27th July 2024  admin  Category :

Odayaasha iyo Waxgaradka Magaalada Cowsane Ee G/Sanaag ayaa isugu yimid Maanta Kulan Muhiima oo la xidhiidha Hor-marka degaanka Cowsane iyo Ilaalinta Xaalufka iyo wacyigelinta bulshada Ee Degaanka Macageed iyo Buuraha Calmadow oo laga Mamnuucay Shiddida dhuxusha, Xaabada iyo Goynta dhirta.

Kulankan Ayaa waxaan ka qaybgalay Odayaal dhaqankeeda Degmada Buraan iyo Guddiga Ilaalinta Xaalufka degaanka Mandaqadahaasi oo iskood isu Abaabuley.

Ciise dhiif iyo C/salaan Cali Muuse(Saalaxwaadi) oo kamida Odayaasha degaanka ayaa Sheegay Inay Maalinta berito booqan donaan Degaanka Calmadow ee Xamar, Hadhweyn,  Weliya, Howraartiro iyo Meelo kale oo kamida Buuraha iyo dhanka Xebeed si loogu kuurgalo Amaanka iyo Ilaalinta degaanka Loogana tashado Horumarka iyo geedi Socodka degaanka .

Maxamed Axmed Ciise Allsanaag/Cowsane

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*