4th December 2021  admin  Category :

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya Mudane James Swan oo ay ka wada hadleen dardargelinta doorashooyinka dalka iyo taageerada farsamo iyo dhaqaale ee Beesha Caalamka.

Rooble iyo James Swan ayaa isla gartay sida ay muhiimka u tahay in la dedejiyo howlaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Maxamedd Xuseen Rooble ayaa horay ugu boorriyay dowlad-goboleedyadu in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka BFS.

Hase yeeshee qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ayaa dhaliilay qaabka ay u socoto doorashada iyadoo sidoo kale qaar ka mid ah musharaxiinta madaxtinimada dalka ay saluugeen jadwal la’aanta doorashada dalka.

rw rooble iyo james swan oo ka wadahadlay dardargelinta doorashada dalka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*