19th October 2024  admin  Category :

Odayaashii garan waayey sidee degmada Ceerigaabo oo aad leedihiin  aad  ugu yeealateen  golaheeda degaanka hal Xubin,   idinkoo   dega degaanada ugu tirada badan ee hoos yimaada degmada Ceerigaabo,  in maanta ay wada hadal la galaan beesha Isaaq waa khatarta ugu weyn ee ku soo socota Bulshada reer Maakhir.

Wada hadaladdii u daxeeyey  Somaliland iyo Somaliya maanta waxay noqdeen kuwo  caalami ah. Bulshada reer Maakhirna ilaa hadda warbaahinta oo qura ayeey kala socdaan wada hadaladan  oo waqooyi iyo Koonfur midna kuma laha xubno uga mid ah wada hadaladan.

Maamulka Hargaysa maanta waxa danahooda gaar ahaaneed uga  shaqaynaya wadamo ku yaal geeska Afrika iyo Caalamka intiisa kale, haddii ay ahaan lahayd inay Soomalida kale ka go’aan iyo haddii sadbursi siyaado ah laga siin lahaa Soomaalida inteeda kale, marka ay ku soo laabanayaan.

Maanta Wasiirkii arimaha dibadda Ereteriya ayaa ku sugan  Muqdisho isaga oo u socda danaha beesha  Isaaq iyo fariintii uu ka soo qaaday beesa Isaaq   dhowaan mar uu tegay magaalada Hargaysa oo xarun u ah SNM.

Halka Wasiirkii Ereteriya uu maanta  Muqdisho ku sugan yahay,  isaga oo ka shaqaynaya danaha Isaaq, waxa magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ku sugan Koox ka soo kala  jeeda beelaha Warsangeli oo iyagu iskood Nabadoono isugu  caleemo saaray, kuwaas oo la   shaqaysta Suldaan Siciid oo aan hal malin ka wada  shaqayn danta  dadka reer Maakhir  iyo mid  degaanba.

Khatar ka weyni ma jirto wada hadaladdi Soomaaliya iyo Somaliland oo maanta Caasimadaha aduunka yaala in maanta reer Maakhir ay SNM kula hadlaan Ceerigaabo oo ay golaheeda degaanka ku leeyihiin hal xubin.

Ugu danbayntii umadda Reer Maakhir si ay uga hortagaan arintan khatarteeda lehh ee  ku soo fool leh ee  Ceerigaabo laga maleegayo waa inay ka hortagaan  oo ay codkooda gaarsiiyaan meel walba uu gaari karo. Halka ugu wanaagsani oo aad fariintaada gaarsiin karto waa Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad,  waa in dal iyo dibadna lala xiriiraa wasiirka oo  4.5 Soomaali wax ku qaybsato kugu metela.

Warqad Ceerigaabo lagu saxiixay oo istanbuul iyo Asamara la geeyeey lama aqbali karo .

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*