26th July 2024  admin  Category :

Murashaxiinta beelaha Hawiye oo baaq u diray beesha Caalamka

Midowga Murashaxiinta beelaha Hawiye ayaa soo saaray qoraal ka kooban labo bog kaasoo si toos ah ugu socotay xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya UNSOM halka sidoo kale lagu ogeysiiyay dalalka beesha caalamka.

Midowga Musharaxiinta ayaa ku baaqay in wax laga qabo oo aan indhaha laga qarsan qaabka ay dowlada federalka ku hoggaamineyso doorashada dalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in beesha caalamka aysan ka hadlin doorashooyin ka dhacay qaar ka mid ah dowlad goboleedyada oo la musuqmaasuqay taas darteedna ay sababtay in uu ku dhiirado Madaxweyne Farmaajo in uu isku dayo in uu ku shubto doorashada federalka.

Halkan ka aqriso qoraalka ay soo saareen Midowga Musharaxiinta;

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*