Khubarada caafimaadka waxay ka digeen in astaamaha hantafayrus uu la mid yahay sida hargabka marka ay ku soo gaaraan dhacaanka jiirka. Dhibaatada ugu weyn ee aad kala kulmi karto fayruskan waa in aad qaado xanuunada loo geeriyooda ee ku dhaca sambabaha.
Baarayaasha caafimaadka waxay aaminsan yihiin in Ms Arakawa ay qaaday fayruska kaas oo keenay geerideeda.
Waxaa la aaminsan yahay in ay geeriyootay toddobaad ka hor geerid ninkeeda oo qabay cudurka asaasaqa heerka ugu sareeya. Waxaa meydka lamaanaha ay ka heleen mas’uuliyiinta gurigooda oo ku yaal New Mexico bishii la soo dhaafay.
Hadaba maxaan ka ognahay fayruskan magaciisa lagu sheegay hantafayrus?
Hantafayrus waa nooc ka mid ah fayrusyada kaas oo laga qaado noocyada jiirka. Inta badan waxa uu qofka ku qaadaa fayruska in uu neef ahaan u qaato walxo ka mid ah dhacaanka jirka oo qalalay.
Inta badan caabuqa waxa uu yimaadaa marka uu hawada galo fayruska ka yimaada kaadidada jiirka ama waxa kale ee dhacaan ah ee isaga ka soo baxa sida ay sheegtay xarunta xakameynta iyo ka hortaga cudurada ee CDC.
Inkastoo uu yahay Fayrus naadir ah hadana waxaa laga qaadi karaa qaniinyada jiirka ama hadii uu ku xagto.
Waqooyiga Ameerika, jiirka nooc yar yar ayaa inta badan fayruska gudbiya sida ay sheegtay xarunta caafimaadka ee Mayo.
Fayruska wuxuu keenaa labo xanuun oo aad u dran. Kan ugu horeeya waa mid ku dhaca sambabaha oo ah kan ugu caansan dalka Mareykanka, waana kan keenay geerida Ms Arakawa sida ay sheegeen mas’uuliyiinta ku shaqada leh.
Astaamaha ugu horeeya ee lagu garto in qofku qaaday fayruska waa daal, qandho, murqo xanuun kaddibna madaxa ayaa xanuuna qofka. Calamadaas kaddib qofka wuxuu dareemaa wareer, dhaxan iyo calool xanuun. Hadii qofka dhibto neefta uu qaado waxaa suuragal in in boqolkiiba 38 uu u dhinto sida ay sheegtay xarunt CDC.
Xanuunka kale ee laga qaado fayruska waa in qofka uu qaadaa qandho dhiig wadata. Waa nooca aadka u daran, waxayna saameysaa kilyaha qofka.
Imisa kiis oo fayruska Hantavirus ayaa laga soo sheegay Mareykanka iyo adduunka?
Xarunta xakameynta iyo ka hortag acudurada CDC waxay sheegtay 864 kiis oo fayruskaas ah in laga helay Mareykanka intii u dhexeysay 1993-dii ilaa iyo 2022.
Inta badan kiisaska waxaa laga helay dhulka miyiga ee gobolada California, Washington, Arizona, New Mexico and Colorado.
Hay’ada waxay bilowday in ay la socoto fayruska sanadkii 1993-dii. Xiligaas waxaa ka dilaacay Mareykanka xanuun neefsashada la xiriira oo aad u darnaa.
Waqtigaas waxaa sanad kasta adduunka lagu arkayay 150,000 kiis oo ah nooca qandhada dhiiga wdata leh sida laga soo xigtay machadyada caafimaadka adduunka. In ka badan kala bar waxay ka dhacayeen Shiinaha.
Sidee loo daaweeya fayruskan?
Ma jiro daaweyn gaar ah uu leeyahay caabuqyada fayruska hantafayrus. Waxa kaliya oo lagu taliyay ayaa ah in qofka la daryeelo si wax looga qabto xanuunkiisa.
Bukaanada aadka u daran waxaa suuragal ah in ay u baahdaan in la dhigo isbitaalka qeybta daryeelka gaarka. Bukaanada qaar waxaa laga yabaa in ay u baahdan in lagu xiro qalabka lagu neefsado.
CDC waxay ku talisay in aan loo dhawaan jiirka jooga guryaha iyo goobaha shaqada si looga fogaado fayruska. Sidoo kale waxay sheegeen in la xiro meelaha uu jiirka ka soo galo guryaha.
In la xirto qalabka ka hortaga marka la nadiifinayo meelaha uu gaaro dhaceenkaasi ayaa sidoo kale la soo jeediyay.
Maxaa la gudboon Carabta kaddib diidmada Trump ee qorshahooda Gaza?
Waxaa soo baxaya su’aalo ku saabsan jidka u furan dalalka Carabta kaddib markii Israel iyo Mareykanka ay diideen natiijada shirka Carabta ee lagu raadinayay qorshe ka duwan kan Trump ee Gaza.
Intii Qaahira uu ka socday shirka Carabta ee aan cadiga aheyn afartii bishan Maarso, waxay hoggaamiyayaasha ogolaadeen qorshaha Masar ee ah in $53 bilyan oo doolar dib loogu dhiso Gaza si 2.1 milyan ee Falastiiniyiinta ah ay dhulkooda u sii joogaan.
Qaahira waxay soo jeedisay qorshe lagu wiiqayo kan Marekanka ee ah in la barakciyo dadka ku nool daanta galbeed kaas oo lagu dhisayo mashruuc dalxiis. Trump wuxuu ugu yeeray qorshahaas “Riviera-da Bariga Dhexe”. Taasina waxay muujineysaa in Mareykanka uu ka laabtay siyaasadiisa aheyd xal labo dal ah.
Qorshaha Carabta waxaa toos u diday Israel halka Washington ay ku tilmaantay wax aan dhaceyn. Aqalka cad waxay xaqiijiyeen in maamulka Trump ay ka go’an tahay in Gaza dib loo dhiso iyadoo Xamaas aysan joogin.
Dowlada Falastiin iyo Xamaas way soo dhaweeyeen qorshaha Carabta kaas oo ku baaqayay in Gaza ay maamulaan gudi madaxbannaan iyo ciidamo nabad ilaaliyayaal caalami ah oo halkaas la geeyo.
Wasiirkii hore warfaafinta Urdun, hadana ka faalooda siyaasada, Samih Maaytah, wuxuu aaminsan yahay in qorshaha Carabta uu suuragal yahay si kasta oo caqabada u horyaalaan.
Wuxuu sheegay in hadii Gaza dadkeeda la barakciyo in ay khatar ku tahay ammaanka gobolka, wuxuuna sheegay in ay halis ku tahay Urdun iyo Masar.
Al-Maaytah wuxuu intaas ku daray in Trump uu soo bandhigay qorshe balse uusan awood u laheyn in uu fuliyo.
“Trump wuxuu ka hadlay qorshe iyo fikrado isagoo ku soo darin aragtida hal dhinac xitaa. Hadii wadaxaajoodyada guuleystaan, hore ayaan u sii socon karnaa. Wax ugu xun ee dhici kara waa in qorshaha Trump uusan hirgalin, kan Carabtana uusan shaqeyn. Taasna waxay ka dhigan tahay in Gaza ay xaaladaas ku sii jirto”.
Muxuu noqonayaa mustaqbalka Xamaas?
Hoggaamiyayaasha Carabta waxay isku dayayaan in ay ka dhaadhicyaan Trump qorshahooda kaas oo ka jawaabaya waxa laysku hayo. Tan ugu muhiimsan waa, muxuu noqonayaa mustaqbalka Xamaas? Yaase maamulaya Gaza?
Hindisaha Masar ayaa ka jawabaya qaar ka mid ah su’aalahan sida uu dhigayo gudiga madaxabannaan ee maamulaya Gaza muddo lix bilood ah ka hor inta aysan dowalda Falastiin halkaas ku soo laaban.
