Nin lagu waayey 20 sano ka hor meel tareenka laga raaco oo ay dadku ku naxeen markii uu dib u soo muuqday

Nin lagu waayey 20 sano ka hor meel tareenka laga raaco oo ay dadku ku naxeen markii uu dib u soo muuqday

Muddo ku dhow labaatan sano ka hor, ayuu Koneru Apparao oo ah nin u dhashay dalka Hindiya tareen ka raacay meel u dhow xadka Gobollada Pradesh iyo Odisha isaga oo ku sii jeeda Magaalada Puducherry ee dalka Hindiya, si uu halkaas shaqo uga raadsado.

Koneru Apparao waxa uu xilligaas ku jiray da’da afartan jirka, waxaanu tareenkii la istaagay Istaan ama boosteejo laga raaco tareennada oo ku taala Degmada Sivaganga ee Gobolka Tamil Nadu ee Koonfurta Hindiya, ka dib wuu ka degay, si u shaah doonto.

Apparao markii uu ka soo laabtay Shaaha, waxa uu mar kale fuulay tareenkii, waxa tareenka dhexdiisa ay iska heleen nin, kaas oo taageero u fidiyey Apparao.

Koneru Apparao, waxa uu u gacan galay ninkan tareenka dhexdiisa iska heleen, kaas oo ka dhigtay shaqaale khasab ugu shaqeeya oo xoolaha u raaca muddo labaatan sanno ah.

Ciidanka booliska ayaa gacanta ku dhigay Annadurai, oo ah ninka shaqaalaha khasabka ah ka dhigtay Apparao, muddo labaatan sanno ah bilaa mushahar ugu shaqaynayey.

BBC-da qaybteeda Luuqda telugu ee Hindiya ayaa ka caawisay Apparao in ay la raadiso qoyskiisa, maadaama aanu si fiican uga hadli karin luuqdiisa Telugu.

Qofkan muddada labatanka sanno ah ka dhigtay Apparao inuu si bilaasha ugu shaqaynayo, isaga oo aan siin wax mushahar ah, ayaa ahaa dadka adoonsada shaqaalaha.

Sidee buu Apparao uga soo badbaaday adoonsigii shaqo ee loo haystay labataanka sano?

Hawlgal ay sameeyaan Waaxda shaqaalaha ee Gobolka Tamil Nadu ee Hindiya oo ka dhan ahaa shaqaalaha la adoonsado, ee sifaha sharci darada ah loogu shaqayso, ayaa lagu soo badbaadiyey Koneru Apparao, ka dib muddo labaatan sano ah oo adoonsi shaqo lagu hayey.

Ka dib badbaadinta Koneru Apparao, waxa ay imika da’diisu tahay Lixdan sano, labaatan sanno oo ka mid ah cimrigiisa wuxuu ku qaatay xoolaha uu u raaco nin shaqaale khasab ah u haystay, muddadan waxa uu ilaabay afkiisii hooyo ee Telugu, waxaanu ku hadlaa luqad u eg midda Tamilka oo ah mid lagaga hadlayey Gobolkan uu xoolaha ku raaci jiray, inkasta oo uu dhib ku qabo inuu si wacan ugu hadlo.

‘Mulkiilaha wuxuu i siiyey seddexda wakhti cunto maalintiiba, laakiin ima siin jirin wax mushahar ah” ayuu Apparao u sheegay BBC.

Koneru Apparao waxa uu imika ku nool yahay guri dadka waayeelka lagu hayo ee ku yaal degmada Sivaganga ee gobolka Tamil Nadu, iyada oo Mas’uuliyiinta Tamil Nadu iyo Andhra Pradesh ay ku dedaalayaan sidii Apparao u heli lahaa qoyskiisa.

Markii la isku dayey Koneru Apparao in la baadi goobo meesha uu ku dhashay ee uu ka soo jeedo, waxa uu sheegtay deegaanno ay ka mid yihiin Tuulada Jammidivalasa ee degmada Parvatipuram, Jammadvalsa, Odisha iyo Jangi Diwalsa, oo ah dhamaantood degmooyin ku yaala dalka Hindiya.

