Habar jeclo iyo SNM

26 hogaamiye ee Maleeshiyaadka SNM, 21 ka mid ah waxay ka soo jeedaan beesha Sacad Muuse. Beesha uu Cabdiraxmaan Ciro ka soo jeedo ee Habar yoonis  labo hogaamiye ayeey ku  lahaayeen. Labadiina xilka waa laga qaaday. Sababtaas ayaa ku kaliftay inay  maanta taayirada gubaan oo kooxdii  Ina Mire ay xaafadaha shiidaan

https://youtu.be/bWfoMxpo2ms

https://youtu.be/cmz89fJGrZY

Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Ku Qaabilay Safiirka China Ee Soomaliya.

Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Ku Qaabilay Safiirka China Ee Soomaliya.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 16 Nov 2017 qasriga Madaxtooyada Garoowe kusoo dhoweeyey wefti uu hogaaminayo  danjiraha dalka Chine u fadhiga Soomaaliya Mr. Qin Jian.

Kahor kulanka Madaxweynaha iyo safiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo safiirka dalka chine ee Soomaaliya ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid ahaayeen mashaariicda horumarineed ee dalka Chine ka fuliyo Puntland gaar aahan mashariicda waaweyn ee hadda dalka ka socda , adkaynta xidhiidhka  Puntland iyo dalka Chine iyo iskaa shiga labada dhinac ee arrima ganacsiga, waxbarashada iyo  caafimaadka.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn safiirka iyo weftigiisaba ku soo dhoweeyey Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu xaqiijiyey in xidhiidhka ka dhexeya dalka Chine iyo Puntland uu yahay mid wanaagsan oo soo jireena, taasna ay tusaale u tahay mashaariicda horumarineed ee dalka Chine ka fuliyey gudaha Puntland iyo kuwa hadda kasocdaba, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu tilmaamay in dawladda Puntland diyaar u tahay adkaynta iyo xoojinta xidhiihka ee ka dhexeeya labada dhinac.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in arrimaha iskashiga  Puntland iyo dalka China ee ganacsiga, waxbarashada iyo  caafimaadka ay yihiin kuwo buldhig u ah wada shaqaynta dhow ee ka dhexysa Puntland iyo dalka Chine, isla mar’ahaantaana ay dawladda Puntland diyaar u tahay adkaynta, wanaajinta  iyo dardargelinta arrimahasi iskaashi.

Dhinaca kale danjire Mr. Qin Jian ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin dhankooda adkaynta xidhiidhka  wanaagsan ah ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Chine iyo sidoo kale dardar gelinta iskaasiha labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, waxbarashada iyo caafimaadka , waxaana uu sidoo kale xusay  Safiirku inuu ku faraxsan yahay imaanshaha Garoowe iyo guud ahaan gudaha dawladda Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa marlabaad kusoo dhoweeyey Safiirka iyo weftigiisaba dawladda Puntland, isagoona Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in Puntland iyo shacabkeeduba diyaar u yihiin waxkasta oo wanaajinaya horumarinta ganacsiga iyo kabayaasha dhaqaalaha ee ka dhexeeya dawladdaha Puntladn iyo China.

Wadaniland ayaan Noqoneenaa

Doorashadii maamulka Hargeeysa ayaa lagu shubtay, waxaana iska caddeed awalba in doorasho beeleed aysan meelna gaareen. Haddeerna iyagii uunbaa qabyaaalad hoos isugu dhigay. Hadaba, waxaa magaalada Burco ka billoowday mudaaharaad looga soo horjeedo arrintaas ku shubashada ah; qaar ka mid ah dadka mudaaharaadayey ayaa sheegay ineey sameesanayaan maamula la yiraah Wadaniland.

https://youtu.be/ndPURqntTKw

Allsanaag.com

“Walawayntu isma maamuli karaan”

Daawo Dahab shiil iyo SNM Bahdilaadka ay ku hayaan Bulshada ku nool Koonfyrta Somaaliya oo iyagu aadka u jecel

