Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ay sheegtay in ganacsiga magaalada Wajaale uu hoos u dhacay, taasina ay saamayn ku yeelatay dhaqaalaha Somaliland.
Dhinaca kalena dhaqaaleyanada Somaliland ayaa iyaguna qaba in hoos u dhaca dhaqaalaha ay raad ku leeyihiin colaadaha ka taagan gobolka iyo duruufo dhaqaale oo ka jira guud ahaan caalamka.
Waa kuma ganacsadaha lagu eedeeyay inuu hub u soo iibiyay al-Shabaab ee la la’yahay?
Warbaahinta gudaha Kenya gaar ahaan Daily Nation ayaa soo tabisay in la la’yahay halka jaan iyo cirib uu dhigay ganacsade lagu magacaabo Zakariya Kamaal Suufi Abashiekh oo horay ugu eedeysnaa inuu hub Shiinaha uga soo iibiyo kooxda al-Shabaab.
Warbaahinta Daily Nation oo soo xiganeysa qoyska Zakariya ayaa sheegtay in Zakariya ay bishan September xireen ciidamo ka tirsan booliska qeybta la dagaallaanka aragagixisada tan iyo markaasna la la’yahay.
Qoyska ayaa sheegay inay wiilkooda ay ka raadiyeen dhowr xarun oo boolis ah balse ay ka soo waayeen, sida ay daabacday warbaahinta Daily Nation.
Waxa ay ahyad in 22-kii bishan September uu ka soo muuqdo maxkamadda oo uu ka ballansanaa.
Waa kuma ganacsadaha lagu eedeeyay inuu Soomaaliya geeyay hub ay al-Shabaab leedahay ee la waayay?
Zakariya ayaa bishii May lagu soo eedeeyay in uu si sharci darro ah qalab ciidan iyo walxaha qarxa ugu raray kooxda al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya balse waxaa markii dambe lagu sii daayay lacag dhan 1 milyan oo Shillinka Kenya ah.
Waxa uu ku dhashay Xaafadda Mjengo ee magaalada Mombasa balse waxa uu ku noolaa magaalada Lamu.
Zakariya Kamaal Suufi Abashiekh ayaa lagu soo oogay dacwad ah in agab ciidan uu Al Shabaab uga soo iiibiyay dalka Shiinaha, uuna ku soo raray saddex konteenar oo laga dejiyay magaalada Muqdisho.
Shiinaha ayaa la sheegay inuu aqoon wanaagsan u leeyahay maaddaamaa uu halkaasi wax ka soo bartay.
Waxaa markaasi la sheegay in mid ka mid ah konteenarrada laga soo saaray hubka halka labada kalena aan la ogeyn halka ay jiraan.
Dhanka kale 18-kii bishii May ayay ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA sheegeen inay gacanta ku dhigeen ‘saanad ciidan oo loo waday al-Shabaab’, kuwaas oo laga soo dejiyay garoonka iyo dekedda Muqdisho, sida uu sheegay wasiiru dowlaha Amniga Maxamed Cali Xagaa.
Lama hubo in isla Zakariyte uu ka dambeeyay arrintaas.
Eedeysanaha ayaa xabsiga laga sii daayay ka dib markii uu muddo bil ah ku jiray, iyadoo baarayaashu ay sii wadeen baaritaanka ku aaddan doorkii uu ku lahaa shixnad militari oo loo soo daabulay Soomaaliya.
Hase yeeshee Zakariya ayaa gaashaanka u daruuray inuu wax xiriir ah la leeyahay kooxda al-Shabaab inkastoo uu qirtay inay jiraan agab uu ka soo dhoofiyo Shiinaha uuna geeyo Soomaaliya balse aysan ahayn waxa ay dowladda soo bandhigtay.
