Waa kuma hogaanka cusub ee Tigrey Getachew Reda?

Waa kuma hogaanka cusub ee Tigrey Getachew Reda?

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa hogaanka cusub ee gobolka Tigrey u magacaabey Getachew Reda

Getachew Reda waa mid ka mid ah ragga magacyadooda sida weyn loola xidhiidhinayey dagaalka labada sano socday ee u dhexeeyay TPLF iyo dawladda dhexe ee Itoobiya. Wuxuu Getachew si joogta ah ugasoo muuqanayey warbaahinta caalamiga ah inta uu socday dagaalku isaga oo matalaya ciidamada Tigreyga.

Getachew reda ayaa xilal sarsare kasoo qabtay xisbiga, Gobolka iyo dawladda dhexeba. Wuxuu soo noqday xubin ka mid ah guddiga dhexe, Kaaliyaha madaxweynaha iyo af hayeen u hadla ururka TPLF ee ka talinayey gobolka Tigrey.

Ka sokow in uu soo noqday la taliye sare ee xafiiska raysal wasaaraha iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda federaalka ah, waxa uu Getachew sidoo kale soo noqday wasiiru dawlaha wasaaradda is gaarsiinta iyo xilal kale oo sar sare.

Mastar Reda, oo jaamacadda Addis Ababa ka haysta shahaadada kowaad ee jaamacadda ee sharicga iyo shahaadada labaad ee jaamacadda ee sharciga oo uu ka qaatay jaamacadda Alabama ee dalka Maraykanka, wuxuu isla maadadan kasoo dhigay jaamacadda Mekele ee xarunta gobolka Tigrey.

Getachew reda ayaa ahaa mid ka mid ah hogaanka siyaasadda ee kooxdan kaas oo meela kala duwan ka shaqeeyay tan iyo markii uu weynaaday khilaafka u dhexeeya dawladda dhexe iyo TPLF iyo markii uu dagaalku bilowday.

Intii uu socday dagaalku waxaa si weyn loogu xasuustaa inuu caan ka ahaa warbaahinta caalamiga ah iyo baraha bulshada labada isaga oo ku hadlaya afka Ingiriiska iyo kan axmaarigaba, isaga oo ka hadli jiray doodana ka qayb gali jiray xogaha ku saabsan ciidamada Tigrey ee dagaallamayey.

Gaadiddka dagaalka oo burburay

Intaas ka sokow Getachew ayaa ahaa qofka isaga oo matalaya Tigrey dhankooda u saxiixay heshiiska dhex maray dalwdda federaalka iyo Tigrey, heshiiskaas oo soo af jaray dagaalka dhiigga badan ku daatay ee kobolka ka socday mudad labada sano ah.

Dagaalka ayaa mar laga quustay iyada oo laba jeer fashilmeen xabbad joojin lagu baaqay.

Dr Cali Sheekh Axmed Dhagaweyne, oo ku xeel dheer arrimaha amniga iyo militariga ayaa aaminsan in ay adag tahay sida uu maamulka federaalka ku oggolaado arrintaas.

Sida uu sheegay khabiirkan, Itoobiya ayaa dhaqan u leh in marka uu dagaal dhaco aan nabad la qaadanin, ilaa meesha ugu dambeysa la isla gaaro.

“Taariikhda markii aan eegno, reer Itoobiya ma aha dad si nabad ah wax ku kala qaata, arrintoodu waa ‘ninkii roonaada ayaa reerka u haraya’, marka cid walba awood unbaa lagu muquuniyaa mooyaane cid jacayl cid lagu muquuniyo ma jirto,” ayuu yiri Dr Cali Sheekh Axmed.

