26th July 2024  admin  Category :

Xil kasta oo la magcaabayo maxaa ka dhigay in loo magcaabo qof ka soo jeeda beesha Hawiye.Taas macnaheedu soo maaha “Muqdisho Unugaa leh”

Xilalakii  ilaa shalay lagu magcaabay magac Soomaaliyeed, ayaa waxay ka soo wada jeedaan   Beesha Hawiye

Axmed Maxamaed Jimcaale Cirfiid, oo ka soo jeeda Hawiye, Habargidir, Saruur, waxa loo magcaabay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed

Cabdulaahi Cali  Maxamed Sanbalooshe, oo ka soo jeeda beesha   Hawiye, Xawaadle, waxa loo magcaabay Taliyaha nabad sugida Soomaaliya

Axmed Kismaayo, oo ka soo jeeda beesha Hawiye, Abgaal. waxa loo magcaabay  maareeyaha dekedda Muqdisho ee ku taal caasimadda Soomaaliya

Yuusuf Jaale, oo ka soo jeeda beesha Abgaal, Hawiye, waxa loo magcaabay maareeyaha Garoonka Caalamiga ee ku yaala caasimadda Soomaaliya  Muqdisho

Maxamed Sheekh Cali oo ka soo jeeda beesha Hawiye, waxa loo magcaabay, taliyaha Ciidamada Cirka

Maxamed Adan Jimcaale, oo ka soo jeeda beesha Hawiye, Habargicdir, Cayr, waxa loo magcaabay taliyaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Taabit Cabdi Maxamed, oo ka soo jeeda beesha Hawiye, Abgaal, Wacaysle, waxa loo magcaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, oo ay ku taalo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho

Madaxda Shaqaalaha Villa Soomaaliya, waxay ka soo wada jeedaan beesha  Hawiye  sida Afhayeenka Madaxweynaha, Afhayeenka Dawladda iyo taliyaasha.

C/Fitaax Ibraahim Shaawey, oo ka soo jeeda beesha  Hawiye, Murursade isagana waxa loo magcaabay  taliye Ku xigeenka Sirdoonka iyo Nabadsugidda DFS.

Ugu danbayntii haddi saami qaybsigii uu noqday shalay xilka waxa loo magcaabay Wacaysle, Abgaal,  ee maanta waa in loo magcaabaa Galmaax, Abgaal  oo iyaga  loo dhiibaa Garoonka iyo dekedda Caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho,  soo taasi kama dhigna Muqdisho Unagaa leh oo nin aan Hawiye ahayn xil kama qaban karo.

Allsanaag.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*