Daawo xasuuqii Kalshaale

Imisaa dhiiga umadda Soomaaliyeed Xil iyo lacag lagu raadinayaa

Dawladda Maraykanku ma qaabili doontaa danbiile Dagaal oo xasuuq Isir nacayb ah   ka gaystay gobolada waqooyiga Soomaaliya. Sidoo kale Qurba joogta ka soo jeeda Bulshada dhibkan loo gaystay  ma noqon doonaan kuwo war geliya dawlada Maraykanka in Siilaanyo yahay  hogaamiye gaystay denbiyada ka dhanka ah b’aniaadanimada  kuwooda uga waaweyn sida Xasuuq, Dil, kufsi, barakicin, Ceelasha biyaha oo la dumiyo, xoolaha uu sun la siiyo, dad cibaadaysanaya oo aan dagaalamayn oo la xasuuqo.

Maleeshiyaadka SNM ayaa xasuuq Isir sooc ah u gaystay Shacabka reer Buuhoodle oo ay ku jiraan dumar iyo caruur.

xasuuq

Dawladda Puntland ayaa Saxaafadda u soo bandhigtay Sawirro naxdin leh oo muujinaya dad la laayey oo ay Xasuuq u geysteen Ciidanka Somaliland(SNM) deegaanka Cayn xiligaas oo ay dagaal ku soo qaadeen dadka deegaanka.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Eng. Maxamed Faarax Aadan oo Saxaafadda Shir Jaraa’id u qabtay ayaa sheegay in Ciidanka Somaliland(SNM) ay Xasuuq geysteen 26-ka bishii Janaayo ee 2012 uuna ka dhacay Inta u dhaxeysa magaalooyinka Buuhoodle iyo Maygaagle xiligaas oo ay ahayd mar Ciidanku uu dagaal kusoo qaaday Buuhoodle dad Shacab ahna la dagaalameen.

En. Maxamed Faarax Aadan ayaa tilmaamay in Sawirradan ay haleen nin macalin ah oo deegaanka Buuhoodle ah isla mar ahaanta dadka ka muuqda Sawirradda ay yihiin ilaa 19-qof kuwaas oo si naxariis darro ah xabado loogu harqiyey.

Waxaan idin ku yeeray in aan u bandhigo aduunyada iyo inta kale khuseyso tuso xasuuqi 26-kii January 2012-ka ka dhacay inta u dhexeysa magaalada Buuhoodle iyo Maygaagle,xasuuqaas oo ay geysteen maamulka Somaliland Ciidamadooda oo taariikhda dhacay oo aan helnay isagoo dukumiinti muuqaal ah dadkii oo inta tikniko hareeraha laga mariyey la isku keenay deetana baabuurta lagu dejiyey markii ay silceen meel aad u dhow madaxa xabad lagaga jiidayay ilaa 19-qof’…””ayuu yiri.

Dhamaan sawirada hoos aad ku arkaysan  waa dad loo dilay Isirka ay ka soo jeedaan

Waxa uu tibaaxay in ay Jiraan qoys laga helay tuulada Shangalle oo 4-qof ka koobnaa sida Hooyo iyo 4-teeda Carruur ah sida Sawirradda ka muuqata rasaas lala dhacay ama madfac uu ku agdhacay kuwaas oo hadda dhamaantood ay yihiin dhaawac.

Wasiirka ayaa xusay in Caalamka ay usoo bandhigayaan Xasuuqa naxariisa darrada ah ee ay geysteen Ciidanka Somaliland isla markaana dadka ka badbaaday Shaqaaqadaas weli lagaga mamnuucayo in ka Cabaan Ceelashaha biyaha taaoo ah mid bini’aadamnimada ka fog.

Arrintan ayaa noqoneysa markii ugu horeysay oo Dawladda Puntland ayaa Safaaxadda usoo bandhigto dad sidan loo Xasuuqay ilaa haddana ma aysan sheegin talaabada ay ka qaadan doonto iyo sida ay ku qancin kari lahayd dadka dakoodii maalin cad dhibaatada lagula kacay.

