7th September 2024  admin  Category :

NISA oo gacanta ku soo dhigtay Muxiyadiin Daqare oo ahaa gacanyaraha horjooge Axmed Diiriye

Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa magalaada Muqdisho ku qabtay horjooge Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud (Muxiyadiin Daqare) oo ka tirsanaa Khawaarijta, haddana ka mid ahaa Gacanyarayaasha Horjooge Axmed Diiriye.

Horjoogahaan oo si wayn loogu raadjoogay ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho xili uu si dhuumaalaysi ah ku soo galay, iyada oo markii dambe ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA.

Horjooge Muxudiin Daqare ayaa ka soo howlgalay qaar ka mid ah gobollada dalka, waxaana uu ka soo shaqeeyey gobollada kala ah; Bay, Galgaduud Mudug iyo Shabeelaha Hoose.

Laamaha ammaanka oo gacanta ku soo dhigay ayaa sheegay in ay dhawaan soo saari doonaan xog ku saabsan horjooge Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud (Muxiyadiin Daqare) oo ka tirsanaa Khawaarijta, haddana ka mid ahaa Gacanyarayaasha Horjooge Axmed Diiriye

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*