26th July 2024  admin  Category :

Wadamo badan oo dunida ah, oo ay ka jirto dimuqraadiyad dhab ah, ayaa ah kuwo hoggaamiyayaashii soo maray ay uga tageen dadkooda hannaan ama nidaam ay raacaan, kaas oo intooda badan ay ku soo caano maalleen. 

Wadamada tusaalaha aan u soo qaadan karno waxaa ka mid ah Norway, Japan, Botswana, South Korea , Australia iyo wadamo kale oo badan oo u badan wadamada reer galbeedka. Wadamada uu nidaamkooda wannaagsan yahay ayaa ah kuwo hoggaamiyayaal wannaagsan ay soo mareen, oo dabadeedna dadkooda uga tagay nidaam wax ku ool ah oo ay raacaan.

Maanta Maxamed Ca/laahi Farmaajo dariiqa uu doonayo inuu u jeexo ummadda Soomaaliyeed ma noqon karaa mid jiilasha soo socda ay raacaan? Ma yahay nidaamka uu doonayo mid caddaalad ku dhisan oo dadka ay ku wada qanci karaan? Ma yahay nidaamka uu doonayo mid shacabka u horseedi kara kalla danbeeyn iyo barwaaqo?

Jawaabta oo fudud ayaa ah in Farmaajo uusan aheen hoggaamiye ummadda Soomaaliyeed u horseedi kara nidaam wannaagsan oo la raaco, balse waa hoggaamiye ka kalla daadinaya ummadda Soomaaliyeed intii yareed oo ay heeysteen. Waxaa dhici karta inaad tahay qof Farmaajo taageersan oo u arka inuu yahay hoggaamiye la mid ah Erdoganka Turkiga.

Ma xumma inaad taageersan tahay Farmaajo, balse waxa aad is weeydiisaa Faraamaha aad dooneeyso inaad taageerto waa ninka:

Ra’iisa wasaairhii dhammaa ee sida sharciga ah ku joogay si sharci darro ah ku riday, isaga oo adeegsanaya baarlmaanka musuqa uu dillooday;

Waa ninka maanta oo ay u harsantahay shan billood dadka u sheegaya in uu qabanayo doorasho qof iyo cod ah taas oo xittaa carruurta aysan ka dhaadhaceen; Muxuu qabanayey seddexdii sanno iyo barkii ina soo dhaafay?

Waa ninka mar kasta oo uu wax qaribo albaabka inta uu hoosta ka soo xirto aan dib danbe loo arkeen, isaga oo caaddeeystay inuu iska soo hor mariyo shaqsiyaad;

Waa ninka dastuurkii dhamaa ee dadka ku heshiiyeen aan inaba tixgellineeyn, unna dhaqmaya sida uu isagu doono.

Si kastaba ha ahaatee, ummadda Soomaaliyeed waxaa la gudboon in aan Farmaajo laga yeelin wax ku darsasho ah xittaa ha noqoto hal bil, waayoo ah haddii Farmaajo waqtiga loo kordhiyo waxa uu dalka sii gellin doonaa nidaam maafiyo ah oo koox gaar ah ay ku shaqeeysato.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*