Boqorka muslimka ah ee ka codsanaya dadkiisa in aanay xoolo qalin ciidda

Boqorka muslimka ah ee ka codsanaya dadkiisa in aanay xoolo qalin ciidda

Boqor Maxamed 6-aad ee dalka Morocco ayaa ka codsaday dadkiisa in ay ka qalashada ariga ee Ciidda Carafo ee sanadkan, sababo la xiriira hoos u dhaca weyn oo ku yimid xoolaha dalkaasi.

yaraanta ayaa loo aaneynayaa todoba sano oo abaar ah oo ka jirtay dalkaas.

Ciidul-Adxa oo ku beegan bisha June, ayaa ah maalin ay dabaal dagaan dadka Muslimiinta ah, waxaana la qalaa xoolo loo yaqaano udxiyo taas oo sida Islaamku qabo mid lagu xusayo gawracii uu ka badbaaday wiilki nabi Ibrahim Ibraahim, ee la waydiiyay in uu gawraco.

Dadka muslimiinta ah ayaa munaasabaddan ku xusa in ay qalaan neef ari ama ido ah ama xoolo kale, waxaana hilibka la qeybsadaa qoyska masaakiinta ah oo loogu deeqo qaab sadaqo ahaan ah.

Laakiin xoolaha Marooko ayaa 38% hoos u dhacay tobankii sano ee la soo dhaafay, sababo la xiriira daaqa oo yaraaday, sida lagu sheegay xogta rasmiga ah e ay soo saartay dowladdu.

Qiimaha hilibka ayaa cirka isku sii shareeraya, waxaana ilaa 100,000 oo ido ah looga soo dhoofiyaa dalka Australia.

Gawraca in la sameeyo ciidaan “iyada oo lagu dhex jiro daruufahan adag waxay dhibaato weyn u geysan doontaa qaybo badan oo dadkeena ah, gaar ahaan kuwa dakhligoodu yar yahay,” ayuu Boqor Maxamed ka 6 – aad ku yiri khudbad uu wasiirka arrimaha diinta ee dalkaasi ka akhriyay telefishanka qaranka ee Morocco maanta oo Arbaco ah.

Aabihii, Xasan II, ayaa codsi la mid ah midkaan waxa uu dadkiisa u soo jeediyay 1966 kii, markii Morocco ay sidoo kale la kulantay abaar dheer oo saamayn ku yeelatay xoolaha.

Isaga oo dhibaatada jirta ku sharraxayay wareysi uu dhowaan bixiyay, ayaa wasiirka beeraha ee Morocco, Ahmed Bouari, waxa uu yiri “baahida loo qabo in biya loo ilaaliyo qaybaha mudnaanta leh, sida wadista iyo warshadaha” waxay la macno tahay in beeruhu ay ku jiran xaaladii ugu xumayd, “iyada oo inta badan goobaha waraabka ay hoos yimaadaan xeerar adag iyo nidaamka qaybinta biyaha”.

Canshuurta soo dejinta iyo tan gadista ee loo yaqaano VAT ee lo’da, idaha, geela iyo hilibka cas ayaa dhawaan la qaaday si ay gacan uga geysato xasilinta qiimaha xoolaha Morocco.

Madaxweynihii Magafe ayaa noqday

Xildhibaan Xasan Firimbi” Madaxweynihii Soomaaliya waxaa uu noqday Magafe, dadka ku caburiya awoodiisa, dadkana afduuba

Waa wasaaraddii Gaashaandhiga ee Cali Samatar

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga XFS Cumar Cali Cabdi “, waa wasiirka had iyo jeer aard aragtaan qoraaladu uu qoro ” dawladda Soomaaliya ayaa bixisay amarka ah in la duqeeyo Buuraha Cal miskaad, wasiirkani buuraha uu ka hadlayo waa kuwa ciidanka dawladda Puntland ka dagaalamayaan

. Markaan muuqaalka hoose daawtaan ayaa ku ogaan doonta sida uu uga aradan yahay luqadda Soomaaliga, akhlaaqda iyo halka ay gaarsiisan tahay dhiiranaanta uu ka qabo madaxweynaha Soomaaliya

Ciidamada difaaca Puntland oo maanta si buuxda ula wareegay Taliskii Argagixisada Daacish ee Gaatir-oodan

Ciidamada difaaca Puntland oo maanta si buuxda ula wareegay Taliskii Argagixisada Daacish ee Gaatir-oodan

v

Nin ku qeylinayay “Allahu Akbar” oo weerar toorreey loo adeegsaday ka geystay Faransiiska

Nin ku qeylinayay “Allahu Akbar” oo weerar toorreey loo adeegsaday ka geystay Faransiiska

Hal qof ayaa ku dhintay saddex saraakiil boolisna way ku dhaawacmeen weerar toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay bariga magaalada Faransiiska ku taalla ee Mulhouse.

