26th July 2024  admin  Category :

Muxuu Xasan Sheekh ku sheegay khudbaddii uu ka jeediyay Madasha Sacuudiga iyo Afrika?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcaha maanta ah magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga uga qeybgalay Madasha Iskaashiga Sacuudiga iyo Afrika, waxaana uu khudbaddiisa ku sheega in Soomaaliya oo dagaal kula jirta Al-shabaab ay haysato mustaqbal fiican.

“Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ula fal-galayaan gobolka iyo qaaradda iyadoo ay barbar socdaan dib u dhiska dalka, xoreynta deegaannada iyo xoojinta hay’adaha dowladnimada, waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya ay haysato mustaqbal fiican.” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey garab-istaagga iyo iskaashiga ka dhaxeeya Boqortooyada Sucuudiga iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in siyaasadda guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aasaas u tahay wada-tashi iyo wax wada-qabsi, uuna rajeynayo in mira-dhalka shirkan uu noqdo kobcinta xiriirka labada dhinac.” ayuu raaciyay warmurtiyeedka madaxtooyadu.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale yiri “Laga billaabo hadda, waxaan rumeysannahay in aan hormuud u noqon karno caalamka dhanka beeraha, kheyraadka xoolaha, tan kheyraadka cagaaran, isgaarsiinta, fududeynta ganacsiga, kheyraadka badda iyo hal abuurka tignoolajiyadda.”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laba shir oo kale qeybgali doona inta uu joogo Boqortooyda Sacuudiga, kuwaas oo kala ah shirka Jaamacadda Carabta iyo kan Ururka Iskaashiga Islaamka, kuwaas oo looga hadli doono qaddiyadda Falastiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*