26th July 2024  admin  Category :

Inta badan marka lala baxayo magac, waa in uu noqdaa magacaas mid ka tarjumaya waxa uu ku salaysan yahay. Haddii uu yahay ganacsi, xisbi ama badeecadaha kalla duwan ee aan isticmaalno maalin kasta, waa in ay is waafaqaan magaca la bixiyey iyo ujeedada ka danbeeysa.

Hadaba, xisbiga ay la baxeen Farmaajo iyo Kheeyre ee ah Nabad iyo Nolol ayaa ah mid aan ka tarjumeen magacaas loo bixiyey.  Magaca marka la fiiriyo qaab dhandhankiisa kama tarjumayo waaqica dhabta ah ee ummadda Soomaaliyeed maanta ay ku nool yihiin. Su’aasha la is weeydiinayo waxeey tahay, Soomaaliya ma nabad la isku halleen karo ayaa ka jirta ama nolol wannaagsan?

Dadka maalin kasta lagu qarxinayo Soomaaliya waxaa dhab ah in aysan marnaba ka iibsameen magaca Nabad, sidoo kalle, qofka carruurtiisa aan haysan wax ay cunnaan dabcan kama iibsameeyso nolol.  Hadaba, meesha looga bixiyey xisbiga Nabad iyo Nolol waxeey aheed in loo bixiyo Xisbiga ku soo Dabaalidda Nabadda iyo Nolosha Dalka Soomaaliya.

Waxaa dhab ah, in Xisbiga ku soo Dabaalidda Nabadda iyo Nolosha Dalka Soomaaliya, uu ka iibsami lahaa shacabka Soomaaliyeed, balse Nabad iyo Nolol qaliya waa mid aan daweeneen qalbiyada shacabka Soomaaliyeed ee maalin kasta la qarxinayo, gaajadana la il darran.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*