Hase ahaate ka dib markii uu dhacay dagaal aad loogu hoobtay labada dhinacba balse dhinaca Tigreyga iyo dadka rayidka ah ay dhibaato weyn soo gaadhey ayey isla garteen in heshiis wax lagu dhameeyo iyada oo masuuliyiinta labada dhinac ay ku kulmeen dalka Koonfur Afrika heshiisna ay halkaas kuso gaareen kaas oo ugu dambeyntii hor seeday in hogaanka cusub ee Tigrey loo magacaabo Getachew reda.

“Waxay ila tahay in ay tahay xeelad dagaal oo sir ah ama ay qarsanayaan waji gabax, sababtoo ah, dagaal waa sir, marka cidna kuma oraneyso ‘waa la i jebiyaye waan baxay’, laakiin xaqiiqada halkan taalla waa in si xoog ah looga bixiyay.

Tartamayaasha Degmada Dhahar oo u gudbay wareega 2aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Dhahar oo u gudbay wareega 2aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii saddex iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 1-aad ee wareegga 1aad ku tartamay Degmooyinka Heliwaa iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Sanaag, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Heliwaa iyo Dhahar ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

 MARCH 23, 2023

Jubbaland oo bogaadisay guulaha laga gaaray dagaalka dib u xoreynta ee ka dhanka ah Khawaarijta

 MARCH 23, 2023

Heliwaa

Tartameyaasha Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Heliwaa ay heleen waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.

Dhahar

Tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen dhankooda,  sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhahar waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.

Sida sharciga tartanka dhigayo marka labo degmo ay isku dhibco noqdaan waxaa lagu daraa tartanka su’aalo dheeri ah, si loo kala saaro tartamayaasha.

Su’aalo dheeraad ah oo min saddex su’aal ah ayaa lagu daray balse labadii su’aal ee hore labada dhinac kama jawaabin, waxaana su’aashii 3aad oo ay lahayd tartamayaasha Degmada Heliwaa waa ay iska qaldeen, laakiin waxaa ka faa’iideystay tartamayaasha Degmada Dhahar, iyagoo sidoo kale saxay tooda gaarka ahayd.

Sidaas darteed tartamayaasha Heliwaa waxa ay heleen 8 dhibcood, halka Dhahar ay la yimaadeen 12 dhibcood, sidaas ayayna ugu soo gudbeen Dhahar wareegga xiga ee tartanka.

Hadaba kulankii 1-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 2-aad ee tartanka, waxaa ku tartami doona degmooyinka Warta-Nabadda iyo Xudur oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Bakool.

Jubbaland oo bogaadisay guulaha laga gaaray dagaalka dib u xoreynta ee ka dhanka ah Khawaarijta

Jubbaland oo bogaadisay guulaha laga gaaray dagaalka dib u xoreynta ee ka dhanka ah Khawaarijta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan, gaar ahaan  xaaladda amniga guud iyo dagaalada dib u xoraynta ee ka socda Inta badan deegaannada Jubbaland, kuwaas oo ay wadaan Ciidamada Jubbaland iyo ciidamada xooga dalka isla markana saacadahii lasoo dhaafay lagu dilay in ka badan 23 ka tirsan Khawaariijta Sidoo kalana lagaga furtay hub kala duwan.

Golaha ayaa bogaadiyay howlgalada socda iyagoo ugu baaqay shacabka ree Jubbaland inay garab istaagan Ciidamada qalabka Sida ee dagaalka kula jira kooxaha Argagixisada ah.

Dhinaca kale waxa uu Golaha Wasiirada Jubbaland akhrintii koobaad marsiiyay sharciga lagu dhisayo Hay’adda waddooyinka Jubbaland, kaas oo ay soo gudbisay Wasaarada howlaha guud iyo guriyaynta isla markana dhawaan Baarlamaanka loo gudbin doono.

Ugu danbayntii Wasaarada Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Jubbaland ayaa soo bandhigtay qorshaha kor u qaadista dhakhliga guud iyo horumarinta Canshuuraha, taas oo wax badan ka tari doonta dhaqaalaha guud ee Jubbaland.

