Dhinac u Xaglinta VOA iyo BBC

Idaacadaha BBC iyo VOA ee afka Soomaaliga ayaa doorashada ay qabsadeen beesha Isaaq waqti badan gelliyey, waxa ay wareesanayeen wariyayaal, siyaasiyiinta beeshaas iyo shaqsiyaad ku suggan dhulka ay beeshaasi degto.

Hadaba, labadan idaacadood ayaan dhex-dhexaad ka noqon sida ay wax u dhaceen, waxa ayna u dhaqmayeen kuwo u sameenayey xayeeysiis ku saabsan doorashada beeshaas ay qabsadeen.

Wax doorasho ah kama dhaci dhulka ay degaan Warsangeliga, mana jirto doorsho ka dhacday meelo badan oo ka mid ah gobolka Sool oo ay ku jiraan Taleex iyo Buuhoodle, balse waxaa jira dad u dhashay beesha Isaaq oo deggan magaalada Laascaanood oo iyagu doorashada u galay safaf dhaadheer.

Idaacadaha VOA iyo BBC waxeey sheegeen in magaalada Badhan iyo Taleex ay doorasho ka dhaceen. Warkaas ayaa ahaa been abuur aad u weeyn. Taleex waxaa ku sugan ciidanka Puntland, meesha Badhana uu joogay Wasiirka Amniga Puntland Ahmed Cabdullaahi.

Idaacadaha BBC waxeey wareesatay nin ay ku sheegtay inuu yahay guddoomiyaha gobolla Sanaag Ahmed Cabdi Fly oo sheegay in doorasho ay ka dhacday meel kasta oo ka mid ah dhulka Warsangeliga warkaas oo ahaa been aad u weeyn.

Idaacadaha BBC iyo VOA lama xiriirin dhinaca Puntland si ay wax ugga oggaadaan in deegaanadaas ay doorasho ka dhaceen iyo in kalle. BBCda qeebaheeda subaxnimo, duhurnimo, galabnimo, iyo habeenimo waxa kalliya ay Puntland ka siiyeen wax ka yar 5 daqiiqo oo ay makarafoon la dhaxmareen dad fakirkooda ka dhiibanayey  doorashada beesha Isaaq kuwaas oo ku suggnaa magaalada Garoowe.

VOA iyadu gabi ahaanba afarteeda idaacadood ee baxay shalay ay gebi ahaanba siiyeen doorashada maamulka Hargeeysa.

Hadaba, Maamulka Puntland ayeey tahay ineey dib u eegid ku sameeyaan idaacadahan dagaalka qabiil ku jira ee aan dhexdhexaadka ka aheen arrimah dalka Soomaaliya maadaama ay Soomaali oo dhan ku magacaaban yihiin.

Allsanaag.com

Maanta yaa guulaystay yaase fashilmay?

Doorashadii ay balan qaadeen maamulka SNM inay ka dhici doonto  gobolada Sool iyo  Sanaag oo aan qabsoomin . Yaa guushu raacday yaase fashilmay.

Doorashadii maanta qabsoomi wayday ee  la doonayey in lagu dhantaalo ama lagu wiiqo  qaranimada iyo midnimada Soomaaliya, waxa ku fashilmay oo ceebi ka raacday

1- Maamulka Beelaha  Isaaq ee SNM,   oo doonayey inay Caalamka tusaan iyaga oo marin habaabinaya  in iyagu ka taliyaan gobolada Sanaag iyo Sool, hase ahaatee  ku fashilmay arintaas, ka dib markii Caalamku arkeen Shacab aan hubaysnayn oo Mudaharaadaya iyaga oo  diidan in Soomaaliya lakala  qaybiyo iyo Ciidan Tikniko wata oo leh khasab ku codeeya . Sidaas ayaa maamulka beelaha Isaaq ku qaateen fashilka kowaad

