3rd October 2024  admin  Category :

Muxuu yahay ololaha cusub ee ay Ilhaan Cumar ka billowday Golaha Wakiillada Mareykanka?

Khamiisti ayay xildhibaanadda laga soo doorto gobolka Minnesota ee ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka, Ilhaan Cumar oo ay wehliyaan xubnaha isla aqalkaas ee kala ah Rashida Tlaib iyo Chuy Garcia waxay dib u soo celiyeen Xeerka ciribtirka Saboolnimada Carruurta, kaas oo abuuri doona fursad ay ka faa’iidaysan doonaan qooysas badan.

Qorshaha ayaa waxaa uu yahay in canug kasta uu bishii helo lacag dhan 393 oo doolar ilaa ilmuhu ka gaarayo 18 jir.

Sida ku xusan war saxaafadeed ay soo saartay Ilhaan Cumar, barnaamijku wuxuu noqon doonaa mid canug kasta uu ka faa’iido, waxna ka qabta caqabadaha dhaqaale ee soo wajaha waalidiinta.

Carruurta si toos ah ayaa loo diiwaangelin doonaa markay dhashaan si ay lacagta helaan.

“Intii lagu jiray musiibadii fayraska corona, Madaxweyne Biden iyo Dimuqraadiyiinta Congress-ka waxay qaadeen tallaabo muhiim si ay u caawiyaan qoysaska degmadeyda,” ayey ku tiri bayaanka.

Waxa ay intaas ku sii dartay in taasi ay horseedday “Ballaarinta faa’iidooyinka isbeddelka nolosha, gaar ahaan caafimaadka iyo ballaarinta canshuur celinta carruurta si ay ugu dambeyntii uga faa’iideystaan kuwa nugul”.

Ilhaan Cumar

“Ficilkan kaliya ayaa hoos u dhigay saboolnimada carruurta ku dhawaad kala bar,” ayey Ilhaan Cumar ku tiri war saxaafadeedka ay soo saartay.

Waxa ay sheegtay in Xeerka Ciribtirka Saboolnimada Caruurta uu dhimayo faqriga kasoo billowda caruurnimada, kaas oo hoos u dhici doona ku dhawaad saddex-meelood labo meel.

“Xaqiiqdii waa ficil geesinimo leh oo xisbigeenu uu u halgamayo si uu ugu dambeyntii wax uga qabto saboolnimada carruurta ee dalkan iyo in la hubiyo in qoysasku aysan ku gaajoonin mid ka mid ah dalalka ugu qanisan adduunka,” ayey tiri.

Ilhaan iyo Tlaib

Marka la eego xaqiiqda ah in ilmo kasta uu qaadanayo lacag dhan $393 bishii- ama qiyaastii $4,700 sanadkii, waxay taas dhimi kartaa saboolnimada carruurta 64% iyo saboolnimada aadka u daran ee carruurta ilaa 70%, sida laga soo xigtay Tirakoobka Mashruuca Siyaasadda Dadka.

Iyadoo Jamhuuriyiintu ay haystaan aqlabiyadda Aqalka, uma badna in sharcigan uu meel marayo, laakiin xildhibaannadan ayaa ku adkeysanaya inay lagama maarmaan tahay in la hubiyo in qoysasku awood u yeeshaan inay sii wadaan quudinta carruurtooda ka dib markii ay la joojiyay mashruuca canshuur celinta carruurta.

“Ballaarinta mashruuca canshuur celinta carruurta ayaa waxa uu heerka faqriga ka saaray ilaa 2.9 milyan oo carruur ah, laakiin hadda oo uu mashruucaasi dhammaaday ayay qoysas aad u badan la daalaa-dhacayaan sidii ay nolol-maalmeedkooda u heli lahaayeen,” Xildhibaan Tlaib ayaa sidaas ku tiri warbixin ay soo saartay.

Ilhan iyo Rashida ayaa ah labada xubnood ee Muslimiinta ka ah guud ahaan xildhibaanada Golaha Wakiillada, iyagoo sidaas taariikhda ku galay markii ugu horreysay ee lasoo doortay sanadkii 2019.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*