24th February 2025  admin  Category :

Nin ku qeylinayay “Allahu Akbar” oo weerar toorreey loo adeegsaday ka geystay Faransiiska

Hal qof ayaa ku dhintay saddex saraakiil boolisna way ku dhaawacmeen weerar toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay bariga magaalada Faransiiska ku taalla ee Mulhouse.

Nin u dhashay Algeria oo 37 jir ah ayaa lagu xiray goobta uu falku ka dhacay iyadoo dacwad-oogaha uu furay su’aalo weydiin argagixisannimo sababtoo ah eedeysanaha waxaa la sheegay inuu ku qeylinayay “Allahu Akbar”.

Ninkan ayaa si xun u dhaawacay labo sarkaal boolis, midna qoorta kan kalena xabadka. Nin u dhashay Bortuqiiska oo 69 jir ahaa oo isku dayay inuu soo dhex galo ayaa toorrey la geliyay oo la dilay.

Eedeysanaha ayaa heystay amar musaafurin ah sababo la xiriira inuu ku jiray liiska argagixisada isha lagu heynayo, sida laga soo xigtay dacwad-ooge gudaha ah. Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa sheegay inuusan “wax shaki ah ka qabin inuu ahaa weerar Islaami ah oo argagixiso”.

Kadib markii uu tacsi u diray qoyska dhibbanaha, Macron ayaa intaa raaciyay: “Waxaan doonayaa inaan dib ugu celiyo sida ay dowladda uga go’an tahay, iyo aniga, sii wadidda shaqada cirribtirka argagixisada ee ciiddeenna.”

Weerarka ayaa dhacay abbaaro 16:00 xilliga dalkaas (15:00 GMT) Sabtidii wuxuuna ka dhacay meel u dhow suuq mashquul ah oo ku yaalla Mulhouse, kaas oo u dhow xudduudaha Jarmalka iyo Switzerland.

Booliiska ayaa ilaalo ka ahaa dibadbax ka dhacayay halkaas oo lagu taageerayay Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo.

“Waxaan Faransiiska ku noolaa 41 sano weligeyna waxaan oo kale ma arag,” ayuu Cemalettin Canak, oo 55 jir ah, u sheegay wakaaladda wararka Reuters.

“Aad ayay iiga yaabisay,” ayuu intaa ku daray. “Hadda marka aan suuqa tago, xoogaa jahwareer baa igu dhaca.”

Labada sarkaal ee isbitaalka loo qaaday, kan xabadka laga dhaawacay ayaa markii dambe isbitaalka laga bixiyay, dacwad-oogayaasha ayaa wakaaladda wararka ee AFP sidaa u sheegay, iyadoo saddexdoodaba ay soo gaareen dhaawacyo fudud.

“Cabsi xoog badan ayaa qabsatay magaaladeenna,” ayuu duqa Mulhouse Michele Lutz kusoo qoray Facebook.

Raysal Wasaaraha Faransiiska François Bayrou ayaa isna barta X ku qoray in “falal xun ayaa mar kale dhacay xaalad baroor-diiq ayaana ku jirnaa”.

“Waxaan murugada la qeybsanayaa dhibbaneyaasha iyo qoysaskooda, aniga oo aad u rajeynaya in kuwa dhaawacan ay soo kaban doonaan,” ayuu intaa raaciyay.

Isagoo xalay fiidnimadii booqday goobtay, ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Bruno Retailleau wuxuu warbaahinta TF1 u sheegay in Faransiiska uu 10 jeer isku dayay cayrinta eedeysanaha, mar walbana Algeria ay diideysay inay aqbasho.

Wuxuu ku baaqay in Algeria lala yeesho “dheellitir awood” oo cusub, wuxuuna weriyeyaasha u sheegay “waa inaan beddelnaa shuruucda” ku aaddan sida ay u shaqeeyaan xarumaga musaafurinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*