BBC-da ayaa booqatay meelaha kala duwan ee uu sheegtay inuu ka soo jeedo Koneru Apparao, si ay u helaan qoyskiisa.

Sidoo kale, Mas’uuliyiinta Deegaanka Tamil Nadu iyo Andhra Pradesh, ururada bulshada, ururada qabiilka, NGO-yada, iyo kooxaha warbaahinta bulshada ayaa sidoo kale ka qayb qaadanayey raadinta qoyska Apparao.

BBC-da oo qayb ka ahayd raadinta qoyska Apparao waxay tageen deegaanka Jammidivalsa ee degmada Parvatipuram, oo ka mid ahaa meelaha uu sheegay in uu ka soo jeedo dhalasho ahaan, waxaana sawirka Apparao lala wadaagay oo la tusay dadka deegaanka, iyaga oo laga codsanayey inay aqoonsadaan sawirka Apparao.

Qof ka mid ah dadka Jammidivalsa ayaa u sheegay BBC “Ma garanayno ninkan tuuladayada kuma arag, laakiin tuulada ee degmada Koraput ee Odisha, oo ku jirta qiyaastii 30 kiiloomitir halkaas ka raadinaya waad ka heli kartaan”.

Sidoo kale, deeganka Jammidavalsa ee degmada Parvatipuram ayaa laga raadiyey qoyska Koneru Apparao, balse halkaas lagama helin cid garata.

Sidoo kale, Jangidiwalsa ayaa laga raadiyey qoyska Koneru Apparao, halkaas waa laga waayey cid aqoonsata sawirkiisa.

Waxa sababay baadi doon madaama oo aanu si fiican u xasuusan meesha uu ku dhashay iyo halka uu qoyskiisu degan yahay.

Apparao

Sidee Apparao uga soo badbaaday shaqo Adoonsigii uu ku jiray muddada

Masuuliyiinta waaxda daryeelka shaqaalaha ayaa waxa ay baaritaankoodii caadiga ahaa ku tageen degmada Kadambankulam ee deegaanka Sivaganga, waxay halkaas ka heleen Apparao oo Adhi daaqaya la jooga.

Ka dib markii la waraystay, saraakiishu waxay ogaadeen in Apparao uu asal ahaan ka soo jeedo Gobolka Andhra Pradesh ee Hindiya. Wuxuu halkan ku jiray in ka badan labaatan sano. Loomana oggolaan inuu gurigiisa ku noqdo.

Markii ay arkeen xaaladda Apparao, Waaxda Daryeelka Shaqaalaha waxay u dirtay guri dadka waayeelka ah lagu hayo.

Apparao ayaa u sheegay in qofkii haystay aanu u oggolaan inuu gurigiisa ku laabto, isaga oo yidhi “Waxay ii siiyeen cunto seddex goor maalintii, dhar, laakiin mushahar la ima siin jirin. Ma garanayn sida aan uga bixi lahaa halkan. Halkan cidna kuma caawin, sidaas darteed waan iska joogay”.

Apparao

Sidee dadku isugu dayeen in ay u helaan qoyskii Apparao

Ajay Kumar oo ah nin u dhaqdhaqaaqa xuquuqda qabiilada, ayaa u sheegay BBC-da “Markii uu isku dayo inuu wax xasuusto, wuxuu dhib ku qabaa inuu si cad u hadlo. Sidoo kale waxay u muuqataa inuu gebi ahaanba illoobay afka Telugu. Wuxuu ku hadlaa Tamil laakiin si cad uma hadlo.’

BBC waxay baadhitaan ku samaysay dhammaan meelaha uu xusay, laakiin qoyska lama helin.

Si kastaba ha ahaatee, meesha uu Apparao ku noolaa muddo labaatan sano ah waxay ku taallaa Tamil Nadu. Dhammaan meelaha uu sheegay inuu tuuladiisa yahayna waxay aad uga fog yihiin meeshaas.”

