


Farmaajo u hambalyeeyay Beelaha Isaaq

HAG iyo doorashadda SNM
Muuqaalkan hoose ee nacamlaynla, liidnimada iyo mashxaraddu ka muuqato lama aanan yaabin, , ee waxaan rumaysan waayey boqolaal qof oo ka mid ah dadka ku xiran weriyahan u shaqeeya BBcda laanta af Soomaaliga oo fariimo u soo diray oo dhamaantood u hambalyeeynaya Dabadhilifyada dalka kala goa’ynaya. Ma jirin hal qof oo ka hadlay midnimada Soomaaliya. Dadkan fariimaha u soo diray weriyahan intooda badani Muqdisho ayeey joogaan
Wariyaha BBCDA oo maalmo ka hor hargaysa ku sugnaa
https://youtu.be/kI9EsgQoNVQ
https://allsanaag.com/dhinac-u-xaglinta-voa-iyo-bbc/
Boosaaso:Horaantii 2005 ayaa Maamulkii Puntland oo uu Madaxweyne ka ahaa Cadde Muuse wuxuu magcaabay Sadex Gobol oo kala ah Karkaar,Cayn iyo Haylaan.
Sadexdan gobol Maamulkii markaa jiray ma rabin inay wada hirgalaan, laakiin ujeedada ugu weynayd uu ka lahaa waxay ahayd si loo siin lahaa Gobol u gaar ah Beeshii uu ka soo jeeday Madaxweynihii markaa xukumaayey Puntland cade Muuse.
sadexdan gobol dhawaaqistooda wax yar ka dib,Gobolka Karkaar waxa loo sameeyey’
1-Karkaar waxa loo sameeyey soohdimo ama xuduudo uu la wadaago gobolada la dariska ah sida Bari Iyo Nugaal
2-karkaar waxa loo sameeyey Degmooyin hoos yimaada sida Qardho oo Caasimad looga dhigay,Bander Bayla,Xaafuun,Iskushuban,Waaciye,Xidda, iyo Rako intaas oo degmo waxa loo magcaabay Gudoomiyaal Degmo oo Mushahaar ka qaata Puntland.
3-Karkaar Wax yar ka bacdi wuxuu ka mid noqday Gobol ka hir galay Puntland kan hela miisaaniyad canshuurta puntland.
Halka Gobolka haylaan
1-Ma laha soohdin isaga iyo Sanaag
2-Ma cada Degmooyinka hoos yimaada
3-Ma jiro gudoomiye Gobol oo ku magcaaban
4-ma jiro wax miisaaniyad ah uu ka helo dawlada Puntland tii ugu danbaysana waxay ahayd tii abaarta.
Ugu danbayntii Gobolkan Haylaan, oo ayna aqoonsanayn qaar ka mid ah Madaxda Puntland, maanta ciidamadiisii waxau joogaan Ufayn si ay u kala dhex galaan labada Beelood oo walaalaha ah oo halkaa xurguftu ku dhex martay , tasina waxay kuu cadaynayasaa in Dadka Reer Sanaag iyagu yihiin Puntland ee Puntlanad tahay gobolo gaar ah,
Allsanaag.com Khaalid1970@hotmail.com

Hambalyo aroos Sheekh Cabdiraxmaan Faroole
Bahda Allsanaag, Waxaan halkaan Tahniyad Aroos uga dirayaan Alxaaji Sheekh Abdirixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole Oo Maanta Aqal-galkiisu ka dhacay Caasimadda Puntland Ee Garowe
![]()
|

Muuse Biixi iyo Siyaasiyiinta Majeerteen
Saxaafadda iyo Siyasiyiinta Majaeerteen ma Mujrimkii gacan ku dhiiglaha ahaa ee Muuse Biixi ayeey maanta Mujaahid ku sheegeen.
Maalmo ka hor, Mujrimka gacan ku dhiiglaha ahaa Muuse Biixi, ayaa isaga oo la hadlaya Beesha Daarood waxa uu ku khudbadeeyey “taariikhadayada awoowayaashiin ayaa yaqaana ee soo Waydiiya”. Ma jirin taariikh uu awoowayaashiis lahaayeen ee la garanayo, ee qura wxuu ka hadlayey Dumar iyo caruur ka soo jeeday beesha Daarood oo aan hubaysnayn oo Jabhaddii SNM uu madaxda ka ahaa ay ku xasuuqeen gobolada Sool iyo Sanaag.
Maanta in qaar ka mid ah siyaasiyiinta Beesha Majeerteen ay isugu hambalyeeyaan in “Mujaahid” Muuse Biixi uu guulaystay, iyaga oo og taariikhdiisa madow iyo danbiyaddiisii dagaal , waa nasiib daro ku habsatan Beeshan oo u af duuban koox yar oo dhaqanka iyo tolnimadu ku yar tahay
Kooxdani, waa kooxda Mucaaradnimada madaxweyne Farmaajo kula saxiibay Waare iyo Xeef oo soo abaabulay shirkii lagu qabtay Kismaayo. Waa kooxda aaminsan in Sool iyo Sanaag lagu daro Somaliland,
Kooxdani, waa kooxda Cabdi qaybdii oo Gacan ku dhiigle ah, dagaal ooge iyo , danbiye dagaal ka sameeyey gobolka Mudug ku maslaxay inay u sameeyaan Maamul goboleedka Galmudug, lacagna ku bixiyaan .
Ugu danbayntii Hooyadii ay dileen jabhadihii SNM iyo USC, oo loo dilay Isirka ay ka soo jeeday oo ahaa Daarood, laguna dilay Xingalool, Xudun iyo Gaalkacayo. Kuwii dilay ma ahayn Mujaahidiin ee waxay ahaayeen mujrimiin. Wxaana ka mid ahaa Siilaanyo, Muuse Biixi, Cabdi qaybdiid iyo Galaal. Kuwa maanta magaca diinta dadka ku dilayaa maaha Mujaahidiin waa Dadqalatooyin.
Sodon sano ka hor nimankan uu Maxamed Mooge iyo Sahro Halgan ay ka mid ahaayeen, ma ku sheegi lahayd Mujaahidiin u dagaalamyey Diinta Islaamka oo la dagaalamyey Gaalo ku noolAYD Sool, sanaag iyo Awdal
https://youtu.be/OIIAqbypCTM
https://allsanaag.com/soomaalida-neceb-midnimada-somaliya-snm/

