26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay Saddex Xeer

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta sixiixay Xeerar Saddex ah, kuwaa oo kala ah:-

1. Xeerka Hay’adda Waddooyinka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska Jubbaland.

2. Xeerka Sharciga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah oo ay soo gudbisay Wasaarada Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah ee dowlad goboleedka Jubbaland  iyo

3. Xeerka Ilaalinta iyo Maareeynta Deegaanka oo ay soo gudbisay Wasaarada Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada.

Golaha Wakiilada iyo Xukuumadda Maamulka Jubbaland ayaa dhawaan meel mariyay xeerarkaan uu maanta saxiixay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*