26th April 2024  admin  Category :

Cali Maxamed Geedi waa siyaasiga qura oo Madaxweyne Farmaajo Garab u noqon kara, si loo helo Qaran Soomaaliyeed ee dhamaystiran.

Ra’isawasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedo oo sabab u ahaa in burburkii dawladdi kacaanka ka dib ay dawlad Soomaaliyeed  ka shaqayso Villa Soomaaliya ayaa ah siyaasiga qura oo aan laba wajiilayn, qabyaaladdu ku yar tahay, Soomaalina ay isugu mid tahay, oo maanta kala  shaqayn kara Madaxweyne Farmaajo si loo heli lahaa  midnimo Soomaaliyeed

Cali Maxamed Geedi, waa siyaasiga qura oo Garowe, Kismaayo iyo Muqdisho ay  isugu mid yihiin ,  oo bulshada ku nooli Muqdisho iyo Garowe ay si isku mid ah u soo dhoweenayaan  Taasina waxay fududaynaysaa in la helo  kalsooni iyo in Bulshada Soomaaliyeed oo midowda

Hadaba hoos ka akhriso maalintii RW Cali Maxamed Geedi uu albaabada u furay Villa Soomaaliya, 

WASIIRKA KOOWAAD OO BOOQDAY VILLA SOMALIA May 1, 2005

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka ee Dowladda Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi ayaa maanta Booqasho rasmi ah ku tagay Xaruntii hore ee Villa Somaaliya ee Madaxtoyada, halkaasoo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid qeybaha Magaalada Muqdisho.

Prof Geedi oo ay Booqashadisa ku wehliyeen Wasiir ku-xigeen Xiriir Gobaleedka Dalka Kenya Joseph Nyaga, Wakiilka Xoghayaha Guud u qaabilsan arrimaha soomaaliya Baba Femi Badeeja iyo danjirayaal ka socda Beesha Caalamka, gaar ahaan Midowga afrika, Jaamacada carabta, dalalka Igad, waxay xaruntaasi kala kulmeen soo dhaweyn aad u heer sareysay, iaydoo Dadweynahaasi ku dhawaaqayay soo dhawada Raisul Wasaare adiga iyo wafdigaada.

Hadal uu dadweynahaasi u jeediyay raisuil wasaare Geedi waxa uu ugu horreyntii uga mahadceliyay sidii diiraneyd ee isaga iyo wafdigiisa ugu soo dhaweeyeen Xarunta Madaxtooyada, wuxuuna sheegay in tani ay muujineyso in dadweynuhu ay baahi weyn u qabaan Dowlad, isagoo intaa raaciyay in Dowladu ay wax u qaban doonto Dhallinyarada Hubeysan ee Maleeshiyaadka oo loo qaadan doono Ciidamadfa Booliska iyo militariga, kuwa buuxiya Shuruudaha Ciidanka, kuiwa kalena la siin doono tababar farsamo ah oo ay ku shaqeystaan.

Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi waxa uu u sheegay Masuuliyiinti iyo Dadwerynihii xarunta Madaxtooyada kusoo dhaweeyay in laga sugayo in ay wax ka qabtaan Amaanka iyo xasiloonida Muqdisho si Muqdisho ay usoo ceshato Sharaftii ay caanka ku aheyd, wuxuuna weydistay inay Taagero buuxda siiyaan Dowlada isagoo sheegay in Xukuumadu waddo barnaamijo wax looga qabanaaayo dhinacayadfa Amaanka, dib u dhiska iyo barnaamij ku wajahan hub ka dhigista.

Masuul ku hadlay Ururkii SNA ee Taageera Ra’iisl Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka arrimaha Gudaha Mudane Injineer Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid, waxa uu sheegay in isagoo matalaya Dadweynaha iyo masuuliyiinta SNA ay Diyaar u yihiin inay furaha Xarunta Madaxtooyada, Radiyo Muqdisho iyo Taliska Booliska Soomaaliyeed ay ku wareejiyaan Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya.

Dawo daqiiqaddaa 28:54

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*