2- Madaxda dawladda federaalka Soomaaliya,  oo loo doortay inay ilaaliyaan Qaranimada Soomaaliya  oo ka aamusay ama dhex dhexaad ka noqday Maleeshiyaad hubaysan oo shacab Soomaaliyeed oo jecel midnimada Soomaaliya ku khasbaya inay xoog ku codeeyaan si ay Soomaali inteeda kale uga go’aan . Ayaa iyaguna qaatay fashilka labaad. Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, waa loo garaabayaa aamusnaantiisa,  sababtoo ah  haddii uu ka hadli lahaa arintan  kooxdii Xamar joogta oo oo ka daba shaqaysan oo halka  Beel u badan  ayaa ka daba qaadan lahaa, iyaga oo leh  waa Qabiilayste

3- Suldaanka Beesha Warsangeli iyo Amiin caamir oo u ololeenayey mid ka mid ah madaxda SNM, kuwooda dhiig yacabka ah  oo aan haba yaraatee   codad ka helin gobolka Sanaag . Mataanahan Muuse Biixi taageersanaa iyaguna waxay noqdeen fashilka sadexaad

4= Marabidii oo  markii horba fashil ahaa iyaguna  waa sii  faasideen.

5- Reer Muqdisho ama siyaasiyiinta  Hawiye  oo aaminsanaa in Daarood laka qaybin karo iyaguna waa fashilmeen maanta

6 Warbaahintii VOA Somali iyo BBC Somali oo sugayey Safaf dhaadheer oo looga gelayo doorashada SNM Gobolada Sanaag iyo Sool iyaguna waa fashilmeen

7- Faysal Cali waraabe oo la sugayey inuu ciidan beeshiisa  Ciidagale ah oo qabsada Sanaag iyo Sool keeno goboladaas . Isagun a waa fashilmay oo halkii ayuu nacnacdii ka sii wadi doonaa uu tamarta mooday

Hadaba maanta yaa guulaystay oo Allah guusha siiyey

1- Shacabka ku nool gobolada Sanaag iyo Sool,  oo mudaharaadyo  iyo banaan baxyo sababay in goboladaas ayna ka qabsoomin  doorashadii  Maamulka SNM ay ku doonayeen in Soomaaliya lagu kala  gooyo, ayaa guushii kowaad raacday . taariikhduna waa xusi doontaa

Guusha labaad waxay raacday

Ururka Sanaag Sool iyo Bari,   (SSB),  ayaa kaalin weyn ka qaatay guushii maanta, ka dib markii ay wacyi  gelin badan ka sameeyeen bulshada ku nool  gobolada ay metelaan . Sidoo kalena ay xiriiro badan la sameeyeen madaxda maamulka Puntland oo ay ka tirsan yihiin, iyaga oo ka dhaadhiciyey in laga hortago sanaadiiqda SNM

Dawladda Puntland, Ciidamada Puntland, madaxweynaha Puntland, ku xigeenkiisa , Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland,  Xildhibaanada Puntland iyo  shacabka Puntland ayaa lahaa guusha cabsi gelisay jabhadda SNM inay maanta foodda soo saari waayaan Badhan iyo Dhahar

Warbaahinta Puntland ayaa   qayb libaax ka qaadatay difaaca gobolada Sanaag iyo Sool iyo guushii maata . Sida Puntland TV, Puntlandi, Puntlandes, Shacabka news, Allidamaale, Puntland Observer IWM

 

Ugu danbayntii koobka guusha oo aan cidina  la wadaagin waxa qaatay oo Bahda ALLSNAAG u aqoonsaden Wasiirka amniga Puntland  Cabdulaahi Yuusuf Dawlad, oo halkii uu socdaalkiisa ka bilaabi lahaa degmada Dhahar ee gobolka hayland   ka bilaabay degmada Badhan ee gobolka Sanaag,  waa buug cusub iyo astaamaha  Hogaamiyha daacada ah ah oo Bulshada reer Maakhir muddo badan raadinayeen

ALLSANAAG.COM

Rasaas Ka Dhacday Koonfurta Laascaanood Iyo SNM-ta Oo Xanibaad Saartay Shabakadda Daldoon

Warbahintii gobolka Sool,  qaybtooda xalaasha ahayd ee ka shaqayn jirtay midnimada beelaha  Dhulbahante ayaa Somtel oo xaaraan ku joogta Laascaanood xanibaad saartay

