26th July 2024  admin  Category :

odaygu laba Arin buu mid rabaaye, maa mid loo daayo

W/Q Saciid Aaden Saciid Bosaso

Jabuuti, Imbagaati, Jabuuti markale,Xukuumadii lagu doortay Garoonka Diyaaradaha, Iyo markii u dambaysay ee Teendhada beri lagu balansanyahay lagu doortay Madaxweyne Farmaajo, Burburkii kadib Dalku marxalado kala duwan ayuu soo maray, Dabcan marwalba oo Doorasho timaado marxalado waan la kulmi jiray waana la xalin jiray, Laakiin maanta waxaad moodaa in ay adagtahay in la xaliyo marxalada hortaagan Doorashada.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu Caqliyaystay Xiligii Kacaanku Dalka hogaaminayay, Kacaankii oo Dalka jooga ayaana Dalka ugu dambaysay, Wakhtigii yaraa ee uu Raysal wasaaraha ahaa, Isagoo Raysal wasaare ah, muran badana jiro ayaa laga kari waayay Iscasil markii xal kale la waayay, wixii ka dhacay waynu wada ogayn, waxay aakhirkii tagtay in Diyaarad lasaaro oo Kampala lageeyo, halkaasna Xilkii looga tiriyay.

Xaqiiqda Jirta hada , Madaxweyne Farmaajo Dadba uma arko Raga doonaya inay la tartamaan, iska daa inay la tartamaane, ma uu jecla inuu qol la fariisto, wuxuuna u arkaa Rag aan u qalmin inay Dalka hogaanshaan, waxaa lagasoo xigtay mid kamida la taliyayaashiisa inuu yiri “ Deni Kursiga ma rabee muu Garowe isaga laabto”.

Madaxweyne Farmaajo laba arimood mid in loo sambeeyo mooye waxba socon mayaan,Xaqiiqatan Waa labada Arimood ee uu doonayo,

1- In Xilka loo kordhiyo

2- In loo qabto Doorashada uu rabo oo ah mid kaligiis tartamaya, Kaarka codbixintana noqdaa sidaan

  • Haa, (Waan rabnaa Madaxweyne Farmaajo)
  • Maya , Ma rabbo

Horay waxaa looga hayaa Madaxweyne Farmaajo inuu yiri “ Dalkaan Madaxweyne nooma dhexayn Aniga iyo Maxamed Siyaad Bare “ Waxaan filayaa in qaarkiin Xasuustaa Doorashadii 1986-dii, waa tii tuu rabaa Madaxweyneheenu.. ee Odayga labadaas mid ha loo yeelo,

PUNTLANDI

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*