22nd December 2024 admin Category :
Musharaxiinta Muqdisho iyo Mooshinlayda Baydhabo maxaa ka dhaxeeya?
Labadan kooxood maxay kala yihiin?
Musharaxiinta Muqdisho waa koox ka soo wada jeeda beesha Hawiye, Abgaal oo aaminsan cid aan Abgaal ahayn inaanay Soomaaliya Madaxwene ka noqon karin, inta Muqdisho tahay caasimadda Soomaaliya . Kooxdan waxa ugu caansan Xasan Culusoow, Sheekh Shariif iyo Jibriil Ibraahim Cabdulle.
Kooxda labaad ee Mooshinlayda Baydhabo, iyagu waxay ka soo jeedaan beelaha Digil iyo Mirifle, baarlamaanka Soomaaliya waxay ku leeyihiin 61 Xildhibaan. 61 Xildhibaan codkoodu ma kala haro, oo meel ayuu wada aadaa had iyo jeer codkoodu wuxuu aadaa halka ay lacagtu taalo . 16 Sano ee baarlamaanka Soomaaliya soo jiray marna uma ayna codayn arin wax tar u leh Qaranka Soomaaliyeed. Kooxdan waxa ugu caansan Shariif Sakiin, Xaabsade, Nuunoow iyo Jawaari.
Kooxdan Mooshinlayda, Bulshada ay magacooda ku joogaan Baarlamaanka Soomaaliya, waa bulshada ugu badan ee ka barakacday degaanadoodii sida Bay iyo Bakool , Waa Bulshada loo samaystay ama lagu ururiyey xeryaha Muqdisho si lacag looga sameeyo.
https://youtu.be/r684sW4TozQ
Lacagtii laga sameeyey Barakacaayasha Xeryaha Muqdisho ku jira, oo ahayd lacagtii bulshada caalamka ugu deeqeenin lagu quudiyo. Hase ahaatee laga dhacay , ayaa maanta la doonayaa in lagu laaluusho Xildhibaanada Mooshinlayda ee ka soo jeeda Bay iyo Bakool.
Ugu danbayntii Soomaaliya madaxweyne waxa ka noqon kara oo qura cidda ka qoslisiisa 61 Xildhibaan ee beelaha Raxanweyn oo codkoodu hal meel wada aadayo
Musharaxiinta Muqdisho oo u tartamaya madaxweynaha Soomaaliya waa kooxda qura oo ka qoslisiin karta Nuunoow iyo Shariif Sakiin, sidaas awgeena madaxweynaha soo socda wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah Musharaxiinta Muqdisho. Maalinta madaxweynaha la doortana waxa xigi doona Mooshinaddi lacagta lagu urursan jiray
ALLSANAAG.COM