Ilaaladda horgal Gargaar oo maamulka somaliland ugu magacaaban wasiiru dawlaha nabadaynta gobolada bari ayaa rasaas xoogan ku furay dad ku qeylinayay Dhiigya Cab muuse dooni mayno

Goob-joogayaal ku sugan koonfurta magaalada laascaanood ayaa sheegaya inay hadda degantahay inkastoo markii hore ay dadka deegaankaasi ka caroodeen falka foosha xun ee uu ku kacay

dhinaca kalena Internedka Shirkadda Somtel oo ah shirkad hoos tagta DAHABSHIIL ayaa xanibaad ku samaysay dhanka booqashada shabakadda daldoon taasoo noqonaysa xad-gudub iyo awood sheegasho dhanka internedka ku hayso degaanada Khaatumo

Shabakadda daldoon oo si weyn gudaha degaanada khaatumo looga akhristo ayaa saaran xanibaad ay cadaysay in aan la booqan karin oo la joojiyay shabakada daldoon

https://allsanaag.com/dahabshiil-iyo-somtel-oo-xaaraan-ku-jooga-maakhir/

 

Warbahintii gobolka Sool,  qaybtooda xalaasha ahayd ee ka shaqayn jirtay midnimada beelaha Dhulbahante ayaa Somtel oo xaaraan ku joogta Laascaanood xanibaad ku soo rogtay

Ilaaladda horgal Gargaar oo maamulka somaliland ugu magacaaban wasiiru dawlaha nabadaynta gobolada bari ayaa rasaas xoogan ku furay dad ku qeylinayay Dhiigya Cab muuse dooni mayno

Goob-joogayaal ku sugan koonfurta magaalada laascaanood ayaa sheegaya inay hadda degantahay inkastoo markii hore ay dadka deegaankaasi ka caroodeen falka foosha xun ee uu ku kacay

dhinaca kalena Internedka Shirkadda Somtel oo ah shirkad hoos tagta DAHABSHIIL ayaa xanibaad ku samaysay dhanka booqashada shabakadda daldoon taasoo noqonaysa xad-gudub iyo awood sheegasho dhanka internedka ku hayso degaanada Khaatumo

Shabakadda daldoon oo si weyn gudaha degaanada khaatumo looga akhristo ayaa saaran xanibaad ay cadaysay in aan la booqan karin oo la joojiyay shabakada daldoon

Hasayeeshee uma hakinayso hawlaha ay u hayso dhanka shacabka khaatumo halka hoose eeg dhaqan xumada shirkada Somtel oo leh shabakadda Lama Ogala

 

Wefti ka Socda Dawladda Puntland oo Gaadhey Magaalada Xingalool.

Wefti ka Socda Dawladda Puntland oo Gaadhey Magaalada Xingalool.

Wefti kasocda dawladda Puntland ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 13 Nov 2017 gaarey magaalada Xingalool ee gobolka Haylaan, halkaasi oo ay shacabka magaaladaasi kala qayb galeen banaanbaxyo lagu tageerayo dawladda Puntland iyo kuwo looga soo horjeedo maamulka Soomaliland.

Weftigan gaadhey magaalada Xingalool ee goblka Hayland ayaa waxaa hogaaminayey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland  Sucaad Saalax Xaaji Nuur iyo Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta,Wacyi-galinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.

Banaabaxa ka dhacay degmada Xingalool ee gobolka Hayland ayaa waxaa sidoo kale shacabka Magaaladaasi kala qayb galay Guddoomiyaha gobolka Hayland iyo taliyayaasha booliiska ee goboladda Sanaag iyo Hayland.

Dadka banaanbaxayay oo lulayay calamada Dowladda Fedaraalka Soomaaliyeed iyo calanka dawladda Puntland ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen ereyo shucuuri ku dheehan tahay kuwaas oo ay  kaga soo horjeedaan doorasho kusheegga khasabka ah ee maamulka Soomaaliland, isla markaana waxa ay muujiyeen taageeradooda ku adaan dawladda Puntland, waxana ay ku wareejiyeen masuuliyiinta dawladda Puntland ee kala qayb gashay banaanbaxani  kaararka codaynta doorashada maamulka Soomaaliland oo hore loo siiyay.

