8th May 2024  admin  Category :

Maxay beesha caalamku ku cadaadisay Puntland kadib shirkii Baydhabo?

Sida laga war qabo maamulka Puntland dhawaan kama qayb galin shirkii Wadatshiga Qaran ee ka dhacay magaalada Baydhabo ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Shirkaan oo ay ka qayb galeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, raysal wasaare Xamse Cabdi Barre iyo madaxda maamul-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubaland waxaa looga hadlay hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka iyo qaab dhismeedka amniga qaranka.

Waxaa jiray shirkaan mid ka horreeyay oo Muqdisho ka dhacay bishii December ee sanadkii tagay, isla markaana ay isugu yimaadeen madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo Puntland aaney saxiixin war-murtiyeedkii ka soo baxay.

Qodobbadii looga hadlayay ayaa kala ahaa garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed, arrinkaa oo qeyb ka ahaa dhammeystirka fulinta qodobbadii war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii kaas ka sii horreeyay ee Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gabagaboobay isla Muqdisho 12-kii Sebtembar.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay sababta ay Puntland u saxiixi wayday qodobbadii ka soo baxay shirkaas bishii December 2022-kii ka dhacay caasimadda Soomaaliya ayaa sheegay in markii uu arkay qodobbadaas ay ula muuqatay in nidaamka dowladda dhexe dib loogu celinayo awoodda iyada oo meesha laga saarayo federaalka lagu heshiiyay.

Wuxuu intaa raaciyay in habka maamulka dowladeed ee heer federal iyo heer dowlad goboleed loo qaybinayo oo u muuqday mid kasoo horjeeda dastuurka Puntland, kan federaalka iyo doonista caqliga waa sida uu hadalka u dhigay.

Puntland ayaa dooddeedu tahay in marka hore wax la kala leeyahay marka ay timaaddo awoodaha uu qeexayo dastuurka federaalka laga wadahadlo oo la dhammeystiro. Qodobbada ay puntland ku dhegga ntahay waxaa ka mid ah qaybsiga khayraadka.

Dadka arrimahaan falanqeeya ayaa iyaguna qaba in Puntland ay soo celcelisay tallaabooyinka ay ku diidayso shirarka looga hadlo masiirka Soomaaliy

Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya in ay iska dhaga tirtay cabashadii ay Puntland ka muujisya shirkii Wadatashiga Qaran ee December sanadkii tagay lagu qabtay Muqdisho.

“Waxay ahayd in la xaliyo cabashadii hore ee shirkii hore inta aan kan la qaban,” ayuu yiri xildhibaan Dhaashane oo dhawaan ka qayb galayay barnaamijka Doodda Jimcaha ee BBC-da ee waxy ila tahay.

Hadda maxaa soo kordhay?

Wasiirka warfaafinta Puntland

Puntland ayaa hadda sheegtay inay mar kasta diyaar u tahay wadaxaajood ay la yeelato dowladda federaalka oo waayihii dambe uu xumaa xiriirkooda.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa kadib markii qoraal ay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ku faafisay barteeda Twitter-ka lagu sheegay in deeq bixiyayaasha taageera Soomaaliya ay u sheegeen Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni muhiimadda ay leedahay in Puntland ay ka qeyb qaadato dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay qiray inuu jiro cadaadis Puntland lagu saaray in ay qayb ka noqoto shirarka looga hadlayo geedi socodka dowlad dhiska Soomaaliya. “Cadaadis cid walba waa la saarayaa waligeeba waa la saari jiray ama siyaasi ha ahaato ama dowlad xubin ka ah dowlad, dowladda federaalka,”.

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa sheegay,”Puntland waligeedba diyaar ayay u ahayd dowladnimada Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiir Caydiid oo BBC-da u warramayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*