16th September 2024  admin  Category :

Ninkii 50 ka sano isbitaalka ku jiray isaga oo aan wax xanuun ah qabin

Nin lagu magacaabo Charles Esler ayaa waxa uu isbitaal ku jiray muddo 50 sano ah isaga oo aan wax xanuun ah sidaas u wayn aan qabin.

Charles oo qabay suuxdin yar iyo waxbarashada oo xoogaa ku adkayd, ay markii ugu horeysay isaga oo toban jir ah tagay isbitaal.

Waxa uu u sheegay BBC da in uu “Xaflado badan oo dhaloasho” uu ku qaatay gudaha isbitaalka, uusanna jeclaysan in uu halkaas isaga xabisnaado.

Walaashiis oo lagu magacaabo Margo ayaa waxay sheegtay in ay u dagalamntay sidii walaalkeed uu u dagi lahaa meel uu xoriyad ku haysto, ugu dambeyna isaga oo 62 jir ah ayuu sanadkii la soo dhaafay gacanta ku dhigay furihii ugu horeeyay ee guri uu isagu dagan yahay abidkiis

“QOyskiisu sanado badan ayay ku dagaalamayeen in uu helo meel xasiloon oo uu ku noolaan karo,” sidaas waxaa yiri David Fleming oo ka tirsan hay’adda Richmond Fellowship Scotla

Nasiib xumo dad badan ayaa ku dhex xanibmay nidaamka”.

Charles


Xigashada Sawirka,Malcolm Family

Baaritaan aya sameysay BBC Scotland ayaa waxa ay ku ogaatay in boqolaal ruux oo dhibaato ku qabo wax fahanka in ay ku xaniban yihiin isbitaalada ama ay ku nool yihiin meelo boqolaal mayl u jira halka ay qoysaskoodu dagan yihiin.

Arrintaan ayaa waxay imaaneysaa kadib tobanaan sano oo ay jiraan sharciyo dawladeed oo qeexaya in dadka mudada dheer ku jiray xarumaha caafimaadka in ay u wareegi karaan guryahooda.

Laba sanadood ka hor dawladda Scottish ka ayaa waxa ay balan qaaday in inta badan dadka ay u wareejindoonaan guryahooda marka la gaaro bisha Maarso ee sanadka 2024 ta.

Balse, xog ay heshay BBC du ayaa waxay sheegaysaa in tirade dadka ku jira isbitaalada ayba sii bateen.

Iyada oo la adeegsanayo sharciga Xoriyada Xogta ayaa laga codsada masuuliyiinta tirada dadka la dhiban fahan xumada eek u jira isbitaaalada, waxaana la ogaaday in ay kor uga kaceen 173 ayna gaareen 191 sanadkii aynu soo dhaafnay.

Qofkii gacanta ku hayay Charles ayaa waxa uu sheegay in kiiskiisu u cadeyn u yahay in qof waliba lagu caawin karo in uu bulshada ku dhex noolaado.

Fleming ayaa isna yiri: “Qof cajiib ah ayuu ahaa mudadii uu isaga baxay meesha, hadana wuxuu si madax banaan ugu dhex ladan yahay bulshada.”

Charles oo ku soo barbaaray Glasgow ayaa waxa uu yiri: “Hada meeshaan rabo ayaan wareegi karaa, waxaan ka soo qadayn karaa maqaayadaha ku yaalla banaanada.”

“Waxaan jeclahay kalluunka iyo baradhada shiilan. Farxad ayaan dareemayaa. Waligey xoriyad ma helin hadda ka hor.”

Charles

Waxa uu sheegay in uu jecel yahay in uu dhex joogi qolka fadhiga oo uu daawado filimada James Bond. Waxa uu haatan baranayaa sida wax loo kariyo, beerta guriga loo xanaaneeyo, naftiisana uu u nadiifin lahaa.

Walaashiis Margo McKeever ayaa waxay sheegtay in ay sanado badan u soo dagaalantay sidii ay walaalkeed uga soo saari leheed isbitaalka oo uu guri uu leeyahay u dagi lahaa.

“Ha u malayn in tani tahay sheeko khiyaali ah,” ayuu yiri.

“Waxa I helay maahan wax hal habeen uun dhacay. Dad badan ayaa qayb ka ahaa waxayna qaadatay 14 sano in ay helo meel aan dago.”

“Qof walba waa in uu helo qof u dagaalama oo hubiya in aan loola dhaqsi tirsi buuxsi uun kaliye.”

Dhaqtar lagu magacaabo Sam Smith oo madax ka ah urur caawiyo dadka naafada ah ee ku nool guryahooda ayaa waxa uu yiri: “Waxaan xirnay isbitaallo muddo dheer dadka hayn jiray labaatan sano ka hor, inaga oo ogayn in dadku ay ku dhex noolaan karaan bulshadooda.”

Dawladda Scottish ka ayaa horay waxay u sheegtay in ay dawladda hoose kala shaqaysay sidii loo diiwaan galin lahaa dadka ay dhibaatadu ka haysato waxbarashada ama fahanka eek u jira isbitaalada ama ku nool meelo boqolaal mayl u jira guryahooda, waxayna bixisay lacag dhan 25 milyan oo dollar si looga caawiyo dadkaas in ay u wareegaan guryo ay ku dhex madax banaan yihiin.

Wasiirka Arimaha Bulshada ee maree Todd ayaa waxay u sheegtay BBC da; “Waxaa naga go’an inaan arrintaan xal u helno. Balse sida xogtani sheegayso, waa ay adag tahay in xal loo helo.”

“Masuuliyadda sharci waxay dul saaran tahay dawladda hoose, aniguna waxaan isku dayayaa in aan si dhaw iyaga uga shaqeeyo arrintaan bal in ay wax is badalaan.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*