Waxaa la sheegay in shixnadda ay ka koobnayd qalab ciidan oo kala duwan oo ay ku jiraan 5 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah oo awood u leh inay qaadaan 10 litir oo dareere ah oo jooggooda ka sarreeya 500 mitir heerka badda, doorobiinno, marada laga sameeyo dareeska ciidamada, 3000 mitir oo ah marada adag ee laga sameeyo teendhooyinka, muraayadaha cadceedda, 18 xabo oo muraayadaha habeenkii wax lagu duubo, saacadaha basaaska, muraayadaha wax basaasa, muraayadaha dabaasha, 20 toosh iyo baytari iyo koofiyadaha adag ee milatariga.
Dhowaan markii wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliyeed Xasan Culusoow lagu sheegay in Soomalida ku nool wadamada deriska ah ay inoo egyihiin oo luqadda Af Soomaaliga ku hadla aanay heli karin dhlashada Soomaalinamada, ayaa in badan oo Soomaalida ka mid ah waxay sugayeen Jawaabta uu ka bixiyo RW Xamze oo isaga ruuxaddiisa Soomaalinimadiisa sida ay Hawiye Action Group wax u wadaan shaki la geliyey.
Jawaabtii laga sugayey xafiiska Rw Xamze, waxa ka soo hor maray fadeexado isdaba socda oo tii u horaysay ahayd: Dhowaan markii uu Raisul wasaare Xamze la kulmay Madaxweyne Biden, sida Baratakoolku yahayna waxa sawirka wada gala Qoyska madaxweyaha Marakanka iyo Qoyska uu martida ah, haddii uu xaas lahayna keligiis ayaa la kulmay. Hadaba maxaa dhacay
Markii sawirka la gelayey wiil yar oo ka shaqeeya Xafiiska Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa isku soo kakabiyey oo dhinaca dhinaca u saaray Jill Tracy oo ah xaaska madaxweynaha Biden, ahaydna halkii ay istaagi lahayd xaaska ama madaxweynaha Martida ah.
Nimankii fool xumaadaa u keenay Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo la doonayey in lagula xisaab tamo ayaa hadda Muuqaal ay iska soo duubeen waxay ku leeyihiin ‘Gacantii aanu ku salaanay Biden oo ah hogaamiyaha Maraykanka ma doonayno inaan cid kale salaano
In a widely circulated video clip, a member of #Somali delegation at #UN General Assembly cracks jokes saying “I don't want to greet anyone with this hand because I shook hands with President Biden”. pic.twitter.com/FdWjJ5fEn0
Dhinaca kalena, qandaraasle la shaqeeya Maraykanka iyo mid ka mid ah ciidamada Kenya ayaa lagu dhaawacay rasaas ay al-Shabaab ku rideen saldhigga ciidamada Kenya ee Kulbiyow oo gobolka Jubada Hoose ee Soomaaliya, sidaasi waxaa VOA u xaqiijiyey sarkal sare oo ka tirsan gaashaandhigga Maraykanka.
Ururka al-Shabaab ayaa farriin lasoo dhigay barta Telegram ku sheegtay inay weerarkaas ku dhaawaceen afar ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo sagaal ka tirsan ciidamada Kenya.
Sarkaalka u hadlay gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegay inaan weerarkaas lagu dhaawicin ciidamo ka tirsan kuwa Marayanka, isla markaana qandaraaslaha la dhaawacay aanu u baahanin in gargaar caafimaad darteed looga qaado saldhiggaas.
Sidoo kale sarkaalka dhinaca gaashaandhigga ee Maraykan ah ayaa sheegay in ciidamada milatariga Maraykanka ee AFRICOM aysan wax duqayn ah ka gaysan Soomaaliya maalintii Jimacaha ee September 22-keeda. Hadalkan ayaa ka dambeeyey markii ururka al-Shabaab ay ku eedeeyeen AFRICOM inay ka dambeeyeen duqayn la sheegay inay ka dhacay degaan u dhow Buurdhuxunle oo ka tirsan gobolka Gedo.