Apparao oo la helay walaalkii

Sida uu BBC-da u sheegay duqa degmada Parvatipuram, ka dib muddo la raadinayey qoyska Koneru Apparao, aakhirkii waa la helay

Wuxuu sheegay in kadib markii uu arkay wararka ku saabsan Apparao ee ka baxay BBC-da laanta Telugu, ayaa qof ayaa la xiriiray, isaga oo sheegtay inuu yahay walaalka yar ee Apparao.

Duqa Shyam Prasad wuxuu u sheegay weriyaha BBC “Qof ayaa ii soo garaacay, wuxuuna yiri Koneru Apparao waa walaalkay”.

Sida uu sheegay “Qof magaciisu yahay Krishna, oo ku nool degmada Koraput ee Odisha, ayaa telefoonka kula soo xiriiray ka dib markii uu daawaday wararka BBC, waxayna naftiisa u soo bandhigay inuu yahay walaalka Koneru Apparao. Laakiin Krishna wuxuu sheegay in magacii walaalkii aanu ahayn Koneru Apparao laakiin uu yahay Kondagori Sukhkha, oo deggan tuulada Jubu ee degmada Koraput.”

Duqa Shyam Prasad wuxuu BBC-da u sheegay inuu Koneru Apparao ka qaadi doono Tamil Nadu una qaadi doono Odisha.

Dadaal weyn ayey sameeyeen hay’addaha iyo ururro si loo helo xubnaha qoyska iyo ehelada Koneru Apparao.

Ajay Kumar, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha qabiilada, ayaa sheekada Apparao ku soo daabacay warbaahinta bulshada ee deegaanka. ‘Wuxuu daajinayey adhi, isagoo aan wax mushahar ah helin, ma ahayn hal ama labo sano laakiin muddo 20 sano ah ayuu sidaas ahaa”.

π—πŽπŽπ‰πˆππ“π€ 𝐃𝐀𝐃𝐀𝐀𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐍𝐀𝐁𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃 – πƒπˆπ‘πˆπ‘π“π€ πƒπŽπŽπ—π€πƒπ€ 𝐃𝐔𝐑𝐄𝐄𝐑𝐀.

π—πŽπŽπ‰πˆππ“π€ 𝐃𝐀𝐃𝐀𝐀𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐍𝐀𝐁𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃 – πƒπˆπ‘πˆπ‘π“π€ πƒπŽπŽπ—π€πƒπ€ 𝐃𝐔𝐑𝐄𝐄𝐑𝐀.

Garoonka Shuhaadada

Boosaaso : 13 March 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa caawa kulan la qaatay dhallinyarada Gobolka Bari, Dhallinyarada ayaa Madaxweynaha iyo Dowladdaba u muujiyey siday u garab taaganyihiin Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland (Hillaac).

Maleeshiyaad Muqdisho ka mushahaar qaata ayaa laga qoray Puntland

Dhabta kharaari waa in intii dagaalka ka dhanka ah Daacish socday, meeshii tageero laga dhawraayey Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uu ku abaal mariyey masuuliin ka soo Puntland oo isagu magacaabay, saaxiibna la ah, oo meleyshiyaad beeleed urursaday in uu Biometric ga ciidanka

Cal Miskaad Ciidanka Qaranka ayaa ka dagaalmaya

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa wareysi gaar ah uu siiyay BBCda uga hadlay qoddobo dhowr ah oo ku aadan amniga dalka oo ay ka mid yihiin dagaalka lagula jiro Alshabaab, Duqeymaha cirka ah ee ay dowladdu ka geeysato goobaha ay Alshabaab kula dagaallanto iyo arimo kale.

Wasiirka oo ka hadlay deegaanada uu hadda uu dagaalku ka socdo ayaa sheegay in dagaalku uu ku bilowday in Alshabaab la geliyay cunaqabateyn adag taas oo keentay in saanaddii iyo adeegyadii kale ee ay u baahnaayeen in laga cunaqabateeyay, taasina ay kaliftay buu yiri in ay jid furtaan si Alshabaabka Bariga Webiga Shabeelle jooga iyo kuwa Galbeedka Webiga jooga ay iskugu furmaan.