23rd July 2024  admin  Category :

Muxuu yahay erayga ku qoran baasaboorka Soomaaliya ee muranka dhaliyey?

“Bal waxaad is weydiisaan dowladda Soomaaliya iyo Soomaali, meesha ‘sex’ maxay uga guureen oo ay ‘Gender’ u qaateen,” su’aashan waxaa dad uu ka hor hadlayey usoo bandhigay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo dood ka qaba eray bixinta ‘gender’ oo ku qoran baasaboorka Soomaaliga.

Baasaboorrada ay dowladuhu u sameeyaan muwaadiniintooda si ay ugu safraan iyo aqoonsiyada ayaa waxaa ku qoran eray bixinno lagu aqoonsado xogta qofka wata, sida taariikhda dhalashada iyo halka uu ku dhashay qofku.

Xogtu waxay gaar u tahay qofka wata aqoonsiga lamana turjumo, balse tusmooyinka sida erayada ‘magaca’, “taariikhda dhalashada’ iyo ‘halka laga bixiyey’ aqoonsiga ayaa lagu turjumaa luuqad kale oo badanaa ah mid ama qaar ka mid ah kuwa caalamiga ah sida Carabiga iyo Ingiriiska.

Baasaboorka Soomaaligu wuxuu ka mid yahay kuwa eray bixintooda lagu turjumo laba luuqadood oo aan af Soomaaliga ahayn, kuwaas oo kala ah Carabi iyo Ingiriis.

Haddaba waxaa muran dhaliyey turjumada afka Ingiriiska ee lagu turjumay eray ka mid ah kuwa ku qoran baasaboorka soomaaliga, waana erayga “jinsiga” oo loola jeedo lab ama dheddig midka uu yahay qofka wata aqoonsiga.

Sheekha ayaa ku tilmaamay wax laga fiican yahay xulushada ereygaan marka loo dhaqan ahaa.

Aqoonsiyada la midka ah kan Soomaaliga ee lagu turjumo afka Ingiriiska iyo xitaa kuwa asal ahaan Ingiriisku u yahay afkooda hooyo, waxaa erayga jinsiga qofka ku qoran baasabooro badan oo Afrikan, Yurub iyo wadamo muslim ah ereyga ‘sex’ halka kan Soomaaliga uu ku qoran yahay ‘gender’.

Qaamuus

Muxuu yahay farqiga u dhexeeya labada eray?

Sida ku cad qaamuusyada afka Ingiriiska iyo sidoo kale eray bixinnada dowladda ingiriiska, erayga ‘sex’ wuxuu tusmeynayaa kala duwanaanshaha jinsiga abuurka alle oo ku salaysan xubnaha taranka ee qofka iyo tusmada hidde sidaha oo afka sayniska loogu yeero (Chromosomes) taas oo ka dhigan in qofka uu noqon karo oo kaliya laba ama dheddig, inkasta oo ay jirto xaalad kale oo qofka laga wada helayo xubiniha jirka ee u gaarka ahaa labka iyo sidoo kale kuwii dheddigga.

Halka erayga ‘Gender’ uusan ku koobnayn jinsiga abuurka alle oo kaliya ee sidoo kale uu fursad siinayo qofku siduu isku arko, laba, dhadiga ma intaa wax dhaafsiisan, waana tan halka doodu ka dhalatay.

Qeexitaankan waxaan kasoo xigannay qaamuusyada afka Ingiriiska iyo sidoo kale eray bixinnada dowladda Ingiriiska oo iyadu muhiimad gooni ah siisay kala soocidda micnaha labada eray maadaama erayga ‘gender’ uu aqoonsanayo jinsiyo dheeri ka ah lab iyo dheddig ama waxa uu qofku isu aqoon sanayahy iyo sidoo kale waxa bulshadu u aqoonsan tahay.

Waxaa soo baxay dad su’aal geliyey haboonaanta eraygaas ee in uu ku qornaado baasaboorka Soomaaliga ah isaga oo leh micno ka duwan kan ‘sex’, waxaana u dambeeyay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo baraha bulshada lagu arkay isaga oo dhaleecaynaya dowladda Soomaaliya kuna eedeynaya in ay u gogol xaareyso aqbalaadda wax ay diideen “dalal aan muslimiin ahayn”.

Passport

Xulashada eray bixinta

Maxaa loogu doortay eraygan in lagu qoro baasaboorka Soomaaliga ah?

Waxaa sannadkii 2016 goob fagaare ah lagu weydiiyay su’aashan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markaasna ahaa madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuse ku jawaabay, “aniga labadooda kee dooranaysaa haddii lay oran lahaa kalmadda gender-ka ayaan dooran laha kalmadda kale maba doorteen,” ayuu yiri madaxweyne xasan Sheekh oo qoslaya.

Waxaa xusid mudan in aysan eraygan baasaboorkooda u isticmaalin qaar kamid ah dalalka afka Ingiriisku u yahay kan kowaad sida Boqortooyada Ingiriiska, Maraykanka Canada Autralia iyo Newzealnd, waxayna dhamaan baasaboorradooda u isticmaalaan erayga ‘sex’.

Sidoo kale dalalka Islaamka iyo kuwa Afrika ayaa iyaguna isticmaala erayga ‘sex’ oo aan isticmaalin ‘gender’ sida soomaalida marka ay eray bixinnada ku turjumayaan afka Ingiriiska.

Si kastaba ha ahatee baasaboorka Soomaaliga ayaa sameynayey kor u kac dhanka dalalka lagu safri karo dal-kugal la’aan iyo sidoo kale isaga oo hantay dalal cusub oo aqoonsada.

Soomaaliya ayaa qiimeyntii u dambeysay ee awoodda baasaboorada kaga jirta kaalinta sagaashan iyo sagaalad taas oo muujineysa in baasaboor Soomaaliga uu sare uga soo kacay maaddaamaa uu sannadkii hore ku jiray kaalinta 103.

Dhanka kale Baasaboor Soomaaliga ayaa waxaa lagu booqan karaa 35 dal oo uu qofka baasaboor Soomaaliga wata uu Visa ku qaadanayo garoonkooda halka markii hore ahayd 25 dal.

Waxaa ka hooseeya shan waddan oo kala ah Yemen, Pakistan, Suuriya, Ciraaq iyo Afghanistan.

Si guud baasaboor Soomaaliga ayaa ka mid ah kuwa ugu daciifsan caalamka, sida lagu muujiyay xogta sanadlaha ah ee ay soo saareen Passport Index iyo Henley oo ah shirkad kale oo qiimeysa sharciyada socdaalka.

Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay xoojisay dadaalka ay ugu jirto ku biiritaanka waddamada xubnaha ka ah ururka Bariga Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo EAC, arrintaas oo haddii ay hirgasho suurtagal ka dhigi kara inuu xoogeysto baasaboorka Soomaaliya.

Waxaa jira dalal kale oo ay Soomaalida si fudud uga heli karaan oggolaanshaha gelitaanka, ka hor inta aysan safrin, kuwaasoo ay ka mid yihiin Angola iyo Sri Lanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*