26th July 2024  admin  Category :

Nin Shacab Ah oo Magaalada Bosaaso Lagu dilay.

Magaalada Bosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland ayaa Goordhowayd waxa lagu dilay nin Shacab Ah oo Meherad ganacsi ku lahaa Agagaarka Carwo City Gate ee Magaalada Bosaaso.

Dilka Ninkan Shacabka ahaa ayaa waxa ka danbeeyey Kooxo Afka soo Duubtay,kuwaas oo isla markiiba goobta ka baxsaday.

Ciidanka Amaanka oo Goobta soo gaaray ayaa bilaabay Baaritaan xoog leh,kaas oo dadka iyo gaadiidkaba ay ku baarayeen.

Ilaa Hada ma cada Ujeedka Dilka Marxuumka,mana jirto cid sheegatay dilkiisa ilaa hada.

Laamaha Amaanka oo aanu xiriiro kala duwan La sameynay ayaa noo sheegay inay Baaritaano wadaan,gadaal ay kasoo sheegi doonaan Natiijada Baaritaanada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*