Maxay beesha caalamku ku cadaadisay Puntland kadib shirkii Baydhabo?

Maxay beesha caalamku ku cadaadisay Puntland kadib shirkii Baydhabo?

Sida laga war qabo maamulka Puntland dhawaan kama qayb galin shirkii Wadatshiga Qaran ee ka dhacay magaalada Baydhabo ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Shirkaan oo ay ka qayb galeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, raysal wasaare Xamse Cabdi Barre iyo madaxda maamul-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubaland waxaa looga hadlay hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka iyo qaab dhismeedka amniga qaranka.

Waxaa jiray shirkaan mid ka horreeyay oo Muqdisho ka dhacay bishii December ee sanadkii tagay, isla markaana ay isugu yimaadeen madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo Puntland aaney saxiixin war-murtiyeedkii ka soo baxay.

Qodobbadii looga hadlayay ayaa kala ahaa garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed, arrinkaa oo qeyb ka ahaa dhammeystirka fulinta qodobbadii war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii kaas ka sii horreeyay ee Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gabagaboobay isla Muqdisho 12-kii Sebtembar.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay sababta ay Puntland u saxiixi wayday qodobbadii ka soo baxay shirkaas bishii December 2022-kii ka dhacay caasimadda Soomaaliya ayaa sheegay in markii uu arkay qodobbadaas ay ula muuqatay in nidaamka dowladda dhexe dib loogu celinayo awoodda iyada oo meesha laga saarayo federaalka lagu heshiiyay.

Wuxuu intaa raaciyay in habka maamulka dowladeed ee heer federal iyo heer dowlad goboleed loo qaybinayo oo u muuqday mid kasoo horjeeda dastuurka Puntland, kan federaalka iyo doonista caqliga waa sida uu hadalka u dhigay.

Puntland ayaa dooddeedu tahay in marka hore wax la kala leeyahay marka ay timaaddo awoodaha uu qeexayo dastuurka federaalka laga wadahadlo oo la dhammeystiro. Qodobbada ay puntland ku dhegga ntahay waxaa ka mid ah qaybsiga khayraadka.

Dadka arrimahaan falanqeeya ayaa iyaguna qaba in Puntland ay soo celcelisay tallaabooyinka ay ku diidayso shirarka looga hadlo masiirka Soomaaliy

Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya in ay iska dhaga tirtay cabashadii ay Puntland ka muujisya shirkii Wadatashiga Qaran ee December sanadkii tagay lagu qabtay Muqdisho.

“Waxay ahayd in la xaliyo cabashadii hore ee shirkii hore inta aan kan la qaban,” ayuu yiri xildhibaan Dhaashane oo dhawaan ka qayb galayay barnaamijka Doodda Jimcaha ee BBC-da ee waxy ila tahay.

Hadda maxaa soo kordhay?

Wasiirka warfaafinta Puntland

Puntland ayaa hadda sheegtay inay mar kasta diyaar u tahay wadaxaajood ay la yeelato dowladda federaalka oo waayihii dambe uu xumaa xiriirkooda.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa kadib markii qoraal ay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ku faafisay barteeda Twitter-ka lagu sheegay in deeq bixiyayaasha taageera Soomaaliya ay u sheegeen Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni muhiimadda ay leedahay in Puntland ay ka qeyb qaadato dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay qiray inuu jiro cadaadis Puntland lagu saaray in ay qayb ka noqoto shirarka looga hadlayo geedi socodka dowlad dhiska Soomaaliya. “Cadaadis cid walba waa la saarayaa waligeeba waa la saari jiray ama siyaasi ha ahaato ama dowlad xubin ka ah dowlad, dowladda federaalka,”.

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa sheegay,”Puntland waligeedba diyaar ayay u ahayd dowladnimada Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiir Caydiid oo BBC-da u warramayay.