Ciidanka Somaliland oo dagaal la galay dadka deegaanka Kalshaale ayaa sida la sheegayo Xasuuqan ka geystay deegaanka,waxana dadka ka hadlay arrimaha gobolada SSC ay ku sheegaan in ficil sameyn la’aanta Puntland ay ugu wacantahay dadka iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda goboladaas oo aan ahayn dad midaysan iyo iyagoo qaarkood ay taageersan yihiin Somalinad.

xasdedr

Gaas oo Kormeeray Garoonka Diyaaradaha Garoowe.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 17 Nov 2017 kormeeray Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, kaas oo dhismihiisu marayo heer gebogebo ah.

Kormeerka Madaxweynaha Puntland uu maanta ku tegey garoonka diyaaradaha magaalada Gaoowe ayaa waxaa ku wehelinaayey danjiraha dalka China ee Soomaaliya Mr. Qin Jian, Madaxweynihii hore ee Puntland ahna xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Mudane Axmed Karaasha, masuuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa waxaa dhismihiisa gacanta ku haya shirkad laga leeyahay waddanka Turkiga, waxaana sidoo kale  dhismaha Garoonka diyaaradaha magaalaga Gaalkacayo isna dhisaya shirkadda CCECC taas oo laga leeyahay waddanka China, isla markaana waxa ay shirkadda CCECC  dhowaan bilaabi doontaa dhismaha waddada Garoowe – Eyl iyadoo hore u dhistaytay dhismaha garoonta diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Shirkadda CCECC ayaa sidoo kale dalka ka wadda mashruuc horumarineed oo kale kuwaas oo wax tar u leh mustaqbalka shacabka Puntland iyo dawladda doodaba, ka sokow fadliga Alle ee gulahaasi waayen inoogu qabsoomeen ayaa waxaa dedaalkooda, dardargelintooda, dhirindhirintooda iyo hirgelindoodaba leh xukuumadda uu hogaaminayo  Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland, Danjiraha dalka China ee Soomaliya iyo masuuliyiinta kale ee wehelinayseyba ayaa waxa ay kormeer kadib wakhti ku qaateen Hotel Garand ee Magaalada Garoowe.

Danjiraha dalka China ee Soomaaliya Mr. Qin Jian ayaa booqday xarunta warbaahinta dawladda Punrland ee magaalada Garoowe [PUNTLAND TV AND RADIO ], waxaana uu sheegay safiirku in xaruntu tahay mid shaqadeeda iyo wax qabadkeeduba caalamka oo dhan ku baahey, isla markaana bishay bilicda, quruxda iyo waanaaga dawladda Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya, sigaarana hadda iyo jeer shacabka ugu ifisa wax qabadka dhaxalgal ka ah ee Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxqabadkaas oo ku qotoma dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Danjiraha Dalka China ee Soomaaliya oo ay wehelinayaan saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa waxa ay kormeer ku tegeen xafiiska ay shirkadda CCECC ay ku leedahay magaalada Garoowe, halkaasi oo uu safiirku kula kulmay qayb kamida shaqaalha  shirkaddaasi.

Ugu danbayn, Danjiraha dalka China ee Soomaaliya Mr. Qin Jian iyo weftiga uu hogaaminayey ayaa waxa ay xarunta Hidda Raac Garoowe kaga qayb galeen qado sharaf  ay ku marti qaadeen madaxtooyada dawladda Puntland, waxaana ay qado sharafta kadib kulamo la qaateen qaar kamid ah masuuliyiinta hay’addaha dawladda Puntland.

Marabbidii Sanaag iyo Awdal ee SNM aamintay

Nimankii Beesha Isaaq u tababarteen inay  qas iyo   fawdo ka abuuraan gobolada Sanaag, Sool iyo Awdal ayaa iyagii madax isugu dhuftay Beesha Isaaq . Gudoomiyaha haya xilka Xaleemo yareey jeceshahay inay Muqdisho ka qabato ee Gudoomiyaha doorashooyinka ayaa ka soo jeeda beesha Gudabiirsay, halka ku xigeenkiisuna uu ka soo jeedo beesha Warsangeli

Suldaanka Fiqi shini oo taageeray SNM

Khaatumadii Cali Khaliif, Beesha Fiqi shini ee Hawiye,  ayeey Suldaan u sameeyeen si Hawiye oo markaa Xasan Culusoow hogaaminayey ay u raali geliyaan si maamul goboleed uu ugu aqoonsado

Hoos ka daawo Suldaankii Khaatumo u samaysay Beesha Fiqi Shini  oo lacagta badan ku bixisay caleemo saarkiisa oo maanta ku jiibinaya Irirsamaale.