8th May 2024  admin  Category :

Wiil Iyo Gabar Walaalo Ah Oo Caawa Lagu Diley Magaalada Muqdisho

Wiil iyo gabar walaalo ah oo la kala oran jirey Zakariye Maxamuud Kalafoge iyo Sowdo Maxamuud Kalafoge ayaa caawa lagu diley bartamaha magaalada Muqdisho kadib markii uu rasaas ku furay Mooto Bajaaj ay saarnaayeen askari ka tirsan ciidamada dowlada.

Wararka ayaa sheegaya in wiilka iyo gabadha la diley inay ku sii jeedeen maqaayad laga cunteeyo si ay raashin ugu soo iibiyaan gabar ay walaalo yihiin oo ku jirtey isbitaalka Yerdemeli ee magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Zakariye Maxamuud Kalafoge ayaa ka mid ahaa dhalinyarada dhamaysatay waxbarashada jaamacada sida ay sheegeen dhalinyaro ay saaxibo ahaayeen.

Dilka labadan walaalaha ah ayaa imanaysa waxka yar 24 saac kadib markii saddex wiil oo walaalo ah ay ku dhinteenmagaalada Beledweyne kadib markii madfac uu ku habsaday gurigooda oo ku yaal xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo maamulka gobolka Banaadir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*