22nd December 2024 admin Category :
Wasiirkii Puntland ee mucaaradka ku ahaa jidka Ceel Daahir, ee Faroole ku khasbay inuu xilka iska casilo ayaa xilkii uu baneeyey la magcaabay.
Cali Cabdullahi Warsame Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimilada Puntland
ayaa saaka iska casilay xilka Wasiirnimo, ka dib markii in mudo ah uu ku doodayey in mashruca jidka Ceel Daahir lagu bedelo mashaariic laga hir geliyo gobolada Nugaal iyo Mudug.
Cali Cabdulaahi, oo ahaa wasiirkii hore ee caafimaadka Puntland waqtigii Faroole , ayaa ka tirsan xisbiga Aaran jaan ee Qoyska reer Faroole gaarka u leeyihiin oo ay hadda ku awrkaxsanaya wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Farax Cali shire , iyaga oo bulshada reer Puntland kU marin habaabinaya waxa la gaaray xilligii Cali Saleebaan ‘ Puntland hogaamin lahaa”. Laakiinse Faroole iyo dhalaankiisu ay doonayaan in daaha gadaashiisa ka maamulaan Puntland, oo ay soo ceshaan dhaqankii ay horay Puntland ugu burburiyeen.
Madaxweyne Gaas, oo si fiican ula socda riwaayadda ay wadaan Aaran Jaan ayaa horay ka magcaabay wasiirkii bedeli lahaa wasiirka mucaaradka ku noqday mucaaradka jidka Ceel dahir oo ay soo dedejisay is casilaadiisu booqashaddii uu Madaxweyne Gaas ku tegay gobolka Sanaag
Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 23 Sep 2018 magcaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadlka Cimilada.
Xeer Madaxweyne Lr.131 Sep 22, 2018, kuna saabsan magacaabid Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadlka Cimilada.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo
Markuu la Tashaday: Madxaweyne ku xigeenka Dowladda Puntland
Wuxuu Xeeriyey:
1.Waxaa Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimilada
2.Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACY-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND