28th March 2024  admin  Category :

Dawlad Goboleedyada Soomaaliya  oo go’aan kasoo saaray  Naas nuujintii SNM

Madaxda Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa ka hor yimid in macaamilka gaarka ah lagu siiyo maamulka SNM deeqaha ee loogu talogalay Soomaaliya, iyagoo si buuxda u taageeray go’aanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhowaan diiday in la cusbooneysiiyo habkii “Special arrangments” ee deeqadaha lagu siin jiray Somaliland.

Qoraal ay soo saareen Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo ay ku saxiixan yihiin shanta madaxweyne ee maamullada Puntland, Hirshabelle, Jubbaland, K/Galbeed iyo Galmudug ayaa loo diray beesha caalamka iyadoo lagu caddeeyay in nidaamka gaarka ah ee Somaliland loogu qoondeeyo deeqaha Soomaaliya ka dhaxeeya uu yahay mid halis ku ah qaranimada Somalia, isla markaana looga eexanayo maamullada kale ee dalka ka jira.

Qoraalka ayaa lagu cambaareeyay deeq bixiyayaasha qaarkood oo u ololeynayo inuu sii jiro nidaamka gaarka ahaa ee Somaliland u sed burinaya, waxaana looga digay in ka fiirsan doonaan ka sii mid ahaanshaha nidaamka deeq bixiyeyaasha.

 

 

Hoos ka akhriso go’aanka maamul Goboleedyada kasoo baxay oo af-Ingiriis ku qoran

 

38b6

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*