Qorshaha Masar waxaa qaatay ururka Jaamacada Carabta kaas oo aan ka hadal in hubka la dhigayo Xamaas. Xamaas way ogolaatay qorshaha kaddib shirka inkastoo ay diiday hub ka dhigista.
Siyaasi iyo cilmibaare u dhashay Masar oo lagu magacaabo, Imad Gad, ayaa aaminsan in hindisaha Carabta uu leeyahay waji wanaagsan balse uusan laheyn waxyaabaha aasaasiga u ah xalka sida in Xamaas hubka laga dhigo.
Waa arin adag
Qoraalka sawirka,Amiir Mohammed bin Salman and iyo madaxweynaha UAE Mohammed bin Zayed
Dalalka Carabta way isku khilaafeen sida loola dhaqmayo joogista Xamaas ee Gaza. Qorshaha Masar wuxuu ku baaqayaa xabad joojin dheer taas oo xal u ah hub ka dhigista. Sacuudiga waxay qaban in si tartiib ah loola dhaqmo oo marka hore madaxdooda Gaza laga saaro halka Imaaraatka ay diideen qorshe kasta oo Xamaas ay ku joogeyso Gaza. Imaaraatka waxay dalbadeen in degdeg hubka looga dhigo Xamaas.
Waxay u muuqata in dhaqaalaha lagu dhisayo Gaza in uu ku xiran yahay helista taageerada caalamka gaar ahaan dalalka hodanka ee khaliijka kuwaas oo doonaya siyaasad cad oo ku wajahan halka ay ku dambeynayaan hubka Xamaas.
Khubaradu waxay qabaan in arrinta hubka Xamaas ay tahay mid adag oo u baahan aragti guud oo ku xiran dagaalka iyo xalka laba dal.
“Gaza nabad ma heleyso Xamaas la’aanteed”
Dhanka kale, Moshe Elad oo ah khabiir militeri oo Israel u dhashay ayaa soo dhaweeyay qorshe kasta oo lagu gaarayo xal iyo nabad dhexmarta dalalka Carabta iyo Israel.
Wuxuu tilmaamay sida Israel ay diyaar ugu tahay in ay kala hadasho qorshe kasta ay nabad ku heleyso, gaar ahaan xadka Gaza. Wuxuu sheegay in ujeedka ugu weyn Israel uusan aheyn barakicin ee uu yahay in ay xal u hesho hubka Gaza yaal iyo in la joojiyo argagixisada.
Wasiirka arrimaha dibadda Israel oo ka hadlay qorshaha Masar ayaa ku tilmaamay mid jilicsan oo xambaarsan fikrado duugoobay kaas oo iska indhatirayo wixii keenay weerarkii 7-dii Oktoobar oo ula jeeday in xal laba dal ah uusan dhaceyn.
Intee ayuu la egyahay cadaadiska Carabtu haystaan?
Kenneth Roth oo ah madaxii hore ee hay’ada xuquuqda aadanaha HRW ayaa aaminsan in dalalka Carabta ay leeyihiin awoodo ay wax ku cadaadiyaan oo ay kaga horyimaadaan qorshaha maamulka Trump.
Wuxuu sheegay hadii labada milyan ee reer Falastiin Gaza xoog looga saaro, in ay ka dhigan tahay dambi dagaal sida u qabo qodobka 49-aad ee xeerka Geneva iyo sidoo kale in uu ka dhigan yahay dambi aadanaha laga galay.
Wuxuu kaloo sheegay in Sucuudiga uu leeyahay awood uu ku diido caadiyeenta xirirka Israel, shuruudna uu kaga dhigo in la damaanad qaado dhismaha dal Falastiin ah.
Hadii maamulka Trump ay ku dhaqaaqaan qorshahooda in khatarta aysan ku koobnaan doonin Gaza oo ay u sii gudbeyso Daanta Galbeed oo iyagana sidoo kale la barakicin doono sidaa darteed waxaa muhiim ah in dalalka Carabta ay diideen tallaabo kasta oo qorshahaas lagu fududeynayo.
