12th May 2024  admin  Category :

Odayaal La Macaamilay Khawaarijta Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Ciidamada ammaanka Galmudug, ayaa xabsiga dhigay Odayaal saaka Saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado kuwaas oo ka soo laabtay deegaannada Khawaarijtu haysato ee Galmudug.

Taliyaha Qeybta 21-aad General Xasan Jaamici oo saxaafadda la hadlay ayaa yiri “Odayaasha waa la xiray Waxaana loo gudbiyay Dhuusamareeb si sharciga loo horgeeyo cidna lagama aqbalayo in Khawaarij ay la tacaamusho”

Guddoomiyaha Degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa yiri ” Odayaasha maanta Hadlay waa dambiilayaal talaabo ayaana laga qaadayaa xitaa wariyaashii Wareystay Caddaaladda ayaa la hor keenayaa”.

Tilabadaan ay maanta Xabsiga ugu taxabeen Ciidanka Odayaasha ka yimid khawaarijta, ayaa qeyb ka ah,Howlgalada cadowga looga ciribtiraayo,iyo sidoo kale dhibaatada ay la kulmayaan cidkasto oo la macaamisho khawaarijta

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*