26th July 2024  admin  Category :

Ninkii dhexdhexaadiyaha iska dhigayay ee magaalada Harar ku kufsaday gacalisada saaxiibkiis

Maxkamad ku taal magaalada Harar ee dalka Itoobiya ayaa ku xukuntay nin lagu eedeeyay inuu kufsaday gabar ay wada socdeen saaxiibkiis oo dooneysay inay la heshiiso wiilka ay xiriirka lahaayeen kadib muran soo kala dhexgalay.

Dhacdadani sidaan ayay u dhacday: Eedeysanaha ayaa lagu magacaabaa Salxaddin Cabdi, wuxuuna ka mid ahaa dadka ku nool degmada Jinneela ee ka tirsan magaalada Harar.

Ninka ayaa u yimid saaxiibkiis iyo gabadha si uu u dhexdhexaadiyo, kadib khilaaf u dhexeeyay labada is jeclaa. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ka faa’iidaystay xaaladdan sida la sheegay, isaga oo fal kufsi iyo uur ah u geystay gabadhii.

Waxaa lagu soo oogay dambigaas, waxaana lagu xukumay toban sano oo xarig ah.

Isbatoore Hiwot Antenah, oo ah isku duwaha kooxda baarista dambiyada haweenka iyo carruurta ee komishanka booliska gobolka Harar, ayaa BBC u sheegtay in eedaysanuhu uu dambiga galay sanad ka hor.

“Labada qof ee isjeclaa waxay ku dagaalameen muran dhex maray. Salaxaddiinna waa saaxiibka ugu dhow ee wiilka. Markaa wuxuu wacay gabadha dhibbanaha ah ee 18-jirka ah, wuxuuna u sheegay inuu la heshiisiinayo saaxiibkeed,” ayey tiri sarkaalka booliiska ah.

“Gabadhu way rumaysatay wayna u tagtay sababtoo ah wuxuu ahaa saaxiibka jacaylkeeda. Isaga iyo nin kale oo aan weli la xidhin, waxay xoog ku kufsadeen oo ay uureeyeen gabadha 18-jirka ah,” ayey raacsisay hadalkeeda.

Dhibbanaha ayaa dacwad u gudbisay booliiska, waxaana booliisku ay xireen eedaysanaha oo ay billaabeen baaritaan, ayey sheegtay sarkaaladaan.

Lamaane

“Booliska ayaa baaray dambiga, waxayna soo uruuriyeen cadeymaha dadka iyo kuwa caafimaadka, waxayna u gudbiyeen xeer ilaalinta. iyada oo taas ka duulaysa ayey maxkamaddu dacwad ku soo oogtay eedaysanaha,” ayey tiri.

Isbatoore Hiwot ayaa BBC-da u sheegtay in maxkamadda sare ee gobolka Harar ay ku heshay eedaysanaha dambiyada kufsiga iyo uureynta ah, waxayna ku xukuntay 10 sano oo xarig ah kadib dhageysiga oo dhacay 30-kii bishii Febraayo.

Eedeysanaha oo qiyaano ku sameeyay saaxiibkiis kufsadayna gacalisadiisii ayaa mar kale laga soo qabtay xaafadaasi, kadib markii uu ka baxsaday goobta, sida ay boolisku sheegeen.

Inkastoo gobolka ay ku sii yaraanayaan dambiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta, ayey sheegtay in aysan weli hoos ugu dhicin heerkii la filayay, iyadoo sheegtay in haweenka looga baahan yahay inay ilaaliyaan naftooda ka hor inta aan dambiyadaan oo kale loo geysan.

Harar
Qoraalka sawirka,Harar

Magaalada Harar oo ah magaalo qadiimmi ah isla markaanay ay aasaaseen saldanadihii geeska Afrika ee islamka ee qarniyadii dhexe, ayey dadka ku nool u badan yihiin Muslimiin.

Qowmiyadaha Oromada, Amxaarada, Harariga iyo Soomaalida ayaa u badan walow ay ku noolyihiin kuwa kale.

Magaaladan waxay ku taal bartamaha Itoobiya , waana ismaamul gooni ah sida dalwad deegaanka Soomaalida.

Dhanka kale waxay xilliyo hore ahayd halka ay dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay helaan tacliin balaaran oo diineed tagi jireen, si ay ula kulmaan culumo diineed oo kalsooni badan lagu qabay.

UNESCO ayaa u aqoonsatay magaalada Harar ee Itoobiya meel taariikhi ah, waana magaalo dhaqameed jirtay 1,010 sano.

Sidaas daraadeed harar waxay noqotay dhawaanahaan meel loo dalxiis tago.

Marka ay habeenkii noqoto xilliga Harar, nin dhalinyaro ah ayaa hilib uu afkiisa ku qaaday siiya tiro waraabayaal ah (Dhurwaayo), kuwaasi oo ka imanaya banaanka magaalada. indhaha waraabaha ayaa isu bedelaya Buluug marka ay soo eegaan nalka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*