Maxaad ka taqaan dalkan ay muslimiintu ku nool yihiin ee aan lahayn masjid iyo meel laga helo cunto xalaal ah
Boqortooyada Bhutan waa dal xiise leh oo mudan in la booqdo. Dadka socotada ah ayaa waxaa inta badan soo jiita dhaqankiisa u gaarka ah, hiddaha, iyo taariikhda.
Dalka Bhutan waa dal yar oo ku dhaqma nidaamka boqortooyada, kuna yaalla koofurta Aasiya, mana laha dekad ama bad, wuxuuna ku fadhiyaa buuraha Himalaya, isagoo u dhaxeeya Shiinaha iyo Hindiya oo iyadu dhowr dhinac ka xigta.
Dadka ku nool dadkaas ayaa lagu qiyaasaa in ka badan 727,000, sida uu muujinayo tirakoob la sameeyey 2022.
Dadkaas aan halka malyan gaarayn waxay haystaan diimo kala duwan, waxaana tirada ugu badan oo ah 74.7% ay haystaan diinta Buddha.
Haddaba dalkaas laba waxyaabood oo muslimiinta aad muhiim ugu ah ayuusan lahayn, waxayna kala yihiin masaajidda iyo meelaha lagu iibiyo cunnada xalaasha ah.
Dhinaca masaajidda marka laga hadlayo, dalku ma laha masjid, bacdamaa ay dadka haysta Buddha aad uga badan yihiin dadka diimaha kale haysta oo dhan, hase yeeshee waxaa jira qol yar oo Muslimiintu ku tukadaan oo ku yaalla waddo aadda buuraha Himalaya.
Qolka ayaa ku yaalla dhisme afar qayb ka kooban, kaasoo Dadka haysta diimaha Hinduuga, Sikha (siinga-siingaha), masiixiyiinta iyo muslimiintu ay qolaba meel gaar ah ku leedahay. Dadka dalkaas booqday waxay ku sifeeyeen sidii qol ka tirsan hotel, kaasoo dad aan badnayn ay markiiba ku tukan karaan.
Taa waxay keentay in dadka muslinka ah ee dalkaas ku nool oo lagu qiyaasay 0.23% ay guryahooda ku tukadaan salaadaha.
Sidoo kale dalka Bhutan wakhti xaadirkan ma laha meel laga helo cuntada xalaasha ah. Sidoo kale ma laha makhaayado cunnada muslimiinta sameeya.
Laakinse waxaa jira Hoteello iyagu si gaar ah isaga xil saaray in sameeyaan cunno aan muslinka xaaraan ka ahayn, waxaana xusid mudan in dadka dalkaas ku nool ay badankood yihiin dad khudradda aad u cuna oo aan hilibka cunin.
Laakinse dadka waddankaas u dhashay waxay inta badan bisha Ramadanka cunaan cunnooyinka xalaasha ah ee ay iyagu gacantooda ku samaysteen, gaar ahaanna kuwa cuna cunnooyinka beeralaha ka baxa sida khudradda iyo miraha.
Sidaasoo ay tahay waxaa jira xudduudo loo sameeyey diimaha aan ahayn Buddha ee hawlaha faafinta diinta ah samaynaya iyo wadaaddada faafinaya oo aan loo ogolayn inay dalka soo galaan.
Sidoo kale waxaa xaddidaad lagu sameeyey dhisidda goobaha lagu cibaadaysto ee aan ahayn diinta Buddha, iyo sidoo kale xaflafadaha diimeed ee aan ahayn kuwa Buddha.
Ciddii ama hay’addii doonaysa inay dhisto goob lagu cibaadaysto ama ay isu keento dad jamaaco ahaan u cibaadaysanaya waxaa laga doonayaa inay ruqsad ka helaan dawladda, ama ay si asturan oo aan muuqan u cibaadaystaan.