Sawirka sare , wuxuu ka mid yahay dhacdooyinka dhiiri geliya in Beesha Isaaq sawir khaldan  ka bixiyaan Soomaalida inteeda kale. Iyaga oo leh Anagu dimoqraadiyad ayaan wax ku dooranaa , hase ahaatee Soomaalida Koonfureed  iyagu maaha dad is maamuli kara oo aan la sii joogi karno ee Caalamku waa in uu na ictiraafaa si aan wax ula qaybsan Budhcad badeed iyo alshabaab

Baarlamaanka Galmudug oo feertamay

Muuqaalka hoose, wuxuu ka mid yahay dhacdooyinka dhiiri geliya in Beesha Isaaq sawir khaldan  ka bixiyaan Soomaalida inteeda kale. Iyaga oo leh Anagu dimoqraadiyad ayaan wax ku dooranaa , hase ahaatee Soomaalida Koonfureed  iyagu maaha dad is maamuli kara oo aan la sii joogi karno ee Caalamku waa in uu na ictiraafaa

Daawo Xildhibaanada Galmudug iyo kulankii Xaaf oo dagaal Ku soo dhamaadey iyo Xaaf oo ka cararey Hoolka

Gaas oo Kulamo La Qaatay Qaar Kamid Ah Hay’addaha Caalamiga Ah Ee Ka Hawlgala Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii hore 15 Nov 2017 qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabiley qaar kamid ah hay’addaha caalamiga ah ee ka hawl-gala Puntland, hay’addahaas uu Madaxweynuhu ku qaabilay xafiiskiisa ayaa waxaa kamid ah Relief International, SCF, SSF iyo UNICEF.

Kulamadaas uu Madaxweynaha Dawladda Puntland la qaatay hay’addahaasi oo ahaa kulamo gaar gaar ah ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-Xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabddullaahi Cumar Camey iyo Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee dawladda Puntland  Mudane. Burhaan Cilmi Xirsi.

Kulankii ugu horeeyey ee Madaxweynuhu la qaatay saraakiisha ka socotey Hay’addaha Relief International ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen kobcinta waxbarashada hablaha, taageeridda ciidamada Puntland iyo waxbarashadooda, dhismaha xarumo waxbarasho ee deegaanada fog-fog gaar ahaan gobolada Gardafuu, Sanaag, Cayn iyo Hayland, waxaana dhammaan qodobadaasi laysla meel dhigay in sida ugu dhakhsaha badan loo dardar geliyo wax kaqabashadooda, iyadoona ay sheegtay hay’addu in ay gelindoonaan mashaariicdaasi lacag gaadhaysa 1.5 Million.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xafiiskiisa kulan kula qaatay masuuliyiin ka socdey hay’adda SCF [Save Children Fund] oo ay kamid ahaayeen Madaxa xafiiska SCF  Soomaaliya Mr. Timothy Bishop iyo madaxa Xafiiska SCF Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange, waxaana kulanka lagaga wada hadlay  mashriicda ay Puntland ka fuliyaan hay’addu, kuwaas oo ah Waxbarashada,  taageeridda caruurta danyar ta ah, Caafimaadka, Biyaha iyo Nadaafadda.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo ay wehelinayaan Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee dawladda Puntland  ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiil ka socdey hay’adda SSF [ Somali Stability Fun], waxaana kamid ahaa saraakiisha ka socotey hay’addani madaxa xafiiska SSF Soomaaliya Vishalina Lowrance iyo madaxa Xafiiska SSF Puntland Abshir Maxamed, isla markaana waxaa kulanka looga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin taakulaynta ciidamada Booliska Puntland, horumarinta dhalinyrada Puntland iyo biyo gelinta magaalooyinka waaweyn ee Puntland,

Ugu danbayn, kulanka Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu la yeeshay saraakiisha kala duwan ee ka kala socdey hay’addaha Relief International, SCF iyo SSF ayaa ahaa mid ku qotomay dardargelinta mashaariicaha horumarineed ee hay’addahaasi ka fuliyaan guud ahaan sagaalka gobol ee Puntland,

Xoolo nool oo loogu deeqay jidka barakaysan ee Ceel daahir

Bulshada ku dhaqan Magaalooyinka Laako iyo Rad ee gobolka Sanaag,  ayaa deeq xoolo nool ah ugu deeqay shaqaalaha mashruuca barakaysan ee dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceergaabo .
Xoolahan ayaa ka koobnaa.40 adhi ah iyo Awr gool ah , sidoo kale waxa la socdey booyad biyo macaan ah .
Kulankii xoolaha lagu wareejinayey ayaa waxa goob joog ahaa Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon , Maayarka Degmada Badhan C/risaaq Axmed Ciise , Cuqaal , guddiyada labada Magaalo iyo waxgarad kale.
Dhamaantoodna waxay mahad celin ballaadhan ujeediyeen Madaxweynaha Dawlada Puntland sida uu ugu hawllan yahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ka mid tahay wadada Ceeldaahir-Ceergaabo. Sidoo kale gudiga wadada iyo shaqaalaha kala duwan ee mashruuca.

Sawirka Gobolka Sanaag.

Sawirka Gobolka Sanaag.

Sawirka Gobolka Sanaag.

Wasiirkii Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maryan Qaasim oo is casishay

Labadii wasiir oo ka cabanayey Xigtada Ra’isul wasaaraha Soomaaliya,  mid ka mid ah ayaa xilkii iska casishay

Wasiirkii Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maryan Qaasim ayaa iska casishay xilkeeda, ka dib marki ay ka shaqayn wayday Mooryaan lagu soo daabulay xafiiskeeda oo ka socday  Ra’isul wasaaraha Somaaliya Xasan Kheyre

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wasiirada ay ku wargelisay Wasaaradda inay iska casishay xilkeeda, isla markaana ay dhowaan faah faahin doonto sababaha ay isu casishay.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa jiray  isku dhac u dhaxeeyay Wasiirada iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku saabsanaa howlaha Wasaaraddeeda.

Sidoo kale  dhibkan mid la mid haystaa wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa, oo isaguna xafiiskiisa ay khal khal geliyeen Mooryaan ka socota xafiiska Ra’isul wasaaraha

https://allsanaag.com/madaxda-daarood-iyo-awoodooda-muqdisho/

Mowqifka Hawiye Action Group ee Irirsamaale

Dawladda Soomaaliya oo u hambalyeesay  kooxdii doonaysay in Somaliya inteeda kale ka go’aan, iyaga oo sidoo kale sheegay inay soo   dhowaynayaan hogaamiyaha ku guulaysata Doorashada Soomaali lagu kala go’aynayo . Halka hal sadar ayna kaga xusin war murtiyoodkooda  umaddii Soomaaliyeed ee gobolada Sanaag iyo Sool  u  banaan baxaday midnimada Soomaaliya diidayna inay Soomaali inteeda kale ka go’aan .

Dawaladaha federaalka Ciraaq iyo Spain oo arin tan oo kale qabstay dhowaan, ka dib markii Kurdiyiinta iyo  Catalonia ay la yimaadeen arin la  mid la mid ah tan beesha Isaaq wadaan, ayaa madaxda federaalku  si cad  uga hor yimaadeen iyaga oo ilaalinaya midnimada dalalkooda. Laakiinse kooxda cuqdadaysan ee Muqdisho isku urustay, iyaga waxa u muuqda Irisamaale oo dawlad noqday.

Ninka Soomaaliya ugu  magcaaban wasiirka warfaafinta oo muuqalka  hoose akhrinaya,  waa ninkii madaxda ka ahaa Ururkii Hawiye Concern Group waqtigii Allah ha u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf Soomaaliya madaxweynaha ka ahaa

HAG, Maalin muuqalkn ayeey madaxweynaha ka soo duubayaan iyaga oo doonaya inay bahdilaan,  maalinta ku xigtana SNM ayeey u hambalyeenayaa