Duqayntaas ayaa dawladda federaakka Soomaaliya sheegtay in lagu dilay taliye lagu magacaabo Isaaq Cabdullaahi iyo 7 ilaaladiisa ah. Hase yeeshee ururka Al-Shabab ayaa iyaguna dhinacooda sheegtay in duqyantaais ay ku dhinteen 8 qof oo isku qoys ah oo ay ku jiraan carruur, taasi oo aan weli si madaxbannana loo xaqiijin.
Muxuu yahay ninka ka tirsan Daacish ee gaajada ugu dhintay Puntland?
Sida lagu daabacay barta Facebook ga ee ciidamada booliska Puntland, ninkaan ayaa lagu magacaabaa Mohamed Saalim Mohamed, kaas oo dhalo ahaan la sheegay inuu ka soo jeedo waddanka Yeman.
Boolisku waxay sheegeen in ninkaan uu ka yimid goobaha ay ku dhuumaaleystaan xubnaha kooxda oo ay ku jiraan dhulka buuraleyda ah, balse aysan hubin inuu doonayay inuu ka baxsado kooxda iyo in kale.
Sidoo kale waxay boolisku xogtaan raaciyeen inuu jiray nin Soomaali oo ay wada socdeen Mohamed, kaas oo ay laamaha ammaanka ee Puntland baadigoobayeen. Ma aysan sheegan magaca ninka Soomaaliga ah iyo halka uu ku dambeeyo haatan intaba.
Sababta uu u dhintay xubinta ka tirsan Daacish ayay boolisku ku sheegeen gaajo iyo harraad.XAYEYSIINhttps://0a0c499bd084aa2a71bb4c67adaf6fc7.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html
Maydkiisa ayay sheegeen boolisku in ay ka heleen meel u dhaw deegaanka Dhudub oo ku yaalla gobolka Karkaar ee Puntland.
Maydka ninkaan ayay sheegeen inay heleen labadii bishaan aan ku jirno ee Septemper.
Sawirkaan ninkaan ayay boolisku baahiyeen, inkasta oo aysan sheegin halka ay ka heleen.
Daacish iyo Puntland
Ururka Daacish ayaa Soomaaliya howlgalladii ugu horreysay ka billaawday 2015-kii iyada oo ururka uu markii ugu horreysay uu ka soo muuqday buuraha Gobolka bari, waana aasaaska Daacish loo sababeeyaa inuu ku yimid kala jabkii ku yimid garabkii Al-Shabaab ee ka dagaallamayey Putland.
Ciidamada Puntland iyo ururka Daacish ayaa xilligaas wixii ka dambeeyay marar foodda isku daray goobaha ay ku sugan yihiin, iyada oo Puntland sheegtay marar badan inay ka dishay dagaal yahanno badan.
Balse saameynta ururkaan waxay korartay kadib markii snadihii la soo dhaafay ay bilaabeen qadista lacago baad ah, iyagoo inta badan shirkadaha kala duwan ee ganacsiga ka qaatay lacago baad ah, halka markii hore ay dhaqaale ka heli jireen oo kaliyah Daacishta kale ee ka dagaalanta dalalka carbeed.
Bishii August 2018-kii warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warantay in Daacish ay billaawday iney canshuur ka uruuriso ganacsatada maagalada Boosaaso iyo bulshooyinka kale ee ku nool deegaannada kale ee Puntland ka hor inta aysan lacag arruurinta ku fidinin magaalada Muqdisho.
Dhanka kale Puntland ayaa iyana sheegtay inay beegsadeen hugaamiyaal muhiim u ah urarka.
Bilowgii sanadkaan aan ku jirno ee 2023 ka, taliska Booliiska Puntland ayaa sheegay in weerar ka dhacay degmada Balidhidhin ee gobolka Bari lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda Daacish oo lagu magacaabi jiray Abu-Albara Al Amani.
