin faah-faahin intaas dheer.
Amiirka xukuma Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa inta badan xilalka ugu sarreeya dowladda kasoo magacaaba qoyska dalka xukuma. Si la mid ah dalalka kale ee Khaliijka Carbeed, siyaasadda dalka ayaa ku kooban qoyska xukunka haya, waxaana yar isbeddelada lagu wargeliyo shacabka.
Sheikh Mohammed oo ahaa wasiirka arrimaha dibedda tan iyo 2016, ayaa ahaa wejiga Qatar xilli ay la tacaaleysay saddex sano iyo bar oo ay xayiraado dhaqaale iyo qaadacaad ku sameeyeen Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Masar, taasi oo dhammaatay Janaayo 2021.
Waxa uu beddelayaa Sheikh Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani, oo ahaa ra’iisul wasaare iyo wasiirka arrimaha gudaha ee ka mas’uulka ah amniga gudaha, tan iyo 2020.
Waxaa sidoo kale xilka wasiirka arrimaha ka beddelay Sheikh Khalifa bin Hamad bin Khalifa Al Thani oo isna la dhaariyey maanta.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka, Antony Blinken ayaa soo dhoweeyey magacaabista Sheikh Mohammed iyo isku shaandheynta golaha wasiirada ee dad cusub kusoo dartay dowladda Qatar.
“Waxaan ka mahad-celinayaa iskaashigeena soo jireenka ah,” ayuu Blinken kusoo qoray twitter.