Gaas oo Safar Shaqo Ugu Ambabaxay Dalka Ethiopia.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu Hogaaminayo ayaa maanta 20 Nov 2017 Safar shaqo ugu ambabaxay dalka Ethiopia.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe kusii sagootiyey Madaxweyne ku-Xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, qaar kamidda saraakiisha ciidamada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay muhiimadda safarkisa ayaa sheegay inuu dalka Ethiopia gaar ahaan caasimadda dalkassi u aadidoono arrimo la xidhiidha Ganacsiga, Amaanka iyo Siyaasadda guud ee Puntland iyo Soomaaliya, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in safarkiisu qaadan doono muddo shan cisho ah.

“waxaan saaka u safraynaa aniga iyo weftigayguba magaalada Addis-Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia oo aan ku tegi doono socdaal muddo shan cisho ah oo ah safar shaqo, kaas oo aanu rabno inaanu dawladda Ethiopia kala soo xaajoono hawlo badan oo la xidhiidha dhanka Amniga, Ganacsiga iyo Siyaasadda guud ee Puntland iyo Soomaaliya oo dhanba” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in isaga iyo weftigiisuba kulamo la qaadan doonaan madaxda dalkaasi ugu saraysa, isla markaana ay kala xaajoon doonaan  arrimaha kor-kuxusan, waxaana uu Madaxweynuhu Alle ‘SWC’ ka rajeeyey inuu safarkoodu kuso dhammaado Guul.

“Waxaan is arki doonaa Madaxda ugu saraysa dalkaasi ‘INSHA ALLA’, waxaanna rajaynayaa inuu guul kusoo dhammaado safar-kayagu” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

[7/3/2010] Muusi Biixi oo loo magcaabay Gudoomiyaha Gudiga howl galka SNM

[7/3/2010]   Muusi Biixi oo loo magcaabay Gudoomiyaha Gudiga howl galka SNM

Siilaanyo iyo Muusi Biixi ma yihiin gacan ku dhiiglayaal?
 Yes
 No
 I don’t know
Danbiile dagaal Siilaanyo ayaa maanta  u magcaabay, Muuse Biixi oo ahaa Horjooge kale oo ka mid ahaa Jabhadii  SNM oo isaguna ahaa mid   gaystay danbiyo dagaal Gudoomiyaha Gudiga soo dhisaya dawlada SNM oo siilaanyo Madaxda ka yahay  waxaana gudigas ka mid ah Xaaskii hore ee Cigaal iyo qaar ka mid ah Warsangeli iyo Dhulbahante oo maqaar saar ah.
Muuse Biixi oo danbiyo dagaal oo  fool u xun ka  gaystay Degaanada iyo  Beesha Soomaaliyeed ee   degta Gobolka Awdal sida xasuuqii Boorama,Tuulo cagaaran,Magaalo cad,Alay baday, wajaale,Dooxada arabsiyo,Kalabaydh isaga iyo asxaabtiisii gacmo ku dhiiglayaasha ah sida Siilaanyo,dhegoweyne,Ina Kaahin,Tolwaaa,Ina Xaashi ,Cabdulaahi Dirawel,Cali Gurey,Nacnac ayaa maanta Siilaanyo wuxuu u magcaabay Gudi la rabo in lagu howl geliyo magacii SNM si loo qaado dagaalo la mid ah kuwa  ay aaminsan yihiin in ay guul iyo Barwaqo ku gaareen ka dib markii ay degaano aanay lahayn xoog ku haystaan.
Ugu danbayntii Siilaanyo oo Horjooge u  noqday SNM dhowaan   una magcaabay gacan ku dhiigle Muuse Biixi si uu soo xulo cida ka mid noqonaysa Golihiisa Cusub ee Jabhada dib u habaynta lagu sameeyey ee SNM ayaa dadka qaarkiis waxay u arkayaan in ay tahay  colaad hor leh oo ka bilaabatay gobolada waqooyi
Allsanaag.com

Doorashaddii hore Biladda SNM waxa qaatay Axmed Cige

Yaa qaadan doona Billada ” Qadiyadda Isaaq oo afartii sanoba mar la bixiyo

Axmed Siciid Cige oo ka soo jeeda Beelaha dega Gobolada waqooyi galbeed.  ahna nin qabiilku aad ugu dheer yahay ayaa sidaa wuxuu ku mutaystay Shahaado sharaf ay gudoonsiiyeen gudoonka sare ee SNM.

 

 

Cige oo ah wariye u shaqeeya BBC kuna mushahaar qaata in uu ugu soo waramo Gobolada waqooyi ee Soomaaliya,  ayaa  ah nin aan dhaafin degaanka ay degto Beeshiisa Isaaq hase ahaatee degaanada kale oo ay degaan beelaha kale uu had iyo jeer yahay mid ka sheega been iyo dacaayad raqiis ah isaga oo aaminsan in Ceelaayo tahay waxa loogu yeero Somaliland.