Puntland lagama maarmo

Qaraal kasoo baxay Safaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu yir”Deeq-bixiyayaasha caalamiga ah waxa ay maanta la kulmeen Madaxweynaha Puntland, waxaana hoosta laga xariiqay muhiimadda ay leedahay in Puntland si wanaagsan ugu qeyb qaadato horumarka dawlad-dhiska Soomaaliya, oo ay ku jirto ka-qaybgalka kulamada Golaha Wadatashuga Qaran”

Deni oo Nairobi kulan kula yeeshay Madax ka tirsan Beesha Caalamka,

Nairobi: 20 March 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo hawlo shaqo u jooga Nairobi ayaa Maantay Magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Madax ka tirsan Beesha Caalamka, gaar ahaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya sida UK, USA, EU, Norway, Sweden, Denmark, Germany, Holland, Switzerland, Belgium iyo World Bank.

ayaa looga wada hadlay:

1. Arrimaha horumarinta Puntland, gaar ahaan amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo doorashada.

2. Xaaladda Colaadda Gobolka Sool

3. Arrimaha dowlad dhiska Soomaaliya ee ku saleysan federaalaynta Dalka, gaar ahaan qaybsiga deeqaha horumarinta iyo mowqifka Puntland ee ku aadan shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka, iyadoo Dowladda Puntland horay u caddeysay go’aankeeda ka maqnaanshaha shirarkaas.

Masuuliyiinta Beesha Caalamka ayaa soo dhaweeyey hormarka ka socda Puntland oo ay ugu horeyso in barnaamijka doorashooyinka uu si habsami leh u socdo iyo dhammeystirka is diwaangelinta codbixiyaasha. Waxay si gaar ah u bogaadiyeen in Dowladda Puntland galisay dhaqaale ka badan kan ay deeq bixiyaashu ku bixiyeen illaa hadda.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday si guul ah.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗠𝗮𝗮𝗹𝗴𝗮𝘀𝗵𝗶𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗜𝘀𝗸𝗮𝗮𝘀𝗵𝗶𝗴𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗹𝗮𝗺𝗶𝗴𝗮 𝗦𝘂𝘂𝗱𝗮𝗮𝗻

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗠𝗮𝗮𝗹𝗴𝗮𝘀𝗵𝗶𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗜𝘀𝗸𝗮𝗮𝘀𝗵𝗶𝗴𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗹𝗮𝗺𝗶𝗴𝗮 𝗦𝘂𝘂𝗱𝗮𝗮𝗻

Muqdisho, Maarso 20, 2023: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Suudaan, Marwo Axlaam Madani Mahdi, oo hoggaaminaysay wafdi ganacsato u badan oo ka qeyb-galay Madasha Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Suudaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal, isagoo sheegay in maalgashadeyaasha reer Suudaan ay uga bannaan tahay Soomaaliya fursado maalgashi oo aad u ballaaran, iyadoo ay si gaar ah u caawineyso ganacsatada Suudaan xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah.

Dhankeeda, Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Suudaan, Marwo Axlaam Madani Mahdi ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagatay sida ay ugu faraxsan tahay ka qeyb-galka Madasha Iskaashiga iyo maalgashiga SOMSUDAN, waxa ayna xustay in wafdigeeda ay ka mid yihiin 40 shirkadood oo ganacsi oo laga leeyahay dalka Suudaan, kuwaas oo danaynaya inay maalgashiga ku sameeyaan Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Suudaan ayaa kala saxiixday heshiisyo kor u qaadaya isdhaafsiga badeecadaha iyo maalgashiga, taas oo ay barbar socoto xoojinta iskaashiga iyo xiriirka walaaltinimo ee labada dal.

Suudaan waxay door weyn ka cayaartay sare u qaadidda aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo dalkaasi ay wax ku bartaan kumaankun oo Soomaali ah, kuwaasi oo kaalin firfircoon ka galaya dib u dhiska iyo horumarka dalka. –omalia+3

All reactions:163163