Sidoo kale magaalooyinka Hadaaftimoiyo Ceelbu ee gobolka sanaag ayaa waxaa maanta ka dhacay banaanbaxyo  ballaadhan oo looga soo horjeedo metelaadda doorasho ee ka dhacaysa maamulka Soomaaliland, waxaana ka qaybgalay kumanaan kun oo qof kuwaas oo aaminsan qadiyaddooda Soomaalinimo iyo tan Puntland-nimo kana soo horjeeda faragelinta qaawan ee maamulkaasi Soomaaliland.

Guddoomiyaha Gobolka Hayland Maxamed Cawil Cabdullaahi oo la hadlay banaanbaxayaasha magaalada Xingalool ayaa  waxa uu sheegay in ay ka hortageen kooxo doonayay inay si qarsoodi ah doorashada uga dhacdo degmooyinka gobolka, isagoo tilmaamay in dhammaan degmooyinka gobolka Hayland aysan ka dhicin wax doorasho ah.

Sidoo kale Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland  Sucaad Saalax Xaaji Nuur ayaa waxay sheegtay in shacabka magaalada Xigalool ay muujiyeen dareenkooda iyo sida aysan raali uga ahayn doorashada maamulka Soomaaliland oo ay ku tilmaamtay mid khasab ah, oo aysan dadku raali ka ahayn

“Waxaan idiinku hambalyaynayaa sida aad u diideen sanaadiiqdii la idiin keenay oo la doonaayey inaad khasab ku codaysaan, dad aan idiin tirsanayn oo degaankiina u yaqaan magac cuyaal ayaad maanta u muujiseen dareenkiina iyo qadiyaddiina waddaninimo,” ayay tiri Wasiir Sucaad.

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta,Wacyi-galinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa goobta banaanbaxa ku soo bandhigay kaararkii codaynta ee doorashada Somaliland, kuwaas oo ay ku wareejiyeen Shacabka Magaaladaasi,  waxaana uu fariin u diray Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, isagoona sheegay in shacabka reer Sanaag iyo Hayland yihiin dad leh qadiyad, tariikh soo jireen ah, mid geesinimo oo ay iskaga dhiciyaan cadawgooda sida ay horeba taariikhdu u qortay, Isla markaana waxa u nasiib daro ku tilmaamay in Muuse Biixi sheegto waanu hayn oo ah inuu yahay nin talin jiriy, waxaana uu u cadeeyey muumulka Soomaaliland in ay shacabka labadaasi gobol hore iyo haatanba ka tashteen doorashadooda beenta ah ee lagu majara habaabinayo beesha caalamka iyo shacabka rayid ka ah ee maamulkaasi.

 

Wasiirka Amniga Dawladda Puntland Iyo Wefti Uu Hogaaminayo oo Lagu Soo dhoweeyey Dhahar.

Wasiirka Amniga Dawladda Puntland Iyo Wefti  Uu Hogaaminayo  oo Lagu Soo dhoweeyey Dhahar.

Wasiirka Amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf iyo wafti balaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta 13 Nov 2017 kormeer shaqo ku tegey magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhoween shacabka magaaladaasi.

Wasiirka Amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland ayaa waxaa safarka ku wehelinaayey Wasiiru dowlaha Xanaanada xoolaha, Wasiir Ku-xigeenka Duulista Hawada iyo garoomada Puntland, Agaasimaha Xafiiska, Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland, taliyayaasha ciidamada Booliiska  iyo Daraawiishta ee gobolada Sagaag iyo Hayland. Waxaana banaanka magaaladda ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha gobolka Hayland, Duqa Degmada, Isimada iyo cuqaasha gobolka, ururada Haweenka iyo dhalinyarada iyo guud ahaan shacabka degmadda Dhahar.

Wasiirka Amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf [Dawlad]ayaa uga mahad naqay shacabka magaaladaasi soo dhoweynta wanaagsan ee ay kusoo dhoweeyeen isaga iyo weftigiisa, waxaana uu sheegay Wasiirku inay kormeer shaqo u joogeen maamumihii u dan beeyey gobolada Sanaag iyo Hayland, isla markaana waxa uu xusay in aan aduunka lagu arag shacab sheegta shacab kale inay mamaulaan taasina ay tahay nasiib daro iyo aqoon la’aan haysa maamulka Soomaliland.

