26th July 2024  admin  Category :

Muhiimad Intee le’eg ayey bulshadeeni ka dhaxalikartaa Maalgashiga dalkeena Iyo shaqo Abuur loo sameeyo ?

Waa Hubaan inaan xal u helikarno caqabado badan oo looga gudbikaro mushaakilka shaqa la,aaneed ee ee dalkeenu la dalaa dhacayo hadii aynu samayno shaqo Abuur iyo wadiiqada ugu haboon ee dalka gudihiisu isugu filaankaro iyo GOO aan loo qayla dhaamin Qaramada midoobey iyo Hay’aadaha Mashariicda madax meeriska ku talaxumaystay inay curyaamiyaan bulsho waxqabsankarta oo maskaxiyan aaney sifiican ugu dhalaalsanayn Awoodohooda Shaqo ee dhaxlikara Ubadka dame iyo dhaxalka ay uga tigikaraan oo noqonkara mid Isku filaansho iyo karti wadaninimo ah,Iyagoo dalkooda ka maalgashanaya Waxyaabaha Asaasiyaadka ah ee Ee ALLE SWT kumanaystay sida Falida dalagyada beeraha,Farsamada samaynta Macuunka oo laga sameeyo Qoryo ama Alwaax dhismayaasha guryo gacan ku samaysa ceelalbiyoodyo iyo dhaqitaanka iyo dheefta Xoolaha miyiga.

Mowduucan Waxaa uu daba socdaa Qormadenii Hore ee aan Ciwaanka Ugu dhignay dhibaatoyinka shaqa la aneed ee dalkeena Somalia ka jira, Iminka darasad la xidhiidhay oo dhinacyo badan aan ka qooraansanay Mushkuladeeda 1Aadna ay ahayd mida shaqo la,aneed ee Maskaxda de,yarta Somaliyeed galaaftay oo majara habaabisay hindisayaal badan oo hor oolaa iyadoo ay taasi tahay Xiirka Xaalada Aragtida bulshada (Societal issue) oo aan ku saxnayn haba iyo wadda tashiyo guud oo hagaya masiir Caamiya ah inaanu jirin,hadaba arrimahaasi oo idil ayaan Filayaa inay yihiin kuwo casharo iyo waayo aragnimo badan ay ka barteen dadkeena Somaliyeed oo Maanta 80% u bisil wadaniyada iyo Xal u helida mushaakilka dalkeenu soo maray oo meelo badan ka sameyeyqaybaha bulshada.

Hadaba Iyadoo ay haboontahay In xal qotoma loo helo arimaha jira Waxaa lasamaynkaraa fursado yaraynkara Horumar la,aanta iyo saboolnimada maskax ahaneed ee inbadan oo dadka somaliyeed madaxoodu ka masaxanyahay haba u badnaato degenaansho la,aan iyo xasiloonidaro lumisa kalsoonidooda, Aan ku soo noqdo Ciwaanka wejiga 2Aad ee Qormad oo ahaa
Muhiimad Intee le,eg ayey bulshadeeni ka dhaxalikartaa Maalgashiga dalkeena Iyo shaqo Abuur loo sameeyo ?
Waxaan soo xiganey fikrado badan oo aan Dhanwalba ka gorfaynay lana xidhiidha arrinkan qeexaya samaynta maalgashi iyo raad raaca dhaxalgal aratira u noqda arrimaha mustaqbalka ee shaqa la,aanta iyo habka ugu haboon waxaynuna ku soo koobaynaa oo gundhigeedu saldhig ama cidhib dameed u noqonkaraa Qodobadan hoos ku xusan oo aan fikirkeena ku kaashanay Aragti ahaa.

Muhiimad weyn ayey Inoo leedahay Inaynu wadankeeda ku kalsonaano oo aan shaqo Abuur iyo Samir ugu yeelano, khayraadkiisa kuna Imaansano waxa ilaahay inaga siiyey,Waxaana taas ay noqonaysaa in Qofwalbaab uu samayo shaqo Abuur uu ku nolaado Waa inuu samaystaa ruuxwalbaaba Waxa ugu dhow ee uu ku hormarinkaro noloshiisa,nolosha qoyskiisa iyo tan aayaha dame ee dhalaankiisa,Iyadoo loo baahanyahay in laga maarmo isla mar ahaantaana meesha laga saaro fikradaha reer galbeedka iyo in laga niyad jabo shaqooyinka hoose ee dalkaaga ,si arrintaasi fursad u siiso muwaadiniinta tahriibtey iyo kuwa dalka ku dayacan loogana saaro meesha iyo shaqaale Ajnebiya uu qabto shaqooyinkii muwaadinku xaqa u lahaa oo uu isagu isgarto ,

Arrimahaas oo dhami waa kuwa dhaxlikara Shaqaaleysiinta iyo dhaxalka wanaagsan ee mustaqbalka mawaadin, Iyadoo Urrurada bulshada rayadka ah iyo Hay,aadaha dhalinyarada oo kaashaqanaya waaxyoohda kaladuwan ay tahay talaabo muhiima inay kobciyaan Awoodada horumarineed ee la xidhiida arrimahan oo ah waajibaadkooda,,

Qoraa Maxamed Axmed Ciise Maxameda726@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*