26th April 2024  admin  Category :

Shirka ugga socday magaalada Muqdisho maamul goboleedyada iyo dawladda federaalka ayaa la soo gabagabeeyey maalin dhaweed, balse waxaa muuqata in shirka oo socoday muddo ka badan hal isbuuc laga soo saaray warmurtiyeed u badan huu-haa oo aan wax micna ah ka danbeen.

Sababtana waxaa laga garan karaa ajandayaashii shirka looga hadlayey oo ahaa qodobo aad u ballaaran oo ay ka mid ahaayeen kheeyraadka sida loo qeeybsanayo, macaawinooyinka dibadda ka yimaada, dastuurka, amniga iyo siyaasada.  Dhamaan arrimahaas oo dhan, ma aheen kuwo si sahlan go’aan looga gaari karay waqti yar gudahood, balse qodobadaas qaarkood waxeey u baahan yihiin in waqti dheer oo sannado gaarayo la siiyo. Shirkan ayeey aheed in dhamaantiis diiradda lagu saaro labo arrimood oo kalla ah amniga iyo sidii xal rasmi ah looga gaari lahaa khillaafka u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dawladda federaalka.

Waqtigan waxaa ka socda magaalada Baydhabo mooshin ka mid ah qalalaasaha ay ka waddo dawladda federaalka dalka. Ma qabo in dawladda oo aan amnigeeda suggan karrin Villa Soomaaliyana ku xanniban ay waqtigeeda ku lumisi duminta maamulada dalka.

Dawladda dhexe ayaa taageero badan ka heshay shacabka Soomaaliyeed ayaa markan u muuqata mid ku mashquushay riditaanka madaxda maamul goboleedyada iyo siyaasad xummo is daba socota . Waxaase dhab ah in dawladda uu hoggamiyo Farmaajo iyo Kheeyre ay waqtigan u muuqdaan kuwo waqtigooda ku dhameesan doona iyaga oo iska daba wareegaya haddii aysan  iska deen arrimaha aan u shaqeeyn doonin oo ay ku mashquulsan yihiin.

Shacabka Soomaaliyeed iyo dawladdaba waxaa hor yaal hawl aad u muhiim u ah taas oo ah midda amniga. Waxaa xaqiiq ah in dawladda dhexe ay talladeeda ku egtahay Muqdisho oo kalliya, meesha maamulka Galmudugna uusan dhaafsiisneen Cadaado, Jubbalandna Kismaayo, hirshabeelana Jowhar iyo koonfur galbeed oo aan dhaafsiisneen Baydhabo. Dhamaantood waxaa u diiday ineey dhulka ay ku abtirsadaan ay ka taliyaan waa amni xummida ka jirta deeganadooda taas oo kaga imaaneesa argagixisada Shabaabka.

Hadaba, miyeeysan habooneen in laga taqluso Shabaabka amni darada dalka ku haya, lana illaaliyo nidaamka lagu heshiiyey ee federaalka ah? Waxaana dhab ah, haddii aan argagixisada aan laga tirtirin dalka, ay dhici doontoi in aan noqono kuwo qabuurayaasha aan ka dhamaan, maryo cas cas ku xirta madaxa, agoomo iyo rajooyin ay noqdaan ubadkooda, kuna nool cabsi habeen iyo maalin taagan.

Dawladduna dawlad kuma noqon karto iyada oo ku dhuumaaleesaneeyso Villa Soomaaliya, garabna ka raadineeysa ciidamo shisheeyey hadana ineey riditaan iyo khal-khal ay kulla dhaqaaqdo maamulada dalka ee ah iyada garbaheeda. Hadaba, si dhibka looga baxo waa in dawladda federaalka ay xoogga saataa arrinta amniga iyo sidii wada shaqeen fiican ay u dhexmari laheed iyaga iyo maamul goboleedyada.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*