 

Shahaadadan la gudoonsiiyey wariyaha BBC Axmed Siciid Cige ayaa abaal marinta ugu weyni waxay tahay ” Qaddiyadda beesha Isaaq  oo uu aad uga shaqeyey

Farmaajo oo gaaray magaalada Abu Dhabi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo labo maalmood ah.

Madaxweynaha waxaa gegada diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wasiirka Caddaaladda ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Sultan Bin Saciid Al Badi.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo La-taliyeyaal.

Sawirka Villa Somalia.

SNM oo qirtay in Afar degaan Doorasho ka dhicin

Danbiile dagaal Siilaanyo,  ayaa qiray in degmooyinka Dhahar, Badhan iyo Laasqoray ayna  doorashadii Beelaha Isaaq ayna  ka dhicin. Arintani  sharci ahaan waa muhiim, afarta goobood oo ayna dorashadu ku dhicin ee  uu qiray hogaamiyaha beelaha Isaaq Gacan ku dhiigle   Siilaanyo, haddii sadex ka mid ah ay yihiin degmooyinkii Soomaaliya ee jiray burburka ka hor oo ay degaan beelo aan Isir ahaan ka so jeedin Isaaq.

https://youtu.be/FkAgsnRMLUY

Laascaanood “Anagaa haysana”

Shalay xaaraan waxa ku haystay rer laascaanood Dahab shiil  iyo Somtel, maantama  Dahabshiil ayaa gacanta ku dhigtay Saamiyadii ugu waawaynaa ee Shirkadaha Waawayn ee Korontada ee LESCO iyo Gurmad . waxayna bilaabeen inay lacagta kordhiyaan oo  miirtaan dhiiga danyarta Dhulbahante si ay u maal geliyaan jabhadda Habr jeclo ee dhul balaarsiga ka wada gobolada Sool iyo Togdheer

Wasiirka qorsheynta XFS oo hortegay Aqalka sare

Wasirika Qorsheynta Magaalgahsiga iyo Horumarinta dhaqaalaha
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa manata hortagay Golaha Aqalka sare ee dalka,Waxaana kulanka golaha aqalka sare shir guddoominayay Guddoomiye ku_xigenka 1 aad abshir maxamed (Abshir buqaari).

Ugu horeen Wasiirka Jamaal Maxamed Xasan, ayaaa munayaasha ugu warbaxiyay qaabk dhismeeka Wasaarada iyo horumarada ay sameysay Wasaarada, sidoo kale waxuuu sharxaad ka siiyay mashaariicda hada ka
socda gobolada dalka,iyo ahmiyada uu u leeyahay qorshaha dalkeena.

Dhanka kale Agaasimaha guud ee Agaasinka Qorsheynta C/qaadir Maxmaed Aadan ayaa Golaha Aqalka Sare sharxaad ka siiyay tiirarka uu ka kooban yahay qorshaha Horumarinta Qaranka,isla markaana dul istaagay  tiir walbo ahmiyada uu u leeyahy Dalka.

Sharaxaadda ka dib ayaa qaar ka mid ah Sanatorada  Aqalka Sare, ayaa su’aalo la xariria shaqada Wasaaradda iyo mashaariicada ka socdadalka, deeqaha lacagaha beesha caalamka ugu talagashay sida loo maamulo,si siman  dalka malooga hirgaliyaa mahsaariicda, dowlad gobaleedyada  muhiiimada gaarka ah ee ugu jira qorshaha Horumarinta qaranka maxay ku saleysan tahay,ayee  waydiiyeen wasiirka Qorsheynta maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha XFS,Mudane jaamal Maxamed Xasan.

Wasiirka Jamaal Maxamed Xasan wax uu soo dhaweyay su’aalaha ay waydiiyeen munayaasha,waxuuna aragti wanaagsan ka siiyay waydiimahooda ku aadan shaqooyinka socda iyo muhiimada Qaranka uu u leeyahay
Qorshaha Horumarinta Qaranka,sidoo kale Wasiirku wuxuu Mudanayaasha ka
codsaday  in ay u wada istaagan  sidii dalka  khayraadkiisa looga faa’iideysan lahaa.

Guddoomiye ku_xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare  Abshir Maxamed(Abshir Buqaari)ayaa bogaadiyay howlaha  dalka u hayaan Wasaaradda Qorsheynta qaranka, isagoo u mahadceliyay sida wanaagsan ay xubnaha Aqalka sare ay ugu sharaxeen  howlaha kala duwan ee dalka ka socda.