26th November 2026  admin  Category :

Maxay ku kala duwan yihiin dadka ku nool Minneapolis, iyo Muqdisho

Sanadkan aynu ku jirno horaantiisii markii madaxweynaha Maraykan Trump uu u soo diray ciidanka United States Immigration and Customs Enforcement (ICE)  labada magaalo ee mataanaha ah ee ay Soomaalidu ku badan yihiin ee  Minneapolis iyo Saint Paul , si uu u bahdilo ama si sharci darh ugu musaafuriyo Soomaalida dalka Maraykanka , waxa garab istaagay dadkii magaalada la deganaa oo aan la diinta ahayn, la midabka ahayn oo isku cusbaayeen oo ay Soomaalidu ahayd kuwo magaalooyinkaa deganaa muddo yar marka loo fiiriyo Qowmiyadaha kale ee Maraykankaa. .

Bulshaddii ku noolayd magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis iyo Saint Paul, ma garab istaagin oo qura Soomaalida ee qaarkood naftooda ayeey waayeen maalintii January 7, 2026, ayaa waxa difaaca Soomaalida nafteeda ku wayday  Renée Nicole Macklin Good, 37-jir ahayd.

Sidoo kale January 24, 2026, waxa la dilay isaga oo Soomalaidaa difaacya  Alex Jeffrey Pretti oo 37 jir ahaa

Sanadkii 1991, Muqdisho waxa ka socday waxa maanta ka socda wax la mid ah ama ka darnaa sida barakicinta, guryaha xooga laysaga saarayo xoogana lagu degayo, hooyada ooyeesa, ilmo yar oo banaanka jooga oo gaajoonaya oo aaan haysan hoy uu ku hooydo. Intaa waxa sii dheeraa 1991 Kufsiga, dilka iyo xasuuqa.

Dadka sidaas loo gelayey ama kuwa maanta Muqdisho ku sugan ee sida bani aadanimada ka baxsan loola dhaqmayo reer Muqdisho ayeey ahaayeen, dadka magaalada la degan isku diin iyo midaba ay ahaayeen, mana jirin cid 1991 difaacday iyo hadda oo 2026 ah oo reer Muqdisho dhibta ku daawanayaan Soomaalida kale ee dan yarta ah ee ay hanacsatadu boobayso

Ugu danbayntii Muqdisho 1991 iyo 2026, waa isku mid oo kama muuqato naxariis Bani aadanimo iyo inay diyaar u yihiin inay garab istaagaan walaalhooda habeen iyo maalin ka hor ilmaynaya warbaahinta oo ka baryaya inay wax ka qabtaan hantidooda la dhacayo. Waxaan kaloo is bedelin waa kuwii dulmiga gaystay 1991 oo maalintas Mooryaan ahaa ayaa maanta ganacsato ah welina aaminsan haddii ay 1991 ku taajireen inay maanta Qoysaskooda iyo caruurtooda hanti fiican uga tegayaan

Sanadkan horaantiisa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*