21st September 2024  admin  Category :

Nin haweenka Muslimiinta ah ku iibin jiray online-ka oo la maxkamadeynayo

Booliska Hindiya ayaa shaaciyay inay maxkamadeyn doonaan nin lagu eedeeyay in uu sameeyay barnaamij app ah oo lagu iibinayay in ka badan 80 haween Muslmiin ah sanadkii hore.

Arrintani ayaa timid kadib markii taliyaha booliska gobolka Delhi, VK Saxena, uu fasaxay in caddaaladda la horkeeno ninkan 25 jirka ah ee lagu magacaabo Omkareshwar Thakur.

Baarnaamjika app-ka ah ee furan ee Soli Deals wuxuu hoostagayay adeeg kale oo Internet ah oo lagu magacaabo “GitHub”.

Omkareshwar Thakur waxaa la xiray bishii January ee sanadkan balse damaanad ayaa lagu sii daayay bishii March.

Thakur oo ku takhasusay cilmiga kombiyuutarka ayaa markii hore lagu xiray magaalada Indore ee dhacda bartamaha gobolka Madhya Pradesh, waxaana gacanta kusoo dhigay boolis gaar ah oo qaabilsan dambiyada halista ah.

Booliiska waxay diiwaan galiyeen kiisas isaga ka dhan ah iyadoo la raacayo qodobbo kala duwan oo ka mid ah xeerka ciqaabta ee dalka Hindiya, xeerka la xiriira dambiyada tignoolajiyadda ee Hindiya.

Xeerka 196 aad “dambiyada ka dhanka ah dawladda” halkii ay gacanta ku heyn lahaayeen shakhsiyaad, waxaana inta badan lagu wareejiyaa saraakiisha sarsare ee dawladda kuwaas oo u baahan oggolaansho dawladda dhexe ama gobolka si ay u sii wadaan dacwadaha.

Barnaamijka app-ka ah ee Soleil Deals ayaa lagu qaaday sawirro iyo muuqaallada haweenka Muslimiinta ah oo la heli karo, isaga oo ku tilmaamay inay yihiin “heshiisyo muhiim ah”.

Thakur waxaa lala xiray nin kale oo lagu magacaabo Neeraj Bishnoi, oo 20 jir ah, kaas oo lagu eedeeyay in uu sameeay app la yirhaado “PollyPay”, kaas oo uu galiyay sawirrada in ka badan 100 haween Muslimiin ah, waxaana app-kan martigeliyay GitHub.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirin iib dhab ah oo dhacay. Ujeeddadu waxay ahayd in la bahdilo haweenka Muslimiinta ah, kuwaas oo intooda badan ay ka hor yimid kor u kaca qarannimada Hinduuga ee uu garwadeenka ka yahay Ra’iisal Wasaare Narendra Modi, eedaymahaaas oo ay beeniyeen xisbigiisa iyo dawladduba.

Dadka dhaleeceeya waxay sheegeen in falalka online-ka ah ee lagula kaco haweenka Muslimiinta ah ay ka sii dartay sannadihii u dambeeyay, marka loo eego jawiga siyaasadeed ee Hindiya.

.

Warbixin ay soo saartay hay’adda Amnesty International sanadkii 2018 oo ku saabsan dhibaatooyinka ka dhasha internetka ee Hindiya ayaa lagu sheegay in mar kasta oo ay gabdhaha muujiyaan cabashadooda waxay halis u galaan in la beegsado, waxaana bartilmaameedsigaas uu saameeyay haweenka saboolka ah iyo dadka laga tiro badan yahay ee aaminsan diimaha qaar.

Horraantii sanadkan ayay aheyd markii booliska laba gobal oo ka mid ah goballada dalka Hindiya ay diiwaan geliyeen kiisaska in ka badan 100 gabdhood oo Muslimiin ah kuwaas oo sawirradooda oo lagu sheegay inay iib yihiin lagu soo bandhigay baro online ah.

Waxyaabaha lagu eedeeyay dadka arrimahaan loo haysto waxaa ka mid iibinta haweenka, sameynta Application-ka loo isticmaalayay baraha bulshada ee lagu soo bandhigay sawirrada dumarkan, daabacaadda xayeysiinta iyo sawirrada.

Waa isku daygii labaad oo dhowr bilood gudahood ah isla markaana dumarka Muslimiinta ah loogu gaysto xadgudub ku saabsan in lagu soo bandhigo sawirradooda iyadoo lagu beecinayo baraha Internedka.

App-ka iyo mareegaha internet-ka ayaa kor u qaaday macluumaad ku saabsan in ka badan 80 haween Muslimiin ah oo bishii Juulay la isticmaalay sawirradooda laguna soo bandhigay qadka Interneedka iyadoo la beecinayo.

Ujeedda arrintaan laga leeyahay ayaa lagu sheegay inay tahay aflagaaddo loo gaysanayo haweenka Muslimiinta ah iyo sumcad dil .

Sanadihii la soo dhaafay ayaa la sheegay in dalka Hindiya ay kor u kaceen weerarada iyo aflagaaddada loo gaysanayo haweenka Muslimiinta ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*