 “Dhaqan wanaagsan baynu lahaan jirney haddaynu nahay Soomaali, waynu wada degenaan jirney saynu ahayn, waxaa yimi in lays yiraahdo xoog halaysku muquuriyo taas oo lagu doonanayo risiq iyo dawladdnimo, doorashadu sharci bay leedahay qofku isagoo xora ayuu wax doortaa, nin xabad madaxa lagaga hayo ama laluush baalagu siinayaa laleeyahay ee halkaasi ku rid, taasi doorasho ma aha, shacabka gobolada Sanaag iyo Hayland waxay na tuseen oo cadeeyeen inay yihiin dad Soomaali ah, tanlabaadna ay yihiin dad Puntland ah oo aaminsan mid nimadooda iyo waxay aaminsan yihiin” ayuu yiri Wasiirku.

Agaasimaha Xafiiska, Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa dhankiisa farin adag u diray Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye isagoona sheegay in shacabka reer Puntland yihiin dad tariikhda baal dahaba kaga jira lahaana tariikh soo jireena oo ku qotonta geesinimo, kala danbayn maamul iyo mid qadiyaddeedba, waxaana uu xusay in Puntland weligeed maamul ahaan iyo awood ahaanba korjoogtayn jirtey gobolada awqooyi ee Soomaaliya.

“Shacabka Magaalada Dhahar waxaan dhammaantiin indiinka mahad naqayaa sida wanaagsan ee sharaftale ee kal kiyo laabtale ee aad usoo dhowayseen weftiga uu hogaminayo Wasiirkeena Amniga iyo DDR-ka oo anigana aan xubin ka ahay, waxaan soo marnay Xingalool dibadbaxyo ayay wadeen wax doorasho kusheeggii Soomaalilandna kama jirin dhammaan degaanadaasi hoosyimaadda Xingalool” ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashii yuusuf Jibriil

”Waxaan idiinku bishaaraynayaa kaadhadhkii uu Muuse Biixi ugu tala galay in codka lagu siiyo shacabka ayaa iyagoo xor ah keenay oo kusoo warejiyey weftiga dawladda Puntland, Muuse Biixi waxa uu yiri ‘ inaan ka adkaan jirey Puntland awoowayaashood ha waydiiyeen’ hal kelmed ayaan odhanayaa Muuse kaadhkii aad codka ku dooneysey waakan aniga gacantayda ayuu ku jiraa sidoo kale Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabeba” ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashii yuusuf Jibriil

“Laga bilaabo Hobyo, Xaafuun, Baargaal, illaa Boosaaso Boqor Cusmaan baa ka talin jirey isaga awoowgiis muu ahayne aniga awoowgay buu ahaa, laga bilaabo meesha ay ku qoran tahay ‘Bandar Siyaada’ ee Ceelaayo, illaa saylac waxay qoran tahay in Warsan-Geli Sanladdoodii ay ka talin jirtey oo uu ka talin jirey Maxamuud Cali Shire, isaguna Addeerkay buu ahaa, magaaladan Dhaharna waxaa ka talinaayey Dhahar oo ku caan baxday ‘Haddii Dhahar yiri Allaa yiri’ Muuse Biixi waxaan leeyahay  adiga iyo awoowayaashaa Ab iyo Isirtoona uma aydaan lahayn inaad talisaan aniga awoowa yashayna kuwaas aan sheegay bay ahaayeen ” ayuu yiri ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashii yuusuf Jibriil.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Maanta iyo Magaalada Hadaaftimo

Daawo magaaladii qura ee gobolka Sanaag ee  loo maleenayey in Sanaadiiq la keenayo. Waa magaaladii Muuse Biixi lagu soo dhoweeyey,  oo ka caraysiisay Bulshada Reer Maakhir intooda badan, Waa magaalada ay ka soo jeedaan inta badan Mrabida Isaaqu rabaysteen. Hoos daawo Magaalada Hadaaftimo iyo maAnta