28th March 2024  admin  Category :

Muudeey oo sheeganaya Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa shaqo joojin ku sameeyay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Buux

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/wali Muudey ayaa lagu sheegay in shaqo joojin lagu sameeyay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux.

Warqadan oo ku taariikheysneyd 2-da April oo maanta ku beegan ayaa waxaa lagu ogeysiiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xafiiska Hanti dhowrka Guud, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo Bankiga Dhexe.

Sidoo kale waxaa si KMG ah inuu shaqada u sii wado uu u magacaabay Xoghayaha Guud uu u faray Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Maxamed C/llaahi Cabdi Ciyow.

C/wali Muudey ayaa wali ku adkeysanaya inuu yahay Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Warqadan ayaa muujineysa sida aan wali xal looga gaarin khilaafka ka dhashay Mooshinka Guddoomiye Jawaari, waxaana C/wali Muudey uu wali soo saarayaa warqadaha muranka dhalinaya, iyadoo Guddoomiye kuxigeenka labaad Mahad Cawad uu isna horay u soo saaray warqado jawaab u ah.

Akhriso qoraalka C/wali Muudey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*