27th July 2024  admin  Category :

Musharraxa Soomaaliya ee doorashada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo la shaaciyay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xildhibaan Fawsiya Yusuf Xaaji Aadan u soo xulatay musharraxa Soomaaliya ee tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

“Iyadoo laga duulayo qorshaha dowladda Soomaaliyeed ee xoojinta doorka aan ku leennahay Ururada Caalamiga iyo kuwa Gobolka, ayaa waxaa Xildhibaan Fawzia Yusuf Haji Adam, ay ku matali doontaa dowladda Soomaaliya tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (African Union Commission) ee Sanadaha 2025-2028.” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaliya.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, iyo Ra’isul Wasaare ku xigeen hore, Fawsiya Xaaji Aadan oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, aheyd gabadha kaliya ee ka qeybgashay doorashadii ugu dambeysay madaxweynaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*