26th April 2024  admin  Category :

Muuse Biixi ayaa welli ku doodaya xuduud aan jirin taas oo meesha ka baxday markii dadka ay midoobeen. June 26, 1960 waxa ay aheed markii Ingiriiska uu madaxbanaanida uu siiyey gobolada Waqooyi. Taas macnaheeda waxa ay aheed in dadka aayahoodii loo madax bannaaneeysiiyey, lagana daayey in la gumeeysto, balse madaxbannaanida macnaheedu ma aheen in wadan laga dhigay dhulkii la isku oran jiray Soomaaliland.

Waxaas oo dhan waxaa isku fuuqfuuqsaday July 1,1960 oo Waqooyi iyo Koonfur ay noqdeen hal wadan. Waa maxay waxa Muuse iyo beeshiisa ay ku doodayaan maanta? Soomaali ma xuduud ayeey kalla leedahay? Hadiise xuduud la kalla dhex dhigay beelaha Harti dhexdooda, oo dabadeedna gumeestihii uu meesha ka baxay, ma beesha Isaaq ayaa maanta rabta in Harti ay xuduud u sameeyso iyadoo dhaheeysa Ingiriiskuba wuu sameeyay?

Midda kalle uu Muuse Biixi uu ku doodayo ayaa ah in Ca/welli Gaas uu wasiir ka soo noqday Muqdisho, Farmaajana uu madaxweeyne ka yahay Muqdisho maanta. Hadaba, Muuse waxa uusan oggeen in Muqdisho ay tahay caasimadii ummada Soomaalieed, haddii berri laga dhigo caasimada Baydhabo ama Hargeeysa qofka waxa uu ku shaqeeyn doonaa meesha  caasimada hadba ay tahay.

https://youtu.be/HDb0YXIksNA

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*