7th September 2024  admin  Category :

Muxuu yahay ninka ka tirsan Daacish ee gaajada ugu dhintay Puntland?

Sida lagu daabacay barta Facebook ga ee ciidamada booliska Puntland, ninkaan ayaa lagu magacaabaa Mohamed Saalim Mohamed, kaas oo dhalo ahaan la sheegay inuu ka soo jeedo waddanka Yeman.

Boolisku waxay sheegeen in ninkaan uu ka yimid goobaha ay ku dhuumaaleystaan xubnaha kooxda oo ay ku jiraan dhulka buuraleyda ah, balse aysan hubin inuu doonayay inuu ka baxsado kooxda iyo in kale.

Sidoo kale waxay boolisku xogtaan raaciyeen inuu jiray nin Soomaali oo ay wada socdeen Mohamed, kaas oo ay laamaha ammaanka ee Puntland baadigoobayeen. Ma aysan sheegan magaca ninka Soomaaliga ah iyo halka uu ku dambeeyo haatan intaba.

Sababta uu u dhintay xubinta ka tirsan Daacish ayay boolisku ku sheegeen gaajo iyo harraad.XAYEYSIINhttps://0a0c499bd084aa2a71bb4c67adaf6fc7.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html

Maydkiisa ayay sheegeen boolisku in ay ka heleen meel u dhaw deegaanka Dhudub oo ku yaalla gobolka Karkaar ee Puntland.

Maydka ninkaan ayay sheegeen inay heleen labadii bishaan aan ku jirno ee Septemper.

Sawirkaan ninkaan ayay boolisku baahiyeen, inkasta oo aysan sheegin halka ay ka heleen.

Daacish

Daacish iyo Puntland

Ururka Daacish ayaa Soomaaliya howlgalladii ugu horreysay ka billaawday 2015-kii iyada oo ururka uu markii ugu horreysay uu ka soo muuqday buuraha Gobolka bari, waana aasaaska Daacish loo sababeeyaa inuu ku yimid kala jabkii ku yimid garabkii Al-Shabaab ee ka dagaallamayey Putland.

Ciidamada Puntland iyo ururka Daacish ayaa xilligaas wixii ka dambeeyay marar foodda isku daray goobaha ay ku sugan yihiin, iyada oo Puntland sheegtay marar badan inay ka dishay dagaal yahanno badan.

Balse saameynta ururkaan waxay korartay kadib markii snadihii la soo dhaafay ay bilaabeen qadista lacago baad ah, iyagoo inta badan shirkadaha kala duwan ee ganacsiga ka qaatay lacago baad ah, halka markii hore ay dhaqaale ka heli jireen oo kaliyah Daacishta kale ee ka dagaalanta dalalka carbeed.

Bishii August 2018-kii warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warantay in Daacish ay billaawday iney canshuur ka uruuriso ganacsatada maagalada Boosaaso iyo bulshooyinka kale ee ku nool deegaannada kale ee Puntland ka hor inta aysan lacag arruurinta ku fidinin magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Puntland ayaa iyana sheegtay inay beegsadeen hugaamiyaal muhiim u ah urarka.

Bilowgii sanadkaan aan ku jirno ee 2023 ka, taliska Booliiska Puntland ayaa sheegay in weerar ka dhacay degmada Balidhidhin ee gobolka Bari lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda Daacish oo lagu magacaabi jiray Abu-Albara Al Amani.

Maraykanka

War qoraal ah oo kasoo baxay ciidanka Booliiska Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka ay ka hortageen weerar ay kooxda Daacish ay kuso qaaday Saldhiga deegaanka Balidhidhin, islamarkaana ciidanka ay ku dileen Madaxii hawlgalada kooxdaasi.

Sidoo kale isla bilowgii sanadkaan, Mareykanka ayaa sheegay in ciidamadiisa sida gaarka ah u tababaran ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee Soomaaliya, isaga iyo toban ka mid ah kooxda.

Ninkaan oo muddo la doondoonayay oo lagu magacaabo Bilaal Al-Sudani ayaa lagu eedeeyay in uu ahaa shaqsi muhiim u ah maalgelinta iyo ballaarinta kooxda Islaamiga ah ee ka dagaalanta Afrika iyo meelo ka baxsan.

Saraakiisha ayaa sheegay in lagu dilay israsaaseyn kaddib markii ay ciidamadu weerareen god ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee waqooyiga Soomaaliya, iyagoo rajeynaya inay gacanta ku soo dhigaan.

Amar uu bixiyay Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden, ayaa ciidamo gaar ah waxa ay Arbacadii weerar ku qaadeen deegaan ka tirsan buuraha Calmis ee ku yaalla gobolka Bari.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*