Xisbigii Marabbidu ku badnaayeen oo laga adkaaday
Xisbigii Marabbiada reer Maakhir ay ku badnayeen oo guul daraystay
Marabida reer Maakhir ee u sacab tunta jabhadda SNM, gaar ahaan qurna joogta ayaa waxay u badan yihiin xisbiga Habar Yoonis ee Wadani oo ay uga mid noqdeen xisbigaas abtinimo iyo xididnimo. Taasina waxay khatar ku ahayd amniga iyo wada noolaashaha gobolka Sanaag haddii uu soo bixi lahaa Xisbiga Habar yoonis ee Ciro hogaaminayey iyo Marabidoodu, Sababtuna waxay tahay beelaha Isaaq hadba tii xukunka qabsata ayaa is hubaysa, horayna ka bilowda dhul balaarsi iyo argoosi. Sidii ka dhcaday Kalshaale iyo Maygaale maalintii Siilaanyo iyo beeshiisu ay xukunka qabsadeen
Madaxda xisbiga Wadani oo qodobeeyey sababtii ay ku guul daraysteen, ayaa hal meelna kaga soo qaadin marabidooda, Waxayna ku bilaabeen sababiihii ay ku guul daraysteen
1- Ninka Ciro, oo xisbiga madaxda ka ah oo aan la jeclayn
2- Beesha Samaroon oo balantii uga baxday Habar yoonis , una codeeyey xulafada Habar jeclo iyo Habar Awal
3- Tiro badan oo codod ah oo ay ka sugayeen beesha Arab oo ayna helin , sidaa ay sheegeen xitaa Bali gubadle reer Samatar ayaa kaga cod batay beesha Arab ,
4- Garxejis, oo ay isku halaynayeen oo maalintiii doorashada kaga baxay, una codeeyey wiilkooda Faysal Cali waraabe

Gaas oo Si weyn Loogu soo Dhoweeyey Addis-Ababa Itoobiya
Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Wefti Balaandhan oo Uu Hogaaminayey oo Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyey Addis Ababa.
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ee saaka 20 Nov 2017 u ambabxay dalka Ethiopia ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalkaasi, safarka Madaxweynaha ayaa yimid kadib markuu casumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Hailemariam Desalegn.
Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa kusoo dhoweeyey Wasiirada Arrimaha Dibadda, Gacasiga, Gaashandhigga, saraakiil ka tirsan Xasiifka Ra’iisul Wasaaraha iyo qunsulka Guud ee Qunsuliyada Ethiopia ee Soomaaliya.
Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxa ay kulan gaara kula qaaten qolka nasashada [VIP] ee garoonka diyaaradaha Addis Ababa Wasiirada Arrimaha Dibadda, Gacasiga, Gaashandhigga ee dalkaasi Ethiopia, iyo Qunsulka Guud ee Qunsuliyadda Ethiopia ee Soomaaliya.
Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiirada dawladda dhexe ee Ethiopia ayaa waxa uu hordhac u yahay kulamo uu Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas la qaadan doono Madaxda ugu saraysa ee dalka Kaasi Ethiopia oo lagaga arrinsan doono arrimo laxidhiidha ganacsi ee Puntland iyo Ethiopia ka dhexeeya, Amaanka iyo Siyaasadda guud ee Puntland iyo Soomaaliya oo dhanba.
Safarka Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa yimid kadib casumaad rasmi ah oo uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Hailemariam Desalegn, waxaana Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopa yeelan doonaan melinimada berito ee foodda inagu soo haysa kulan koodii ugu horeeyey ee safarkani.