Nin u dhashay Algeria oo 37 jir ah ayaa lagu xiray goobta uu falku ka dhacay iyadoo dacwad-oogaha uu furay su’aalo weydiin argagixisannimo sababtoo ah eedeysanaha waxaa la sheegay inuu ku qeylinayay “Allahu Akbar”.

Ninkan ayaa si xun u dhaawacay labo sarkaal boolis, midna qoorta kan kalena xabadka. Nin u dhashay Bortuqiiska oo 69 jir ahaa oo isku dayay inuu soo dhex galo ayaa toorrey la geliyay oo la dilay.

Eedeysanaha ayaa heystay amar musaafurin ah sababo la xiriira inuu ku jiray liiska argagixisada isha lagu heynayo, sida laga soo xigtay dacwad-ooge gudaha ah. Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa sheegay inuusan “wax shaki ah ka qabin inuu ahaa weerar Islaami ah oo argagixiso”.

Kadib markii uu tacsi u diray qoyska dhibbanaha, Macron ayaa intaa raaciyay: “Waxaan doonayaa inaan dib ugu celiyo sida ay dowladda uga go’an tahay, iyo aniga, sii wadidda shaqada cirribtirka argagixisada ee ciiddeenna.”

Weerarka ayaa dhacay abbaaro 16:00 xilliga dalkaas (15:00 GMT) Sabtidii wuxuuna ka dhacay meel u dhow suuq mashquul ah oo ku yaalla Mulhouse, kaas oo u dhow xudduudaha Jarmalka iyo Switzerland.

Booliiska ayaa ilaalo ka ahaa dibadbax ka dhacayay halkaas oo lagu taageerayay Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo.

“Waxaan Faransiiska ku noolaa 41 sano weligeyna waxaan oo kale ma arag,” ayuu Cemalettin Canak, oo 55 jir ah, u sheegay wakaaladda wararka Reuters.

“Aad ayay iiga yaabisay,” ayuu intaa ku daray. “Hadda marka aan suuqa tago, xoogaa jahwareer baa igu dhaca.”

Labada sarkaal ee isbitaalka loo qaaday, kan xabadka laga dhaawacay ayaa markii dambe isbitaalka laga bixiyay, dacwad-oogayaasha ayaa wakaaladda wararka ee AFP sidaa u sheegay, iyadoo saddexdoodaba ay soo gaareen dhaawacyo fudud.

“Cabsi xoog badan ayaa qabsatay magaaladeenna,” ayuu duqa Mulhouse Michele Lutz kusoo qoray Facebook.

Raysal Wasaaraha Faransiiska François Bayrou ayaa isna barta X ku qoray in “falal xun ayaa mar kale dhacay xaalad baroor-diiq ayaana ku jirnaa”.

“Waxaan murugada la qeybsanayaa dhibbaneyaasha iyo qoysaskooda, aniga oo aad u rajeynaya in kuwa dhaawacan ay soo kaban doonaan,” ayuu intaa raaciyay.

Isagoo xalay fiidnimadii booqday goobtay, ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Bruno Retailleau wuxuu warbaahinta TF1 u sheegay in Faransiiska uu 10 jeer isku dayay cayrinta eedeysanaha, mar walbana Algeria ay diideysay inay aqbasho.

Wuxuu ku baaqay in Algeria lala yeesho “dheellitir awood” oo cusub, wuxuuna weriyeyaasha u sheegay “waa inaan beddelnaa shuruucda” ku aaddan sida ay u shaqeeyaan xarumaga musaafurinta.

Guul labo jibaaran

Gawaaridii looga qabsaday SNM ayaa lagula dagaalamayaa Argagixisada Calimiskaas. Waa Guul labo Jibaaran

Waa meesha laga so abaabulo Daacish

100 qof oo ka soo jeeda maamulka Isaaqland oo la waydiiyey cidda ay taageersan yihiin Daacishta iyo maamulka Puntland ee la dagaalamaya ayaa ku wada jawaabay inay Daacish raacsan yihiin.

Taliye Indha yare o ay madaxda SNM aad u yaqaaniin ayaa isaga oo arinta ka jwaabaya yidhi ‘ iyagaa (Somaliland) soo abaabula