War qoraal ah oo kasoo baxay ciidanka Booliiska Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka ay ka hortageen weerar ay kooxda Daacish ay kuso qaaday Saldhiga deegaanka Balidhidhin, islamarkaana ciidanka ay ku dileen Madaxii hawlgalada kooxdaasi.
Sidoo kale isla bilowgii sanadkaan, Mareykanka ayaa sheegay in ciidamadiisa sida gaarka ah u tababaran ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee Soomaaliya, isaga iyo toban ka mid ah kooxda.
Ninkaan oo muddo la doondoonayay oo lagu magacaabo Bilaal Al-Sudani ayaa lagu eedeeyay in uu ahaa shaqsi muhiim u ah maalgelinta iyo ballaarinta kooxda Islaamiga ah ee ka dagaalanta Afrika iyo meelo ka baxsan.
Saraakiisha ayaa sheegay in lagu dilay israsaaseyn kaddib markii ay ciidamadu weerareen god ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee waqooyiga Soomaaliya, iyagoo rajeynaya inay gacanta ku soo dhigaan.
Amar uu bixiyay Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden, ayaa ciidamo gaar ah waxa ay Arbacadii weerar ku qaadeen deegaan ka tirsan buuraha Calmis ee ku yaalla gobolka Bari.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo khudbad ka jeediyay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta khudbad dheer oo muhiim ah ka jeediyay kalfadhiga 78aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka hadlay horumarka dowladda Soomaaliya ay gaartay dagaalka ay kula jirto kooxaha Khawaarijta oo u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay 45% inay xoreyso deegaannadii ay shacabka ku dhibaateynayeen, waxaa kale oo uu ku dheeraaday dadaalka ay dowladdu gelisay arrimaha horumarinta bulshada.
Mudane Xamsa ayaa codsaday in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka qaado cunaqabateynta mudada 30-ka sano ka badan saarneyd Soomaaliya, si dalkeenu uga guuleysto argagixisada, isla markaana ciidanka qaranka ay ula wareegaan guud ahaan ammaanka dalka.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dhibbane u tahay saameynta isbeddelka cimilada, oo dalkeena ay ka dhaceen abbaaro is dabajoog ah iyo fatahaado, isla markaana ay codsaneyso Soomaaliya in gacan la siiyo xal u helidda dhibaatooyinka ka dhasha qaaca hawada lagu sii daayo iyo isbeddelka cimilada.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku baaqay dib u habeyn lagu sameeyo hey’adaha caalamiga ee adduunka oo ay ugu horreyso Qaramada Midoobay, Bangiyada Horumarinta iyo Nidaamka Guud ee Dhaqaalaha Adduunka, si loo helo buu yiri
Hamza Abdi Barre, Prime Minister of the Federal Republic of Somalia, addresses the general debate of the General Assembly’s seventy-eighth session.
RW Xamse oo la kulmay Madaxweyne Biden iyo Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay madax sarsare oo ay ka mid yihiin, Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, Wasiirka arrimaha debedda ee Imaaraadka Carabta iyo madax kale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlay madaxweyne Joe Biden sidii dowladda Mareykanku ay u sii xoojin lahayd taageerada dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta, qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si ciidamadeena qaranku ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka.
Waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa barnaamijka deyn cafinta ee gabagabada maraya si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo gaarta horumar iyo isku filnaansho dhaqaale.
Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa dhinacooda ka wada hadlay xoojinta iyo wada-shaqaynta u dhexeysa hey’adaha Qarmada Midoobay iyo Soomaaliya, iyaga oo si gaar iskula soo qaaday sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah sida amniga, nabadda, horumarinta, isbeddelka cimillada iyo hiigsiga yoolasha horumarka waara.
Ra’iisal wasaare Xamse oo la kulmay wasiirka arrimaha debedda ee UAE
Sida lagu faahfaahiyey warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya, ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa kala hadlay wasiirka arrimaha debedda ee isu-tagga imaaraadka carabta sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac.