26th July 2024  admin  Category :

Wasiirkii Puntland ee mucaaradka ku ahaa jidka Ceel Daahir,  ee Faroole ku khasbay inuu xilka iska casilo ayaa xilkii uu baneeyey la magcaabay.

Cali Cabdullahi Warsame Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimilada Puntland
ayaa saaka iska casilay xilka Wasiirnimo, ka dib markii  in mudo ah uu ku doodayey  in mashruca  jidka Ceel Daahir lagu bedelo mashaariic laga hir geliyo gobolada Nugaal iyo Mudug.

Cali Cabdulaahi,  oo ahaa wasiirkii hore ee caafimaadka Puntland waqtigii Faroole  , ayaa ka tirsan xisbiga Aaran jaan  ee Qoyska reer Faroole gaarka u leeyihiin   oo ay hadda ku awrkaxsanaya  wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland     Farax Cali shire , iyaga oo bulshada reer Puntland kU marin habaabinaya waxa la gaaray xilligii Cali Saleebaan ‘ Puntland hogaamin lahaa”. Laakiinse  Faroole iyo dhalaankiisu ay doonayaan in daaha gadaashiisa ka maamulaan Puntland,  oo ay soo ceshaan dhaqankii ay horay Puntland ugu burburiyeen.

Madaxweyne Gaas, oo si fiican ula socda riwaayadda ay wadaan   Aaran Jaan ayaa horay ka magcaabay wasiirkii  bedeli lahaa wasiirka mucaaradka ku noqday  mucaaradka jidka Ceel dahir oo ay soo dedejisay is casilaadiisu booqashaddii uu Madaxweyne Gaas ku tegay gobolka Sanaag

Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 23 Sep 2018 magcaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadlka Cimilada.

Xeer Madaxweyne Lr.131 Sep 22, 2018, kuna saabsan magacaabid Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadlka Cimilada.

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

 

Markuu Arkay:                        Dastuurka Dowladda Puntland

 

Markuu arkay:                         Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo

 

Markuu la Tashaday:               Madxaweyne ku xigeenka Dowladda Puntland

 

Wuxuu Xeeriyey:

 

1.Waxaa Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimilada

 

2.Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.

 

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACY-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*